Wednesday, 13 May 2015

BREAKING NEWS : Maxaa Ka Jira In Siilanyo Uu Gabi Ahaanba Ka Noqday Mudo Kordhintii Guurtidu U Samaysay.

Addis Ababa, 13 may 2015 - Csh - Waxaa la xaqiijinayaa in Ahmed Siilaanyo uu aqbalay inuu laalo mudo kordhintii Gollaha Guurtidu u samaysay ee waqti kororsiga ahaa, wuxuuna shaaciyay inuusan isu sharaxi doonin Madaxweyne sanadka 2016.


Dedaalkii Faysal Cali Waraabe oo waxba qaban waayay iyo ogolaashahan Siilaanyo ayaa timid ka dib markii Beesha Caalamka si cad ugu sheegtay iney xayiraad dhinacyo badan ah lagu soo rogi doono sida in dhaqaalaha laga xanibo iyo in safarada laga xayiro isaga, xaaskiisa iyo qaar ka mida golaha Wasiiradiisa.

Sida xogahu sheegeen ayaa Ahmed Siilaanyo gelinkii dambe ee maanta la xiriiray Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa, Isaga oona u sheegay inuu joojinayo mudo kordhintii Golaha Guurtida u samaysay. Md Siilanyo baa la filayaa inuu dhawaan la Hadlo Saxafada una sheego go'aankiisan iyo arimo badan oo la xidhiidha Inuusan sharaxnayn.

Codkashacabkaa - Addis abba

No comments:

Post a Comment