Suldaan baa hadlay " ku yeh - Garoon inoo sameeya, mid kaloo xaafadaasaa hadlay ku yeh waad iska hadashay, labaduba waxaa lagu soo shubay dhiiga kala qaaybinta dadka, dabeedna xoogaa lacaga baa loo soo dhiibay, dabeedna afkuu furtay sida uu waxyi sheegayo. Waamaamulkan isaaq isu keeni kari waayay oo islaamaha u kala qaaybinayaa, ma wadan buu isu keenayaa. Kulmiye markii uu fashilmay ayuu damcay in uu hargeeysa isugu dhiibo qori dab leh iyo xaasaasiyad abuuraysa nacayb si reeruhu u kala yaacaan oo nin walba uu reerkiisa ku daba faaylo. Balse siyaasadan habaraha diilinta cas lagu kala dhex marinayo ayaa u muuqata amba qarxin doonta dhamaan Somaliland, ninkii jirayna wuxuu yidhi "doqonay adna wax ku li'id".
Xukuumadan gabalkeedu dhacay ee hadana rabta in aay boqortooyo ka dhex samaysato waxay ku mashquulsan tahay, kala fogaaynta qooys kasta, beel kasta kamana filan doono in aay reer boorame iyo harti aay wax wanaagsan ula tagto ee taa mid ka sii daran baay ula tegaysaa. Hore waxaa loo ogaa in Togdheer, Saaxil iyo Sanaag aay beri hore qoys qoys u kalasafteen oo warkoodu dabo qabashoba ma laha, xitaa waa tii wiilashadii kubada cagta u ciyaarayay u kala safteen labada beelood. Sanaagna idmanayaal dhiman baaba burco looga qaaday, si aay halkaas aay xuduuda cas ee loo kala sameeyay aay waardiye ka ahaadaan.
Maantana Hargeysi waxaay ku sii siqaaysaa in loo gurman kari waayo. waayo hargeisa viruska "antrax" ee aan dawada lahayn baa lagu dhex tuuray calaashaan daan daan, xaafad xaafad, garoon garoon in laaysugu tegi waayo.
Kulahaa imisaan idin lahaa garoon diyaaradeed samaysta hada waa loo soo dhiiboo waa ka dhex hadlayaa Zaadka soo baxyoo dalkiiba "viruska Anthrax" baa haleelay.
Labada suldan ee labada daamod ee hargeisa u kala hadlay ogaadaa caqli xor ah iyo maan fayow kuma hadlayan keliya waa rag loo adeegsanayo inay bur buriyaan midnimada shacabka hargeisa
Wasiirada Maaliyada Samsam, duulista iyo hawadu - mohamoud Hashi waa labada shaqsi ee fidnadan wada, khaasatan wasiir Muhanad waa kan fidmadii burco ee uu ku najaxay, wada in uu ku dhex tuuro maanta magaalada Hargeisa, hadaba shirqoolkan dhagaraysan beelaha Somaliland ha ka feejignaadeen bulshada walaalaha ahoow.
Codkashacabkaa - Somaliland
Codkashacabkaa1@gmail.com
No comments:
Post a Comment