Friday, 29 May 2015

Maamulka Siilanyo Oo Siyaasad Ka Raadshay Barakacayaal saaran Markab Dushiis + Gunimada Iyo Ceebta Somaliland Loo Soo Jiiday.

Berbera - 29 may 2015 -. Csh - Shacabka iyo qurba jooga reer Somaliland oo cambaareynaya falka iyo cadowtinimada iyo i.sku dirida siyaasadeeysan ee xukuumada Siilanyo aay beesha isaaq u gelinayso walaal,aha Somaliyeed ee qaxootiga ah, waayo falka ka dhacay Berbera waa gunnimo iyo damiir xumo loogu talo galay taariikhda iyo abtirsiinta beesha Isaaq. Waana mid siyaasadeed oo markii aay ku fashilmeen siyaasadii gudaha ayaay is leeyihiin tusiya shacabka somaliland in aay ka daacad yihiin qadiyada Somaliland nimada, taasi oo ah mid been ah. 

Hore waxaa u joogay Somaliland qaxooti Somaliyeed, hadaay xukuumadu somali diidayso maxaay kuwan horta uga saari weeyday, intaay Markabka ku soo xirtay Berbera oo sida midab takoorka leh Dumarka iyo Caruurta Soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soo jeeda Koofurta Somalia loogu reebayo markabka, halka Yementana la soo deeynayo. 

Dhacdadan waxaa sameeyay Maamulka Siilaanyo hadaba dhamaan dadka u dhashay beesha Isaaq iyo somalilandba waay ka soo horjeedaaan falkan waxashnimada leh ee maamulka siilanyo siyaasadeeynayo qaxootiga Somaliyeed. Damiirnimo ka xuni ma jirto inaad Hooyo iyo Caruur Soomaaliyeed Markab dushiisa ku celisay, halka maamulka Siilanyo ogolaaday iney dekadda Berbera ka soo degaan Yementii dumarkeena kufsan jiray iyo Xabashiba .
Gunimadan qaawan ee Siilanyo maamulkisu sameeyay waxaay dhaxalsiin in qofka Isaaq ahi ka takoornado dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo aay degto.

Fudeedka beesha habarjeclo waxaay siyaasad ka raadiyeen qaxooti dulmana ah oo ka soo qaxay dagaaladda Yemen, balse ceebtani dhamaan siyaasada somaliland iyo gaar ahaan beesha Isaaq baay gunimo u horseeday, dhacdadan ugubka ah  ee lagu xusuusnaanayo 28 MAY 2015. Haddii Maamulka Siilanyo run sheegayo kumanaan Somaliyeed baa ku nool dhamaan magaalooyinka Somalilan d kuwaas ha ururiso markaas baa loo garaabi lahaaye, tani waa gunimo caalamka indhahooda oo dhami cadaawad iæyo naclad ku tuæfeen Somalilan d iyo beesha Isaaq.

Haddaba beesha i-saaq lama qabto maamulka hmabarjeclo ee waxan foosha xun sameeyay, waa mimd aay siyaasadeeysay oo duufaanada gudaha kaga furan aay indhaha dhinac kal,e ugu jeedinayso. Waayo Hawiyaha Hargeysa iyo Berberaloo loo diidayo ama lagu caayayo waa kuwii ku shirbi jiray wakhtigii dagaalkii Siyaad Barre "DALKAAGA DIFAACNA DIIDI MAA ISAAQ KU DUULNA DOONI MAA". Dunida lama arag koox Cunsurinimo iyo cadaawad siyaasad ka raadiya dhibanayaasha dagaalada ka soo qaxa ee diinta , afsomaliga iyo dhaqankaba la wadaaga.

Foolxumadan lagula kacay barakacayaasha ku nool Berbera iyo kuwa saaran Markabka dushiisana  waxaay ina dhaxalsiin doontaa cawaaqib xumo u soo hoyata Beesha Isaaq, haddaanay si wadajir ah uga bixin raaligelin qaladkan foosha xun.

Waxaa cadaatay in somaliland Yemen lagu beerayio oo wadanka oo dhan la dejilnayo, arrintaas ha laga feejignaado, haddii kale dhamaan wadanka mar danbe baa la is weeydiin doonaa.

Codkashacabka - Berbera
Codkashacabka1@gmail.com

No comments:

Post a Comment