Sunday, 10 May 2015

“Dhamaan Shacbiga Somaliland, Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee kala jooga daafaha aduunyada, waxaanu u sheegaynaa in Go’aanka Xisbiga Waddani yahay in Isniinta Bari ah Mudaharaad Salmi ahi la Sameeyo"Xisbiga WADDANI

Hargeysa, May-10-2015- Csh - Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xaruntiisa Hargeysa, ayaa ku baaqay Mudaharaado nabadgalyo oo ka dhaca guud ahaan Somaliland. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeedaa in Golaha guurtida Somaliland kordhiso wakhti ka badan xilligii Komishanka doorashada Somaliland u asteeyeen doorashada ee ahaa 1-da June 2016-ka.

Kuxigeenka Gudoomiyaha Waddani, Axmed Muumin Seed, ayaa ku baaqay Mudaharaad Salmi ah oo Bulshada Somaliland, gaar ahaana tageerayasha Waddani ku diidaan Muddo kordhin dheeraad ah oo lagaga horjeedo Guurtida oo baqdin xooggan laga qabo inay Xukumadda u kordhiso Laba Sannadood ama wakhti ku dhaw.
“Dhamaan Shacbiga Somaliland, Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee kala jooga daafaha aduunyada, waxaanu u sheegaynaa in Go’aanka Xisbiga Waddani yahay in Isniinta Bari ah Mudaharaad Salmi ahi uu ka dhici doono Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland iyo Caasimada Hargeysa. Mudaharaadkaas oo aanu ku cabbirayno dareenka Xisbiga Waddani ku diidan yahay in Wakhti Dheeraad ah lagu daro Xilligii lagu heshiiyay ee Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ahaa 1-da June 2016-ka” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Go’aanka Xisbiga Waddani, ayaa imanaya Maalin uun kadib markii Xisbiga Ucid iyo Kulmiye Saxeexeen Warqad jidaynaysa wakhti cusub oo muddo kordhineed loona jeediyay Guurtidu wakhtigay kordhinayso ka dhigto Hal sanno iyo 5 bilood, balse arrintaas Xisbiga Waddani ayaa ka biyo diiday islamarkaana Saxeexi waayay.
Gudoomiye xigeenka Waddani, Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in Shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada iyo Xubno kooban oo Guurtida ka tirsani ku hawlan yihiin sidii ay bulshada uga leexin lahaayeen wakhtiga Komishanka doorashada, Axsaabta, Shacbiga iyo Bulshada Caalamku ku midaysan yihiin ee ah in doorashada la qabto 1-da June 2016-ka.
“Waxaanu golaha guurtida inta Maskaxdoodu Caafimaad qabto ugu baaqaynaa, Waxaanu Xukumadda ugu baaqaynaa inta Caafimaad qabta, waxaanu Shacbiga Somaliland inta doonaysa in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, inaanu bari dalka Somaliland oo dhan ka dhigi doono Mudaharaad Salmi ah.
Waxaanu faraynaa labada Janan, Ka Booliska iyo ka Militariga ba inay masuul ka yihiin ilaalinta nabadgalyada dadka isku soo baxaya, taas oo Shacbiga Somaliland ee Ogol geedi socodka Doorashadu uu soo bixi doono. Mudaharaadkaasi noqon maayo kii Taayirada la gubayay, aanu ahayn kii wax la gubayay ee aanu si Nabadgalyo ah u mari doono Dariiqyada oo aanu cabbiri doono sidaanu u diida nahay in doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabku inay si amaan ah u soo baxaan, taliyaha Booliska iyo Ciidanku waxay Ciidan ku yihiin shacabka waxaan leeyahay yaanay xabbadi ku dhicin Shacabka ee dhawra nabaddooda. Waxaynu Somaliland baraynaa in iyadoo aan dagaalna dhicin, xabbadna dhicin dariiqyada aynu si salmi ah ku maro, dadkuna boodhadhkooda wataan” ayuu yidhi Mr Axmed Muumin Seed.

Nagala Soo Xidhiidh:
Codkashacabkaa1@gmail.com
Codkashacabkaa - Hargiesa : Kala Soco Warar Xaqiiqa 
Follow us Twitter, Facebook, Livejournal, Youtube / Voice Tv and Google+ 

No comments:

Post a Comment