
Baaqan ayaa ku soo beegmay wakhti ay maanta dalka ka dhoofeen wufuud culus oo ka socodtay dalalka midowga Yurub ee taageera hanaanka dimuqraadiyadda Somaliland, kuwaasoo tan iyo shalayba ku sugnaa dalka. Iyagoo xukuumadda Somaliland u cadeeyey sida ay u diidan yihiin go'aankii ay golaha guurtidu ugu kordhisay Xukuumadda, waxaanay sheegeen inay xayiraad dhinacyo badan ah aay ku soo rogayaan masuuliyiinta xukuumadda iyo Shir guddoonka guurtida sida ugu dhakhsaha badan, haddii aan lagu soo noqonin sannadkii koomishanka doorashooyinka qaranku aay iclaamiyeen.



Codkashacabkaa - Hargeisa
Codkashacabkaa1@gmail.com
No comments:
Post a Comment