Wednesday, 6 May 2015

GUDOOMIYEYAASHII KOMISHANKA DOORASHOOYINKA GOBOLKA SANAAG OO HAL BEEL LAGU TAXAY + GOBOLKA LOOGU TALO GALAY IN LA BOOBO.

Hargeisa - may 7, 2015 -CSh - Gobolka sanaag oo ah gobolka ugu baaxada weyn gobolada Somaliland islmarkaana ay wada degan yihiin beelo aad u tiro badan ayaa waxaa ku habsatay cadaalad daradii ugu balaadhnayd ee dhinaca xilalka dawlada ah.

Iyadoo hore cadaalad daradaasi iyo boobka aan gabashada lahayn loogu tirinaayey beesha madaxweyne Siilaanyo ayaa halkii laga filaayey in wax laga bedelo waxaa maanta gudida doorashooyinka kaambayn, gala-galaysi iyo guuro habaleeynimo ka dib loo magacaabay gudoomiyaha komishanka gobolka sanaag iyo labada gudoomiye ee degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag isla beesha madaxweyne Siilaanyo, kuwaaso aan gebi ahaanba kasokow sedbursiga beelaysan aan iyagu qaadi Karin masuuliyada xilalkaasi, aqoon ahaan iyo xilkasnimo labadaba. Shakhsiyaadka xilalkani loo magcaabay ayaa kala ah. Gobolkan oo loogu tala galay dagaal iyo faawdo in laga rido ama beelaha laayska hor keeno.

1-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi
2-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka D/Ceel-afweyn Xuseen Xaaji Yuusuf
3- Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka D/Garadag Axmed Maxamed Faahiye

Tani waxay marag ma doon u tahay dedaalada weli madaxtooyadu ku quud daraynayso

No comments:

Post a Comment