Wednesday, 27 May 2015

Joornaal Ka Soo Baxa Paris Oo Wax Ka Qoray Doorashooyinka Somaliland Ee Dib U Dhacay Iyo Go'aanada Beesha Caalamka.

France - 27 may 2015 - Csh - Qaadhaan bixiyeyaasha reer Galbedka ayaa si qayaxan u diidey muddo kordhinta loo sameeyey Xukuumada doorashada la qaban doono 2017. Waxey aheyd 10kii bishan May 2015 markay  golaha Guurtida Somaliland u sameysey muddo kordhin waqtiga doorashada  madaxweynanimada  u qoondeeyeeen in ay qabsoomto 27/04/2017.


Reer galbeedku waxey saareen cadaadis  Madaxweynaha JSL Mudane Mohamed Ahmed Mohamoud Silanyo in aanu ku darsan muddo doorashada waqtigeeda loo qorsheeyey ahna 2016 bisha shanaad 16 keeda in ay dhacdo.

Wafti  Mareynkan ah oo uu horkici doona  ku-xigeenka safiirka  Mareyka u qaabilsan Arimaha Somaliya  Mr Brian Phipps ayaa la filayaa inuu yimaado Hargeysa,  si uu ugu sheego Madaxweyanaha in haddii  uu uu aqblo muddo kordhinta loo sameeyey uu la kulmi doono caawiqib xumo, Mareykan kuna joojin doonaan wixii caawimo ah ee ay siin jireen Somaliland.

Waxa sidoo kale digniin  culus  soo gaadhsiisyey dawlada JSL  Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Mr James P. McAnulty waraaq bishii hore 22 keedii.

Yurubiyaanka  (Europian) oo ah kuwa ugu horeeya deeqbixiyaasha Caalamka wax siiya Somaliland ayaa iyana dhankooda ku cadeeyey in go’aamadii ay soo sareen Golaha Guurtitudu ay joojin donaan wixii caawimo ahaa ee ay siin jireen Somaliland  haddii ay doorashadu ku qabsoomi waydo waqtigeeda  1 juun 2016. Sidaas waxa cdeyey safiira  Michele cervone d’Uso mar uu la kulmey madasweynaha JSL  Mudane Silanyo.  Sidoo kale kuxigeenka safiirka Engaland e Dalka Ethiopia Mrs Cathryn Evans ayaa iyana sheegtey in dawlada UK joojin doonta wixii caawimo ahaa ee ay siin jirtey Dawlada Somaliland.

Xigasho: Warsomali

No comments:

Post a Comment