Sida uu cadeeyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md Maxamuud Saleebaan Cali Hayste [Ramaax], ayaa sheegay inuu askari uu dhaawacmay mar uu saarnaa gaadhi ciidanka boolisku leeyihiin, kaasoo maray meel qiyaas ahaan 20KM dhinaca galbeed ka xigta xarunta gobolka Awdal ee Borama.
Guddoomiye Hayste, waxa uu intaas ku daray inay ciidanka qaranku ku daba jiraan kooxdii weerarka ku soo qaaday gaadhiga ciidanka boolisku wateen. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cisbitaalka guud ee magaaladda Borama Mr Ismaaciil Sheekh Maxamuud Aaye, ayaa isna dhankiisa xaqiijiyey dhaawaca soo gaadhay askarigan inuu soo gaadhay cisbitaalkiisa, isla markaana lagu dawaynayo dhaawaca soo gaadhay.
Xigasho: Qumannews
Xigasho: Qumannews
Nagala Soo Xidhiidh:
Codkashacabkaa1@gmail.com
Codkashacabkaa - Hargiesa : Kala Soco Warar Xaqiiqa
Follow us Twitter, Facebook, Livejournal, Youtube / Voice Tv and Google+
No comments:
Post a Comment