*
Sunday, 3 May 2015
Madaxtooyadda oo ku fashilantay dagaalkii ismiidaamiska ahaa iyo dedaaladeeda kale.
Madaxtooyada ayaa ku fashilantay inay hesho suldaano ka daba jawaaba Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin, kuwaas oo taageero xoogan siiyay mudada komomishanku uu mudeeyay doorashada.
Haddaba ceeb Xukuumadu kala kullantay qabashada kulan salaadiin laaysugu keenayay la waayey hal qof oo kamid ah Madaxdhaqameedka iyo Haldoorka Beelaha Subeer Awal oo shir loogu qaban lahaa Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, hadaba waxaay arini qasantay, taladuna faraha ka baxday markii xubno Salaadiin ah oo Madasha yimi ka gacan taagteen inay ka dabo hadlaan Suldaanka Guud ee Subeer Awal, xubnihii arrinkaa ka biyo diiday waxa kamid ahaa Suldaan Axmed Nuur Samaale.
Diidmada Suldaan Axmed Nuur Samaale waxaay tusbax go’ay sidiisii ku noqtay xubnihii Salaadiinta ahaa ee madasha iskugu yimid oo markii aay diidmada maqleen mid mid uga dareeray hoolkii loogu yeedhay. ka dibna oday keliyihi oo ishu qabato madashii kumu soo hadhin waxaana isugu hadhay koox iskugu jirtay dhalinyaro iyo odayaal aan Beesha dhexdeeda wax miisaana ku lahayn.
Warar xogogaala baa sheegaya
in hirgelinta hawlgalkan la magac baxay "guntiga dhiisha iskaga dhiga" aay soo abaabuleen Muuse Bixii iyo Maxamed Kaahin oo isku dhan ah iyo Wasiiradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Somaliland oo iyana geeska kale ah.
No comments:
Post a Comment
Newer Post
Older Post
Home
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment