Monday, 4 May 2015

Shicibka S/land Oo Codsi U Gudbinaya Uk Iyo USA In Shaqsiyaadka Isu Soo Qaawiyay Duminta Dimoqraadiyada Iyo Boobka In La Baadho.

Shakhsiyaadka Qooyska madaxtoyada ah iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal ayaa isu soo qaawiyay burburinta dimoqraadiyada iyo boobka musuqmaasuq dadka iyo dalka masaakiinta ah ee Somaliland. Dhammaantoodna waa kuwo haysta dhalashooyinka dalalka reer galbeedka ah waana kuwan hoos ku qoran:



1) Aamina Waris Jirde, Marwada Madaxweynaha.
British, waana shaqsiga kowaad ee awooda dalku hoos timaado, waxna ay maamushaa dhamaan dalka oo dhan iyada oo ka faa’iidaystay xanuunka iyo gabowga la soo gudboonaadau odaygeeda



2) Baashe Cawil Cumar kuna magac dheer Morgan
British. Waa shaqsiga labaad ee ugu awooda bada xukumadda Somaliland mana jirto wax xil ah oo uu ka hayo xukumadda Siilaanyo oo aan ahayn waxa uu qabaa Luul Axmed Siilaanyo oo ah gabadha ay dhaleen Amina Waris iyo Siilaanyo. Baashe waa shaqsiga u qaabilsan Islaanta leexinta hantida umaddaay ee ay qoyska madaxweynuhu leexsanayaan. Sanadiikna lama tirin karo inta jeer uu dalka ka dhoofo mar mar bishii waxa uu dalka ka baxaa 8 jeer, waana nin la col ah saxaafada necebna in wax laga sheego, waxa uu alabaada u laabay 3 wargys oo kala ah Hargysa Star, Haatuf iyo Hubaal, waxa uu sidoo kale ku fashilmay shirqoolo dhagaraysnaa oo uu u maleegay maamulka shabakada qarannews.com isga oo ka faa’iidaysnaayay awoodii dawlada isla markaasina ku shaqaysnaayay wasaarada arimaha dibada gaar ahaan wasiirkii hore ee arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, taasi oo u suurto gali wayday in ay shabakdaasi mariyaan halkii ay mariyeen wargysyada aynu kor ku xusnay oo ilaa hada isaga u xayiran, ninkani waa nin hada qani ah oo hanti badan ka samystay tan iyo intii uu Siilaanyo xukunka dalka la wareegay waxana uu inta badan u socdaalaa dalka Kiiniya iyo Imaaraadka iyo dalka Ingriiska waxana la xaqiijinayaa in uu sadexdaasi dalba aqalo ku leeyahay, kana macaashay hantida qaranka ee la boobaayo


3) Mohamoud Hashi Abdi, Wasiirka Duulista Hawada.

British, waxa uu wasiirka duulistu dhawaan soo galay kalinta sadexaad iyo ninka aadka ugu dhow qoyska madaxweynaha waxana uu dhagaha ka qabsaday Hooyada madaxtooyada marwo Amina Waris, waxana uu kursigaasi ka riixday wasiirka madaxtooyada, waana shaqsiga ugu xudh xudha badan ee la sheekaysta islaanta oo inta badan ka qosliya, waxna uu xariif ku yahay qabyaalada iyo boobka hantida ummadda, waxna la xaqiijinayaa in uu lacag tiro badan dalka kala baxay gaar ahaana waxa la sheegay in uu dalaka Imaaraadka dhawaan uu soo dhigtay lacag aad u tiro badan, Wuxuu iibsaday guryo diba iyo gudahaba


4) Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada.

British. Samsam waa wasiirka maaliyada waxayna hore u ahayd wasiirka waxbarashada waana shaqsqi aad u qabyaalad iyo eex badan intii ay wasaarada waxbarashada joogtay waxa ay musqu maasuqaday arday badan oo masaakiin ah oo waxbarasho dibada ah helay waxna ay diri jirtay dad gaar ah waxa sidoo kale la iibin jiray oo la musuq maasuqi jiray deeqaha waxbarasho ee dibadaha laga helo, Samsam waxa ay aad isugu dhowyihiin Amina Waris, waxna ay tahay shaqsiga koowaad ee la taliyas marwo Amina Waris, waxna ay hada u tafaxaydatay lunsiga hantida umadda oo ay qaybteeda qaadato, waxana xiligani ku soo baxay arimo musuq maasuq oo ay qandaraasyo aan loo tartamin ay walaalkeed siisay iyada oo aan xilka wasiirka maaliyadba haynin 3 bilood wax ka yar





5) Xirsi Cali Xaaji Xasan - Wasiirka Madaxtooyadda.

British. Waa mid ka mid ah rukunada ugu cul culus ee xukumadda Siilaanyo waana nin awood badan ku leh dalka, xiliyada qaarkood waxa uu ahaa shaqsiga ugu awooda badan xukumadda Siilaanyo ka hor intii ayna Marwo Amina Warsis sida dadban ayna xilka ugala wareegin, walina waxa uu hatstaa awoodo saayid ah madaama uu sirta qaranka oo dhan uu gacantiisa ku hayo isga oo ka faa’iidaystay bilowgii markii uu Siilaanyo xilka la wareegay, inkasta oo ay Amina Waris awoodii dalka kala wareegtay isaga hadana waxa ay u aragtaa nin khatar ku noqon kara hadii ay gabi ahaan ka takahaluusto waxana ay aaminsantahay in aanu ka ag fogaanin hadii kale waxa uu ku kicin karaa duufaano siyaasadeed oo dhan walba ah, wasiir Xirsi waa shaqsi qani ah tan iyo intii uu xilka qabtay hantida uun samaystay waxa ay gaadhaysaa oo kor u dhaaftay maaliyiin doolar, waxna uu gacanta ku dhigay oo uu isku qoray ama qaatay aqalkii ugu weynaa aqlada dawlada oo lagu qiyaasaayo in ka badan 2 milyan oo doolar




6) Xuseen Cabdi Ducaale,Wasiirka 
Macdanta & Tamarta
American. Wasiirkani waa shaqsiga ugu hanti lunsiga badan xukumadda Siilaanyo waa American Citizen waxana uu musuq maasuqay lacagtii shiidaal baadhista waxa uu soo galay qandaraasyo uu ka qaatay xaqul qalib badan oo aanay lacagyawgaasi qaarkood soo galin khasnada dawlada, sida uu daabacay wargyska Haatuf waxa uu wasiirkani noqday qof ku suntan musuq maasuq, qabylaad iyo hanti lunsi waxana intii uu xilka hayay uu iska bixiyay lacag ku dhow hal milyan oo doolar oo lagaga lahaa dalka Marykanka oo uu Bangi ka mid ah banigyada Maraykanka ka qaatay, waxa sidoo kale uu qabyaaladeeyay mashaaruucdii lagu bixinaayay shidaal sahaminta iyada oo dad ay isxigaan ay lunsadeen dhamaan lacagayowgii loogu talo galay sahaminta shidaalka siiba qandaraasyadii hoose waxna uu ceel dheer ku riday shamintii shiidaalka, waxa dalka isgaga baxay shirkadihii sahaminta shiidaalka isga awgii kadib marki ay fahmi waayeen ujeedadiisa oo ku salysnad uun boob iyo hanti urursi iyo qabylaad, waxna uu gacan saar buuxda lal leeyahay oo ay isku shub shubtaan wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil Cumar Moragan, oo uu u yahay Abti, waana ninka ku taageeray in wargyskii Haatuf gabi ahaanba hawada laga saaro.





7) Saleebaan Mohamoud Aadan’ G/Golaha Guurtida.
British, Saleebaan gaal oo ay qaraabo dhinac kasta yihiin Siilaanyo, waa shaqsi aan ka gaban taageerida Siilanyo, waana shaqsi qabiilnimadu wax kasta ka hore mariya sanadkiina 6 jeer ayuu tagaa dalka UK gaar ahaan London, wuxuuna isticmaalaa lacag aad u badan oo uu beeshiisa isugu ururiyo iyo danaha mustaqbalkaba ee reerka.

Hadaba shicibka masaakiinta ah ee reer Somaliland waxa ay dawladaha Ingriiska iyo Marykanka ka codsnayaan in ay shaqsiyaadkani dalka Somaliland ee aay mudada ka taageerayeen ka horumarinta dhibaatooyinka iyo sare u qaadida dimoqraadiyadaba in aay maanta curyaaminayaan shaqsiyaadkaas kor ku xusan oo isu soo qaawiyay.Haddaba waa in dhamaan reer Somaliland ee caalamka ku nool aay u kacaan oo ka dacweeyaaan caalamka iyo dalalka aay ka soo jeedaan ee aay kula gabanayaan hantida qeyrul sharciga ah ee aay boobayaan oo aay baadhitaan lagu sameeyo meel kasta oo aay joogaan, waxaay isku deyayaan inaay caalamkii oo dhan xitaa aay khiyaameeyaan. Waxaa Jira wejiyo siyaasadeed oo badan oo qarsoon iyo arrimo badan oo aay maleegayaan kooxdani markaa waxa keliya ee lagu qaban karaa waa in caalamka laga dacweeyo.

No comments:

Post a Comment