London - 27 may 2015 - Csh - Gudcur gudayaaba ama wax is daba marisayaaba, ogoow aduunyadu maanta waa hal xaafada, sida xog shabakaddaha qaarkood ka heleen ilo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya, in wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan 16/05/2015 uu Hotel Emirate Star ay si aan ku talogal ahayn kula kulmay saraakiil ka socday sirdoonka Markeykanka oo aay ka mid ahaayeen Mr Foreman iyo Derrick Douglas oo ka socday shirkadda R4 oo ka tirsan shirkadihii tartanka u galay tababarista ciidankii la rabay inay ilaaliyaan shirkadaha baadhista shidaalka.
Masuuliyiinta ka socday shirkadda R4 ee watay sirdoonka mareykanka oo tirsanaya in la musuqmaasuqay, ayaa daba socda in loo soo celiyo kharashkii kaga baxday hawshaas oo ay u tirsanayaan wasiirada madaxtooyada iyo Macdanta.
Xogta aanu helay ayaa sheegaysa in sirdoonka Mareykanku wasiir Xirsi u sheegeen in lala socdo dhaqdhaqaaqa isaga iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumada iyo waliba xubno ka tirsan qoyska madaxweynaha oo uu ugu horeeyo “Baashe” inanka madaxweynuhu soddoga u yahay oo ay la kulmeen hadda ka hor.
Qodobada ay kala hadleena waxa kamid ahaa: musuqmaasuqa iyo hanti boobka, dib u dhigista doorashada iyo awoodaha ay sida khaldan u isticmaalayaan xubnaha kor lagu sheegay. Dhanka kale, labada sarkaal ee ka socday shirkadda R4 waxay ay wasiir Xirsi u qadimeen in ay dacwad ku furi doonaan isaga iyo wasiirka macdanta.
Ugu dambayntii ilaha diblamaasiyadeed ee aanu ka helay warkani waxay daaha ka faydeen in ay soo bandhigi doonaan codadkii laga duubay kulan sirdoonku la yeesheen Baashe oo aan xil u hayn dawladda iyo kulankan wasiir Xirsiba xilliga ku haboon.
Codkashacabkaa1@gmail.com
No comments:
Post a Comment