Sunday, 17 May 2015

MARAYKANKA OO TAAGEERADII KALA NOQDAY GEEDI-SOCADKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND IYO MOOSHINKA LIISKA CUNAQABATAYNTA EE UU HORGEYNAYO GOLAHA AMMAANKA


May 17, 2015 - Written by Naasir Nawaa


Washington, May 17, 2015 (Haatuf) –  Dawladda Maraykanka ayaa taageeradii ay siinjireen kala noqday geedi-socodka doorashada Somaliland ka dib markii ay Golaha Guurtidu 22 bilood u kordhiyeen mudo-xileedka Madaxweyne Siiraanyo  Todobaadki hore.
Siday ilo diblomaasiyadeed oo heerkoodu sareeyaa Haatuf u sheegeen maamulka madaxweyne Obama aya ku talojira in uu dhawaan Golaha Ammaanka soo hordhigo mooshiin xayiraad iyo cunaqabateyn lagu saarayo shakhsiyaadka ugu dhawdhaw madaxweyn Siiraanyo ee u ololeynaya taageerada mudo-kordhinti 22 bilood aheyd ee Guurtidu dhawaan u sameysay xukuumadda kuwaas oo uu wargeyska Haatuf  soo bandhigay magacyadooda 2 todobaad ka hor.
Dawladaha Midowga Yuurub aya isku dayaya inay waanwaan ka galaan arinta muddo-kordhinta khilaafka xooggani ka taaganyahay ka hor intaan mooshanka Maraykanka oo haysta taageerada dalka Britian la horgeynin Golaaha Amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa.
Siday ilahaasi diblomaasiyadeed Haatuf u tibaaxeen mawqifka ay dawladaha Midowga Yurub ka qaadan doonaan arrinta cunaqabateynta ayaa waxay  ku xidhnaan doontaa kolba waxay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka yeelaan mudo-kordhinta 22 ka bilood ee muranka xoogani ka taagan yahay wakhtigan, taas oo ay ogaandoonaan markay booqasho ku yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargrysa dabayaaqadda bishan May.

No comments:

Post a Comment