Wednesday, 13 May 2015

Guddoomiye Abdirahman Cirro Ayaa Caawa Soo Saray War Saxaafadeed Oo Jawaab Celin U Ah Dalabka Maamulka Siilanyo..

REF/XIS/WAD/XDH/2226/2015                                                                                                                                                                                                 Tariikh:May 13,2015
War-Saxaafadeed 
Mabda Ahaan Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa  gogosha Wadahadalka iyo wadatashiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland fidiyey.
Waxa Xisbiga WADDANI aaminsanyahay inay Somaliland wax badani ugu hagaagayaan wadahadalKa marka loo eego marxalada maanta la marayo.

Qaabka loo gelayo wadatashiga  Qaran iyo ajandaha laga hadlaayo waxaanu  wadatashi kala gelaynaa  Xisbiga aanu mataanaha nahay ee mucaaradka ah ee UCID,haldoorka iyo talo-qabeenk Somaliland.

Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka  ee danaysa horumarka iyo dimuqradiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgalay  Somaliland waqtiga guddiga doorashooyinku cayimay ee 1 june, 2016

Madaxda  iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rajoweyn yihiin dal  iyo dibadba in  lagu Guulaysan doono wadahadaladaas.

Codkashacabkaa - Hargeysa.

No comments:

Post a Comment