Monday, 4 May 2015

Kulan Qarsoodi Ah Lataliyaha Arimaha Dibada Ee Madaxwayne Somaliland Md Cabdo Axmed Aayir Uu La Qaatay Shaqale Hosaadka Wasaradda Arrimaaha Dibadda Denmark.

Shabakadda codkashacabkaa ayaa heshay kulan qarsoodiya oo Lataliyaha Arimaha Dibada Ee Madaxwayanaha Somaliland Md Cabdo Axmed Aayir  uu la yeeshay qaar ka mida xafiiska arrimaha dibadda ee Denmark taariikhdu markaay ahayd 23 apr2015.  Sida aan xogta ku helay waxaay la kulmeen Anders Hansen iyo Hanna cleaver oo ah madaxa taakulaynta dhaqaalaha ee qaabilsan Somaliland Iyo Soomaliya iyo Kristina jensen oo ah lataliyaha arimaha geeska afrika.


Sida aan wararka ku helay waxyaabaha aay ka wada hadleen waxaay ahaayd in aay sheekooyin been abuur ah oo in doorashada gollaha wakiiladu dib u dhigeen ee aanay dawladdu dib u dhigin masuuliyadeedana aay iyagu leeyihiin, balse xukuumad ahaan aay iyagu diyaar u yihiin. Mr Cabdoow Aayar baa arrimahaas doorashooyinka Sanadka dib Loo Dhigay isku deyay weedho been abuur ah balse uu ku fashilmay kulankaas uu is lahaa qari iyo warkaa uu ka been abuurtay xisbiyada iyo gollaha wakiiladaba. Dhamaan been abuurkaas baa haba yaraatee su'aalaha laga waaydiiyay uu ku haftay oo jawaabo lagu qanco uu u gudbin waayay, uuna kala kulmay weji gabax aan laga ogolaan mudo kordhin 2 sano ah.

Arrinta kale ee sida adag wax looga weeydiiyay ayaa ahaayd qisaastii dawladu samaysay, oo dhamaan dalalka reer galbeedku aay canbaareeyeen, dawladuna aay signal uga dhigaysay dawladaha reer galbeedka in aay waxay doonto samaynayso oo aanay u dulqaadanayn faragelinta dalalkaa dibada. Haddaba dhamaan wixii laga weeydiiyay arrimahaas wuu ku fashilmay. Dawlada oo ka baqaysa in dawladaha caawiyaa aanay caawimada ka sii goosan ayaa hada u muuqata mid safaro ku gaala bixinaysa caalamka, si aay ugu qanciso beenahoodiii hore ee fashilmay. 

No comments:

Post a Comment