Monday, 4 May 2015

mudadii 4 Bilood Ah Ayaa Xeerka Doorashooyinku Aay Yaaleen Madaxtooyada Oo Aay Diidanayeen In Uu Soo Gaadho Golayaasha

Ku Madaxweynaha Somaliland

KU Golaha Wakiilada SomalilandKu Gulaha Guurtida SomalilandKu Golaha Salaadiinta SomalilandKu Ganacsatada iyo Dhamaan Aqoonyahanada SomalilandKu Dhamaan Culumada Reer SomalilandKu Bulshada Caalamka ee taageerta Shacabka Somaliland


Sida aynu ognahay waxa ay dhamaan 3 Xisbi, gudigii doorashooyinka, iyo Bulashadii caalamku isla afgarteen oo cayimeen waqtiga ay doorasho dalka ka qabsoomi karto oo ah 01 jun 2016, taasoo ay cadeeyeen in aanay suurtoobayn in doorasho qabsoonto waqtigii la filayey ee ahaa 26 Jun 2015 taasoo ay ku eeg tahay waqtigii la doortay Dawlada manta dalka ka arimisa.

Waxaynu ka wada dheregsanahay dhamaan hawlaha shaqo ee qaranka uu leeyahay hagidooda iyo agaasinkooda waxa loo doortay dawlada manta ka Talisa mudo xiliyeed dhan 5 sano oo kaga eeg 26.Jun 2016,
Hadaan lays dafirayn diyaarinta iyo qabashada doorashada waxa ay ka mid ahayd hawlihii qaranku u igmaday dawlada in ay qabato oo ay manta ku guuldareysatay in ay suurto geliso.
Waxaa marqaati ma doonto ah in ay dawladu Ciidan u adeegsatay in ay xeerka Codbixiyaasha ay ku darto 6 Bilood oo dheeraad ah oo ay yidhaahdeen doorashadu waxa ay dhacaysaa 6 bilood ka dib maalinta la soo saaro liiska codbixiyaasha, taasoo runtii yaab iyo afkalaqaad ku noqotay Bulshada Caalamka ee naga taageerta qabashada Doorashooyinka, hadana iyada oo 6 bilood laga ogolaaday ayaa Gudigii doorashooyinku cayimeen in ay doorashadu dhacdo 01 Jun 2016.
Waxaa kaloo la wada ogyahay mudadii 4 Bilood ahayd ee Xeerka Doorashooyinku ay yaaleen madaxtooyada oo la diidanaa in uu usoo gudbo golayaasha,

Waxaynu ognahay in madaxweynu uu yidhi mudo 7 casho halagu soo magcaabo Gudiga Doorashooyinka, isla markiiba 2 xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID waxa ay ku magcaabeen 2 xubnood mudadii 7 cisho ahayd ee madaxweynuhu codsaday , waxay dawlada ku qaadatay 2 bilood in ay soo magcaabaan xubnihii laga sugayey. Waxaa taa dheer markii liiska xubnaha cusub loo soo gudbiyey golaha wakiilada waxa uu shir gudoonka qaybtay fadhi aan caadi ahayn si loo ansaxiyo Gudiga doorashooyinka cusub , waxaa fadhigaa kasoo xaadiri waayey 50 xubnood oo xisbiga kulmiye , iyaga oo ka caga jiidaya in la ansixiyo gudiga cusub ee doorashooyinka.
Si kastaba dawladu hawga caga jiido qabashada doorashada , ugudanbeyn waxa ay gudigii cayimeen maalinta ay suurtoobi karto in doorasho dalka ka qabsoonto oo ah 1 Jun 2016 , taasoo ay u leeyihiin sharci in ay diyaariyaan , qabtaan oo mudeeyaana waqtiga doorashooyinka, hadaba iyada oo dawlada ka muuqato hawl gudasho la,aan baaxsan ayaa waxa ay u gudbisay Golaha guurtida codsi mudo kordhin.

Hadaba hadii golaha guurtigu ama gudiga uu magcaabay gudoomiyaha golaha Guurtiga Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ay diidaan maalintaa ay qabteen Gudiga Doorashooyinka , micnaheedu waxa weeye wax awood ama qiime uu leeyahay gudiga doorashooyinku ma jiraan, gudiga doorashooyinka iyo Doorashooyinka madaxa banana waxay ka mid yihiin guulaha Somaliland kaga duwan tahay Somalia, waxa ay doorashooyin qabanayeen illaa laga soo bilaabo 2002, weli ma dhicin in guurtidu ay ka maroorsato awooda mudeynta xiliga doorashooyinka.
Gunaanad

Ugu danbeyn Xisbiga Waddani marnaba yeeli mayo Mudo kordhin aan laysla qaadan oo aan qaranku kawada tashan , waxaan kaloo guurtida uga digaynaa in ay Qaranka Somaliland oo nabadgelyo kusoo caano maalay ay geliyaan qalqal siyaasadeed oo dhaxalsiiyaan xasilooni daro dhaawacaana nabadgelyada ay ku wada nool yihiin Shacabka Somaliland ee is jecel , wixii dhib ka yimaadana waxa ka masuul ah Guurtida oo uu dhaliisheeda 1aad dusha ku qaadanayo Gudoomiye Saleebaan Maxamud Adan. Xisbigu waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashaadaan dalkooda iyo dadkooda nabadna ku wada noolaadaan.
Wabillahi tawfiiq
Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani
Mudane Maxamuud Raage Ibrahim Dhegjar

No comments:

Post a Comment