Muqdisho, Maj 6, 2015 - Csh - Warar xogogaala oo Shebekadda warbaahiyaha ah ee codkashacabkaa aay heshay ayaa tilmaamaya in gabadh uu dhalay madaxweynaha Somalia oo la yidhaahdo yaasmiin xassan shiikh mohamoud uu rabo inuu guursado wiil ina dahabshiil ah, lama xaqiijin magaca wiilka ina dahabshiil, balse xogtan baa tilmaamaysa in reer dahabshiil aay weydiisteen xassan shiikh gabadhiisa. Arrinkan oo shaqsiyaad madaxtoyda somaliland iyo reer dahabshiil ka qaayb qaateen, kuna donayaan iney ka abuuraan morgan yar oo la xidida madaxweyne Xassan Shiikh mohamoud, moorgankaas oo reer dahabshiil u dhex fadhiisan doona villa somalia. Sida ila xogogaalka ahi sheegeen dahabshiill wuxuu balan qadey inuu siinaayo Xassan shiikh 5 milyan oo dollar oo uu dorashada ku gallo 2016. arintaas oo xirsi gaaba ka shaqeynayo. Si Xasan Shikh kursiga uu u sii fadhiyo.
Waxa laga war qaba in kooxda ku xeeran madaxweyne siilaanyo doonayaaan in co-federalism ogolaadaan, balse wali aan la isla fahmin Xasan Shiikh nooca uu noqon doono iyo qaabka wax qaaybsi. Sida l.ala wada socdo shirkii Turkiga waxa loo khal khal galiyey si dorasahda dib logu dhigo oo indhaha shacabka loogu jeediyo arimaha masiiriga ah ee ka soo bixi rabay.
Hadaba waxa reer Dahabshiil iyo Xirsi gaab donayaan iney dhamaan bank dhaqalaha Somalia oo dhan gacanta ku dhigaan dalkuna iyaga u xidhnaado. Madaxweyne Siilaanyona wuxuu saxeexey in Bank Islamic looga hir galiyo Xamar, si aan Salaama Bank ugaga adkaan gudaha muqdisho, oo Dahabshiil Bank uu hogaamiyaan mulkilaha saamiga ugu bad leh shirkada hormood, Golis iyo Telesom.
Hadaay run noqoto guurka wiilka ina dahabshiil ayaa waxay noqonaysaa dhaqanadda cusub ee Wasiirka madaxtooyada ee Xirsi, Mohamoud Hashi iyo kooxda Siilaanyo ku xaayndaabani ku soo kordhiyeen dhamaan geyiga afka Somalilaga lagaga hadlo. Waayo kooxdan oo boobay lacago aad u badan ayaa waxaay cidhiidhsanayaan siyaasada somaliya iyo awooda dhaqaale ee geeska meeshay ka geli lahaayeen, waloow aad loogu haaysto awoodahaas aay maroorsadeen. Kooxdan baa mar walba iyo goob walba ku dedaala iney abuuran is dhex gal xididtinimo, si loogu boobo hantida ummadda. Balse reer somaliland oo khaatiyaan ka jooga ayaa dhaqankani ku sii fiday wadamada Djibouti iyo Koonfur Somali
No comments:
Post a Comment