Thursday, 14 May 2015

Sheekadda "Alla Jaahil Dhiiranaa" Iyo Qorshaha Beesha Caalamka Oo IGAD Hormood U Tahay Ee "Regime Change"

Hargeysa, May 14, 2015 - Csh – Xukuumadda Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa kusii siqaysa inay gasho go’doon caalami ah ka dib markii ay dawladaha daneeya arrimaha Somaliland ay xukuumadda dalkan kala quusteen inay Golaha Gurtidda dib ugu celiyaan si looga noqdo go’aankii ay mudada xukuumadda ugu kordhiyeen 22-ka bilood isla markaana ay u suurtoobi lahayd in doorashadda lagu qabto mudo hal sano ah 1-da June 2016-ka, taas oo ay Komishanka doorashadu qabsadeen, axsaabta siyaasaduna ka aqbaleen ka hor intaanay Guurtidu Isniintii dhawayd soo saarin go’aankan cusub ee mudo-kordhinta 22-ka bilood ah.


Haddaba beesha caalamka oo taageersanayd is-fahankaa horre in doorashadda hal sano lagu qabto ayaa waxa u qaadan-waa ku noqotay mudo kordhinta ay Guurtidu jeebkeeda kala soo baxday iyadoon madaxtooyadda mooyaane cid kale kala tashanin.

Madaxwayne Siilaanyo iyo xubnaha xukuumadiisa ee ka shaqaynayey dib u dhiga doorashadda ayaa hadda ku jirra xaalad la odhan karro ‘way ka baahday’. Halkii ay isa-saxi lahaayeen waxay mar walba qaadanayaan go’aan khaldan oo iyaga uun waxyeelaya isla markaana ka go’doominaya dawladaha Mandaqada iyo caalamka intiisa kaleba. Waxay u muuqataa in Madaxwaynuhu jaha-wareeray oo isaga iyo kuwa ku xeeran midkood-na aanu talo dhaafsiisan ‘aan wax iska celino’ mooyaane aanu mid kale haynin.

Haddaba ma Somaliland inteedii badnayd oo facaayilkoodan la yaaban ayey iska celin mise caalamkan dhan ee ay colaada gashadeen ayey iska celin?. Waa meel uu ka talinayo Ina Warancade oo u haysta in xalku ku jirro in Waddani-na la wada xidhxidho ‘gaaladana’ dalka ha laga saaro. Hadda waa ninkii Siilaanyo 1995-kii markuu faataadhugtiisa la yaabay ku yidhi ‘Alla jaahil dhiiranaa’. Ma jirto xukuumad Somaliland ah oo sidan hadda jirta oo kale ay beesha caalamku culays intaas leeg u saartay.

Dabcan waxaynu wada ognahay  in xidhiidhkii xukuumadda Siilaanyo iyo caalamku sanadba sanadka ka danbaysa sii xumaanayey oo talada judhiiba la isku-seegay ahayd xukuumadda oo joojin-wayday tacadiyaday kula dhaqmaysay saxaafadda iyo beesha caalamka oo mar walba xukuumadda ka codsanaysay inay ka waantowdo xad-gudubyada ay ku  hayso xoriyaadka gaar ahaan xoriyatul-qawlka.

Haddaba go’doonkan ay xukuumadda Siilaanyo is-galisay maaha mid ay kaga bixi karto  gab-gabta Ina Warancade iyo mu’aamaraadka Baashe Cawil oo waxba ka tari-mayso wakhtigan  furdaaminta arrimahaas gogasha goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ay shalay fidisay.

Madaxwayne Siilaanyo iyo inta ku xeeran ee lu’goynaysa  halkii ay ka qaadan  lahaayeen go’aan geesinimo leh oo ay kaga noqonayaan kordhinta muranka iyo qaska abuurtay waxay iska dhaadhiciyeen in haddii ay ku adkaystaan mawqifkooda 22-ka bilood ah aanay waxba dhici doonin oon deero-na deero hirdiyi-doonin.

Laakiin xalayba xukuumadii gabal-baas baa u dumay markii ay beesha caalamku sida adag uga hadashay mawduucii mudo-kordhinta ooy waliba tilmaameen cawaaqib-xumada ka dhalankarta, taas oo ahayd digniin ku wajahnayd shakhsiyaadkii difaacayey mudo-kordhintaasi iyo talaabooyinka laga qaadi doono hadii ay sii wadaan carqaladaynta geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland.

Waxyabaha beesha caalamku u diyaarisay baa ah dhowr qaybood, waa tan koowaade in shaqsiyaadkan lagu soo rogo cunaqabateeyn iyo dacwado dhinacyo badan ah, waa tan labaade in dhaqaalaha lagu taageero dawladan laga goosto, waa tan sadexaade in dhamaan hayadaha ajinebiga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland laga saaro, waa tan afraade marka qas siyaasadeed gudaha ka abuurmo in faragelin dawlada IGAD aay soo fara geliso iyadoo loogu soo marmarsoonayo muranka siyasadeed iyo kooxo xagjirnimo ah oo Somaliland ku sii xididaysanaya. 

Balse maamulka Siilanyo waxaay qorsheeysteen inay in bulshada caalamka aay ka xanaajiyaan wadankana aay xoog milateri ku haaystaan, dhamaan xisbiyaadka muranka wadana aay jeelasha iyo dilal qarsoon u sameeyaan.

Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxba kuma aha xukuumadda Siilaanyo inay qaado talaabooyin kale oo ay kusii xumaynayso xidhiidhkeeda caalamka isla markaana kusii adkaynayso go’doonkeeda caalamiga ah, taas oo waxyeeladeedu ku koobnaan doonin Madaxwaynaha iyo xubnaha xukuumaddiisa balse saamayn-doonta mashaariicda horumarinta ah ee ay beesha caalamku ka waddo dalkan saboolka ah.

Xigasho: Haatuf

No comments:

Post a Comment