Sunday, 10 May 2015

Dawladii Somaliland Ee Afduubneeyd kooxda Dawakhsan Oo Guryaha Kala Baxaysa Masuuliyiintii Wadani Si Ka Daran Tii Faqashta.

Ciidankau shaqeeynaya sidii faqashta ee Caasimaha Hargaysa ayaa caawa xabsiga dhigay dad aad u fara badan oo lagu qiyaasay 34 qof oo ka tirsan hogaanka xisbiga Wadani, waxaa ka mida Sadex sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Sar sare ee xisbiga Waddani.

Sadexdan sarkaal ayaa kala ah Xoghayihii Hore ee dawlada Hoose ee Hargaysa Deeq Xirsi Cambuul , Taliyihii Hore ee saldhiga New Hargaysa Cabdi Sigis. Iyo Maryan Maxamuud Diriri Xoghayaha Garabka haweenka ee xisbiga Waddani. Oo laga qabtay iyaga oo baabuurtooda wata gudaha caasimada Somaliland .

Capture
















Xadhiga Sadexda masuul ayaa lala xidhiidhinayaa abaabulka banaanbaxa uu xisbiga wadani kaga baaqay maalinta barito Lixda Gobal ee Somaliland waxaa xadhigooda laga soo maleegay madaxtooyada Somaliland iyadoona wararku intaasi ku dareen in ciidanka lagu daadiyey caasimada magaalada Hargaysa ay ahaayeen kuwo lagu amray inay bartilmaameed sadaan Saraakiisha xisbiga Waddani si loo baajiyo mudaharaadka maalinta bari dhici doona. Saraakiisha la bartilmaameedsanayo waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka waddani.

Markii ciidanka boolisku ay qabteen Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay jidh dil iyo garaacis ugaysteen masuuliyiintan isla mar ahaantaasina ku riteen xaajiyadihii ay wateen una qaadeen dhinaca iyo saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

No comments:

Post a Comment