Monday, 11 May 2015

Waddani Waanu Qaadacnay Go’aanka Muddo Kordhinta Golaha Guunta

Hargeysa  – 12 may 2015 – Csh -  Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Mucaaridka Somaliland ayaa  qaadacay go’aanka Golaha Guurtidu ay maanta ugu kordhiyeen xukuumadda Somaliland muddo laba sano ku dhawaad ah.


gudoomiye-cirro

Si wayn ayaanu ugu gacansaydhay go’aanka Golaha Guurtidda hadaanu nahay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Sidaas waxaa yidhi gudoomiyaha, waxaanu go’aankan ku tilmaamay mid maanta Somaliland u ah maalin madow waxaanu yidhi, “Madaxweynaha ayaanu anagu taladdii ka sugaynaa, haddii aanu soo saarin digreeto aanu ku soo saarin wakhtigii komishanku uu soo saaray ee aanu aduunkana ka raaridnay ee asxaabtu isku raacday ee June kowdeeda micnaheedu waxaa weeye ay fashilantay dawladdi, hay’adihii way fashilmeen, baarlamaankuna way fashilmeen, guurtiduna way fashilmeen ummaduna way tashanaysaa”.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee Waddani ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa uu ka cadeeyey aragtida uu ka taagan yahay muddo kordhinta xukuumadda loo sameeyey ee ay maanta ku dhawaaqeen golaha Guurtidu waxaanu yidhi, “Go’aan aanu ogolnahay maaha, go’aan shacbigu ogol yahayna maaha, go’aan waddanka loogu tudhayeyna maaha. Waa go’aan abuuri kara hesiiskii umaddu ku heshiiska ahayd in la qabto doorashadda 1 june 2015, waa go’aan khilaaf siyaasadeed waddanka galin kara, waa go’aan Somaliland galin kara go’doon caalamiya iyo inay kalsoonidii caalamka waydo, waa go’aan burburinaya hanaankii dimuqraadiga Somaliland ay ku dhisnayd, waa go’aan ay guurtidu magaceeda ku waayi karto”, sidaasi waxaa yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

No comments:

Post a Comment