Googaa Hadraawoow
Gaariyowna cigalee
Geney weeye xaajadu
Good baan nin cunay beri
Guursaday habeenkaa
Gabadhii arooskii
Gogoshii ku keliyee
Geeri lama filaanaa
Guryihii ku timiyoo
Gacalkiina subaxii
Raadkiisii buu guray.
Isagoon god wali helin
Meeshuna gawaan tahay
Aan geed la cuskadaa jirin
Buu gadaal jaleecada
Arkay guuto raacda ah
Guul-darayste meeluu
Ku gabado ma haystee
Gocashuu miciinsaday
Inyar goortii loo jiray
Ayuu goodkii nin u yimi
Guuleed la odhan jiray
Oo iska gooni socoto ah
Wuxuu yidhi gantaalaa
La ila gaadayaayoo
Gurmad baa igu soo dhow
Gudmaa la isataa badan
In la I gowracaabaa
Talo lagu gudoonsaday
Go’I waa imagan gali
Haddii aad nin goba tahay
Garanmaayo buu yidhi
Jilbiskaa galaasha leh
Iyo gooh dhegeystaha
Sidaan good ku aamino
Goormay dad iyo bahal
Gacan-saarka yeesheen
Colaad sii gun dheeroo
Guuna baa dhex taalaye
Bini aadami goormay
Gacal noqdeen abeesada
Imikana waar goodoo
Aan kuu gabagebeeyee
Inaan goob xun lagu dhigin
Ha I gunaanad seejine
Ana galabta ha I dilin
Wuxuu yidhi in gawsaha
Waabayda gaaxsaday
Miciyuhu ku gaadhaan
Haka yaabin guuleed
Mana ihi gabraartaha
Gunta habar-dugaagee
Xor gurguurtaan ahay
Guuleed ismuu odhan
Goodkuna naftaaduu
Inuu gooyo jecelyahay
Guuxana wuxuu ku sii yidhi
Allahayoow guracanaa
Isu soo galkeenani
Wuxuu yidhi bal goodoow
Hadaan kuu gargaar falo
Goormaad iga hadhaysaa
Wuxuu yidhi gooshaa dhow
Kula gaadhi maayee
Guutadaa ii daba mari
Waayahaye guudoow
Ma guntigaan ku geliyaa
Mise garanka hoosiyo
Gaadada dhexdoodaa
Anaa garanayuu yidhi
Igu qari go’aagoo
Luquntaada sida geed
Anaa is giringirshee keen
Kuma diidin guuleed
Geb ku soo dheh buu yidhi
Goodkii ninkii qari
Gaadihiina daba mari
Guutadii ka nabad gali
Markuu geeyey meel aan
Weerar lagala gaadhayn
Ee uu gadiidkii
Sidey maalin galinkeed
Goodoow soo deg buu yidhi
Waayahaye guuleed
Allahayoow gobsenidee
Waligaa nag goolmoon
Kumaad dhaafin gaajo’e
Gartay deeqsi baad tahay
Goobaha dagaalkana
Nin ku geesiyaad tahay
Goortay u daran tahay
Nin la magan galaa tahay
Garaad beelo daaje’a
Guun aqoon leh baad tahay
Geestii la eegaba
Garbo la dugsadaad tahay
Hadaan gabadh ku siin laa
Isma geyo dad iyo hee
Bahal hoose guuleed
Ido gorad madoow iyo
Geestayda xoolaha
Weligay ma dhaqan geel
Xagayaga gamaankiyo
Geenyo lagama qoofalo
Gebigeed wax lacagana
Ma hayaan guryahaygu
Mar hadaanan garanayn
Guushii baladhnayd
Waxaan kaga abaal gudo
Anay ila gudboon tahay
Sidaan adiga kuu galo
Waayahaye guudoow
Goor-danbaynu joognaa
Gabood daydayuu yidhi
Wuxuu yidhi nin godob qaba
Geyigaba dhamaantii
Laga goobayaan ahay
Waxse galabta sheeko leh
Nacasnimada guuleed
Gadhku kaaga soo baxay
Guuleed markaasuu
Ka dareemay goodkii
Inaan laga geyoonayn
Wuxuu yidhi mar goodoow
Gondaa kaalay hoosoo
Garbahayga soo dhaaf
Guuleed warlaawoow
Gaagaabso buu yidhi
Good cuna ku maranoo
God dhul waayey baan ahay
Guudkayga kama dago
Ha gilgilanin buu yidhi
Gacmaa laabo buu yidhi
Go’a ha huwanin buu yidhi
Markaan gano jidhkaagee
Dhiigaaga gorarsado
Guulyahay dheh buu yidhi
Garaac sacabka buu yidhi
Goortay u daran tahay
Gaadh iga qabuu yidhi
Inaan gamo ha moodine
Waan kuu il-galaclayn
Waana kuu gol leeyahay
Guuleed naftiisuu
Goor-baas canaantoo
Gebi igu dun buu yidhi
Gabal baasna ha I dhaco
Dhib wixii I gaadhaba
Anigaa isu geystoo
Goblan bahasha hoosaay
Ilayn good abaal maleh
Genayoow bal labadaa
Sidee baad u kale guri
Gaariye maskii iyo
Kala saar bal guuleed
Good iyo hadraawoow
Ugar-qaad ninkii sidey.
13 may 2015 - Codkashacabkaa
No comments:
Post a Comment