Hargeisa, Somaliland . Maj 5, 2015 - Csh – Sida xogo badani sheegayaan waxa maamulka siilaanyo si qarsoodiya u soo daabacadaan Lacagta “1000 / 5000 Sh.” Taasoo haba yaraatee laamaha dawlada ee ku shuqulka leh ansixinta lacagahan aanay waxba ka ogayn. Lacagtaa la soo daabacanayo ee wadanka soo gelaysa sida qarsoodiga ah oo aan lala socodsiin baarlamanka. Hadaba waxan eegi doona sharciyada lacagahas iyo in lacagahaas la geshay diiwaanka bangiga dhexe. Hadaba maxaynu Kala Socona musuqa iyo siraha ku jira lacagta 1000 iyo 5000 Shilling ee ay Xukumadda Siilanyo Soo Daabacatay markay xilka qabatay ?
Markii ay talada dalka qabatay xukumadda uu hogaamiyo M/ Siilanyo soo daabacaday lacag kicisay sicir barar islamarkaana hoos u dhac ku keenta lacagta shilling ka ee somaliland. Sida aan la wadda socono iyadoo oo lacagta dalkeena ay ugu sarayso 500 ta boqol ee shilling ayay xukumadda talada haysaa soo daabacaday Noodhka 5000 iyo 1000 ka shilling iyada oo lacagtaasi meesha ka saartay gebi ahaanba lacagtii sirsirka ahayd ee dalka sida 100kii shilling iyo 50kii shilling, waxaanay horseeday sicir barar iyo qiimo dhac ku yimi lacagtii dalka.
Hadaba marka laga yimaado arimahaas sicir bararka iyo qiimo ridka lacagtii Somaliland. waxaa ku jirta sir musuqmaasaq oo ah in maamulkan boobka u soo shaqo tagay, uu kaga ururinayo dhaman lacagta adag ee sida Dollarka, Euro, dirhamka Iwm. Waxaa muuqata inaanay aqalkan madaxtooyadu aanay u naxay dadkan iyo wadankan tabaalaysan. Aqalkam madaxtoyada ee kooxdu isku xaayndaabtay aay mar kasta ku fikera inaay lacag helaan, mid aay dadka ku kala qayb – qaybiyaan iyo mid aay u raraanba dibadaha. Kuwan maanta ina maamulayaa waxaa hadal dhaxal gal ah ka sheegay maamulkii Riyaale oo la ogaa weedhii “Dal iyo Dad is Haysta baan kugu wareejiyay”. Waxaa jira hadalo siro ah oo dad badani ka shegeen mamulkan, waxaa ka mid ahaa, Waa in lacag la helo si lagu heloba – waayo lacagtaas baa ina gaadhsiinaysa haysashada kursiga ee 50 sanno ee soo socda, waa sida laga soo xigtee. Aqalkan looga taliyaa Somaliland wuxuu aaminsan yahay “in dadka reer Somaliland lacag ninka afka ugu gura baay yaqaniin, haddii aamina weris ama xirsi boqor noqonayo ma daneyaan, haday lacag helayaan. Sidaas waxaa laga haya inta mamulka ku xeeran oo ah xaaraan urursadayal, laaluush qaybiyaal iyo laaluush qaate ama ku shubasho.
Waxa weeye musuq iyo khiyaamo Qaran oo qayral caadiya oo lagu lunsanayo hanti tiro badan. Maaha mid keydka diiwaanka bankiga dhexe ku jirta, baarlamanku ka war hayo ama hayaddaha kale ee arintani khuseysoba, cid maanta haaysaa ma jirto lacagahaa numberadooda biloow ilaa dhamaad oo cadaayn u ah tirada la soo daabacday.Numbarka ka muuqdaa lacagta waa numbar aan ku jirin kaydka bangiga dhexe ee Somaliland oo hadhoow laga heli karo. Waxana jirta in wersheda laga soo daabacay lacagtan aay tahay mid qarsoon oo aan la ogayn, hadaba lacagahaasi kama duwana xaashiyo la soo dabacay oo musuqmaasaq aan xad lahayn ka muuqato oo aan bulshada somaliland ka war qabin haba yaraatee. Waana calaamadaha daahir yaa shamiskaa ee xukumaddan siilaanyo ku soo boob tagtay. Haddaba waxaan uga digayaa bulshada reer somaliland, waa in aqoon yahanadu arintan baadhaan, waa in wax garadku arintan ka kacaan oo xogteeda ogaadaan, waayo waa mida si fudud wadanka u burburin karta. Haddaynu tusaale u soo qaadano Siyaad Barre maalintii uu soo daabacday lacagihii 500 iyo 1000 shillin ahaa – waatii la ogaa oo wadankii somaaliya, maalintaas baa la is qashay oo sixir bararku cirka tegay. Bal hadaba maxaa garantiin ah oo aaynu ka haysanaa oo lagu aaminaa xukumaddan been badan ee soo xalufisay dhamaan hantidii ummaddan ka dhexaysay, una soo miciyo lisanaysa khayraadkii dalka iyo dekadaheeniiba si aay shaqsiyo u dhaxalsiiso.
Codkashacabkaa.com
Codhgkashacabkaa.blogspot.dk - Hargeisa Office
Codkashacabkaa1@gmail.com
No comments:
Post a Comment