Wednesday, 13 May 2015

DHAGAYSO: Maamulka Xassan Shiikh Oo U Hanjabaya Soomaliland “Albaab Xiran Ayey Garaacayaan, Midnimaduna Waa Muqadis”

Muqdisho, 13 may 2015 - Csh - Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku hanjabaya in la mideynayo dhamaan ciidanka somalia oo dhan min Lawyacado ilaa Raaskambooni. Dawladan aan tamarta badan lahaayn baa Somaliland halkaa la maraysa, waxayna tusaale u tahay daciifnimada maamulka Siilanyo ee ku mashquulsan Siyaasada gudaha iyo kala qaayb qaaybinta dadka reer Somaliland.


Link ka dhegayso hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh Mohamoud.
http://warqaad.org/?page_id=2458


Sidaynu maqlaynay maalmihii ugu danbeeyay odayaasha hawiye baa soo dhaweeyay sii joogida maamulka siilanyo iyo muda kordhinta loo sameeyayna u riyaaqay. Balse waxaa soo baxaya dareeno madan oo beelaha Daarood aay dhaqdhaqaaq weyn ka wadaan gudaha Somaliland iyo dibadaba oo maamulka Xasan shiikh qaayb ka yahay oo lagu baabinayo Somaliland. Dawlada Somalilandna haba yaraatee aanay xog aada ka haayn ama aayna culaays iska saarin, balse aay ku hafatay siyaasadii gudaha Somaliland.

Codkashacankaa - Muqdisho. 

No comments:

Post a Comment