Wednesday, 1 July 2015

Taxane: Q/2AAD - MAXAAD KA OGTAHAY HEERKA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADDA SOMALILAND KA ALOOSAN (WARBIXIN QOTODHEER)


cartoon















Qaybta labaad ee warbixinteenan taxane ah ayaa ku soo qaadan doono Mid kamid ah milyanneerada Siilaanyo la kow saday ee ka dhashay xukuumadiisa islamarkaasina ay isku haybta yihiin.
Waxaanu sidoo kale mid mid u dul istaagi doonaa habka shakhsigani ku taajiray kagana mid noqday milyanneearada Somaliland .
Waa Maxamuud Xaashi Cabdi waa wasiirka Duulista ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo waxaana uu ka mid yahay masuuliyiinta mar la yimi madaxweyne Siilaanyo ee lama taabtaan ka ah.
Wasiir Xaashi si kale hadii aan kuugu macneeyo waxaa uu kow ka yahay shakhsiyaadka taabacsan garabka Bidix ee ay hogaamiso Marwada Madaxweynuhu Aamina weris, waana lafdhabarta garabka Weris shukaanta u hayso.
Maxamuud Xaashi waa shakhsi ku caanbaxay xeelada siyaasadeed ee dhanka kala qoqobka bulshada, danta isaguu leeyahayna waa shakhsi wax kasta u sameeya sidii ay tiisu ugu hirgeli lahayd.
Run ahaan dhanka saaxada siyaasada Wasiir Xaashi iyo Adeerkii Axmed Siilaanyo isku mar waxaa dibada uga wada saaray badhtamihii Alle haw naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaaso Wasiir Xaashi kamid ahaa Barlamaankii u horeeyey ee Somaliland islamarkaasina kamid ahaa shakhsiyaadkii ku ololayn jiray Qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada Somaliland xiligaasi waxa kasle uu Maxamuud xaashi kamid ahaa Urur diineedkii Itixaad oo isaga iyo rag kale oo hayb wadaag ahaayeen marar badan isku dayeen fulinta falal amaandaro oo ka dhan ahaa xukuumadii Cigaal, waana markii Madaxweyne Marxuum Cigaal  dalka dibada uga saaray kuna eedeeyey inuu u adeegayo ururka Xag jirka ah ee Alqaacida.
Geeridii Madaxweyne Cigaal Alle haw naxariistii waxay dabadeed fursad siisay Maxadweyne Siilaanyo iyo Maxamuud Xaashi inay dalka dib ugu soo laabtaan, ayna u suurtagasho maanta in Siilaanyo oo Madaxweyne ah Maxamuud Xaashino noqdo wasiir aan dhicin iyo Milyaneer ku macaashay Musuqmaasuq iyo xigtaysiga qabyaalada.
Waana sababta akhriste aan idiinku soo horeysiinay kaalinta ninkani kaga jira ,musuqmaasuqa iyo qabyaalada kala geysay bulshada Somaliland iyo sidoo kale qaabka hantida faraha badan uu ku helay.


Aaan soo qaadano iridii u horeysay ee uu ka soo bilaabay ku macaashka musuqmaasuqa ilaa inta aynu ka gaadhayno tii ugu dambaysay iyo maanta,.
Wasiir-Duulista-HawadaWasiirka Duulista Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo matalaya xukuumadda Somaliland ayaa sanadkii labaad ee xukuumaddu talada dalka haysay safar ugu baxay dalka Kuwait, waxaanu dawladda dalkaasi ka soo qaadey lacag qadarkeedu ahaa 10 Milyan oo dollar. Lacagtaasi waxa loogu talo-galay in dib loogu dhiso Madaarrada dalka, laakiin wakhtigaasi waxa dadweynaha loo sheegay in shirkado caalami ahi ku tartamayaan dhismaha Madaarrada Hargeysa iyo Berbera, dhowr bilood ka dib waxa la shaaciyey inay Qandaraaska dhismaha Madaarrada ay ku guuleysatay shirkad lagu Magacaabo (Chine horn Group), taasi oo marka Magaceeda la maqlo loo fahmayo inay tahay mid caalami ah, laakiin markii hoos loogu dhaadhacey waxa la ogaaday inuu shirkaddaasi leeyahay nin lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumaani oo ay dhalasho ahaan ehel yihiin Madaxwayne Siilaanyo. Shirkaddaasi waxay awoodi wayday inay sidii loo baahnaa u dhisto dhabaha diyaaradda Hargeysa, taasi oo keentay in markii kharashkii loogu talo-galay dhamaaday in Wasiir Xaashi uu mar kale dawladda Kuwait ka baryo inay asturaan isla-markaana shan milyan loogu daro lacagtii hore, taasi oo ay ka aqbashay isla-markaana la soo siiyey. Lacagtaa shanta Milyan ayaa lagu hirgeliyey qayb cusub oo ka mid ah dhabaha diyaaradaha ee Hargeysa. Sababaha keenay in Wasiirka Duulistu uu lacag dheeraad ah ka dalbado Kuwait ayaa ilaha ku dhow sheegeen inay keentay baahi lacageed oo ay sababtay qayb ka mid ahayd lacagtii tobanka milyan ahayd oo la musuqmaasuqay.
Kolkaad eegto cadadka lacagta dhan 15ka milyan ee Dollar iyo dhabaha diyaaradaha hargeysa ayaa qofkasta caqli u saaxiib ah iyo mid camaadan ahiba waxay isku si u wada arkaan sida aan tudhaalaha iyo wadaniyada midnaba lahayn ee lacagtaasi ay u wada lunsadeen labada shakhsi waa wasiirka duulista Maxamuud Xaashi iyo inadeerkii C/risaaq Cumaani.
Hadii aynu dhinaca kale ka istaagno gegida diyaaradaha ee magaalo xarumeedka ismaamulka soomaalida itoobiya ee Jigjiga waxaa ku baxaday lacag dhan sadex milyan iyo sided boqol oo dollar waxaana lala mataaniyey dhabooyinka diyaaradaha ee Caalamka, halka madaarka magaalada haregysa ee lagu kharash gareeyey shan iyo tobanka milyan ay xiliyada roobabka biyuhu fadhiistaan.
Dhinaca kale xogaha musuqmaasuq ee warsomali.net ka heshay dabagal mudo badan qaatay kadib ayaa waxay daboolka ka qaaday in Bishii Jeebka Wasiirka Duulista ay si sharci-darro ah ugu dhacdo Lacag Dhan $800,000-$160,000!!!.
Ukuurgalka xogtan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo ah Ragga safka hore kaga jira Boobka hantida ummadda reer Somaliland oo loo hayo caddaymo, , sannad ka hor waxaa lagu soo rogay madaarada dalka  in qof walba oo ka dhoofaya Madaar ka mid ah Madaarrada Diyaaradaha ee dalka Somaliland lagu kordhiyey 10$ lacagtii cashuurta ahayd ee hore loo qaadi jiray, taasoo oo caddadkeedu ahaa lacag dhan 33$ Doollar ah oo cashuur la isla ogyahay ahayd , lacagta rakaabka soo dhoofaya ee isugu jira Muwaaddinka iyo qofka Ajanabiga ahiba ay bixiyaan isu geyn waa 43 $ iyadoo ay ku jirto 10$ oo siyaado ah oo Wasiirku u meel marsaday inuu ku sugayo ammaanka Madaarka (Airpot-ka).


Waxaa garoommada diyaaradaha ee Hargaysa iyo ka Berbera oo haatan isaga albaabadu u xidhan yihiin markii hore iyo maantaba ka duula shan shirkadood oo duyuurado ah, kuwaasi oo kala ah 1) Daallo Airline  2)Juba Airline 3)Afircan Airline  4)Ethopian Airline iyo Fly Dubia oo iyana dhawaan kusoo biirtay ka hor shirkada shanaad sida aynu wada ogsoonahay duyuuradahani waxay u badanyihiin duyuurado waaweyn oo qaada rakaab (passengers)  ka badan intooda badan 250-300 qof  iyo Hawl wadeenada Duyuuradahaasi (cabin crew).
Waxay Diyaaradahani sameeyaan intooda badan duullimaadyo joogto ah sida shirkadaha ay intooda badan Soomaalidu ka Masuulka tahay ama ay Mulkiilayaasha ka yihiin in ay duullimaadyadoodu noq daan laba jeer illaa 3 jeer toddobaadkii haddaanay ka badan, waxaa intaa dheer in Ethopian Airline tahay mid iyadu si joogto ah maalin walba u duusha, halka Fly Dubia iyaduna todobaadkii sadex jeer ka duusho dalka soona degto.
Haddaba, waxa aynu ka qiyaas-qaadan karaynaa caddadka dadka dalka dibeddiisa u soo baxa meeshay doonaan ha soo aadeene ee laga qaadayo 10$ Doollar ee ammaanka Madaarka (Airpot-ka) lagu sugayo inagoo tix raacayna sida uu ku sheegay War-Saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawadu  waxaad ka qiyaas-qaadan kartaa adigoon baadhin ama raadin caddaymo dayuuradood iyo rakaabka sannadkii ay qaadaan haddii la cel-celiyo oo dayuurad walba laga dhigo inay toddobaadkii-ba laba jeer duullimaad samayso.
Sidoo kale, marka lagu cel-celiyo caddadka rakaabka ay soo dhoofiso 250 qof duullimaadkiiba macnaheedu waxa ay noqonaysaa in dayuurad kastaa qaaddo toddobaadkii 500 oo qof isugeyna ay rakaabsadaan 2000 qof marka lagu dhufto 10$*2000= 80.000 oo waliba aan meel sharciyan ay u marayaan Distoorka dalka u yaalla in ay ku  xarooto Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka qasnaddeeda amaba jeebka Wasiir Maxamuud Xaashi aanay jirin.
Distoorka Somaliland u yaalla oo ah in dakhli walba oo cashuuro ah ama qadar qaadhaan iwm ah, oo ay qaadaan Waaxyo ka mid ah Hay’adaha dawliga ahi inay ku dhacdo Qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ka dib qorshaha Xukuumadda ee qorshe-sannadeedka ay ka muuqataa lacagta looga saarayo Wasaarad kasta iyo hawlaha ay ku fulinayso iyo in ay soo samayso sannadka aakhirkiisa Xisaab-xidh buuxa oo qeexaya waxa lagu qabtay iyo meelaha ay kala gashay lacagtaasi.
Hase-yeeshee, Wasiirka Duulista ayaa samaystay shirkad u gaar ah oo uu yidhi; ‘waxay sugaysaa ammaanka Madaarka, Shirkaddan oo ay ka shaqeeyaan dad ka yar 10 ilaa shan iyo toban qof oo shaqaalaha rasmiga ah ee ammaanka shandadaha iyo wixii la mida sugaana waxay ka mushahar qaataan Wasaaradda lacagteeda qorshe sannadeedkii ay ku fuliso ee Miisaaniyadda Qaranka ugu jira.
Haddaba, Lacagtan loo macmashay shirkadda gaarka ah oo aanad arkayn Xafiis meel ay ku leeyihiin Ciidan ay ka tirsanyihiin meelo lagu ansaxiyey shaqadoodu waxay tahay iyo su’aalo badan oo is weydiin u baahan waa waxba kama jiraan waana lacag ku dhacda jeebka Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Kuma koobna oo keliya musuqmaasuqa faashilka ah ee wasiir Maxamuud xaashi intan balse waxaa iyaduna taasi barbar socota shirkad ay wada leeyihiin wasiirka duulista iyo Nin ay qaraabo dhow yihiin oo ku dhawaad sided bilood ka hor ka hawl gashay madaarka taasi oo baabuurta madaarka soo gelaysa ka kiraysa Barking ka la dhigto baabuurta, baabuur kasta  saacadiiba waxaa laga qaada hal dollar, labadii saacadoodna laba dollar wixii ka badana waa lagu sii kordhiyaa, waxaana lacagtaasi sitoos ah iyaduna ugu dhacdaa khasnada wasaarada maaliyada, magaca lacagtaasi loo bixiyey ama ujeedada lagu saleeyey ayaa ah daboolida kharashaadka 10 askari oo ku qoran saldhiga ilaalada madaarka halka lacagtii tobanka dollera ahaydna hore loogu saleeyey kharashaadka sugida amaanka madaarada
Waxaa jira heshiis la galay bil ka hor kasoo dhex maray mulkiilaha shirkadan iyo wasiirka duulista waxaana labada dhinac isla waafaqeen in heshiiskaasi labada dhinac  shirkaddani dhowaan si rasmi ah u guda-geli doonto hawlaheeda, wasaaradda Duulista-na kala wareegi doonto lacagta Halka Dollar ah ee dadka lagaga Kireeyo Parking-ka gudaha Madaarka. Warku waxa uu intaas ku daray inay shirkaddu qaadan doonto boqolkiiba 70 lacagta ka soo xereeto Kirada Madaarka halka boqolkiiba 30-ka kale ay qaadan doonaan Askarta ka hawl-gasha Madaarka .
Qiyaastii waxaa nidaamkan Cusub wasiir Xaashi iyo shirkadooda markaad qiimaha ugu hooseeya ku cabirto  bishii waxaa kasoo gala lacag dhan $30,000 -$40,000.
Sidaasi waxaa wasiirka duulista Somaliland maxamuud xaashi Cabdi kaga mid yahay milyanneerada kaalinta koowaad ka galay ku taajirida musuqmaasuqa eexda qabyaalada madaxweyne Siilaanyo ugu suurtageliyey ku tagrifalka hantida umada ee maanta wasiir Xaashi ka dhigtay inuu kamid noqdo taajiriinta ugu lacagta badan dalka, waxaana nasiibka iyo hiilka madaxweyne siilaanyo ku simay wasiir maxamuud xaashi in uu markii koowaad dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada Manchester ku yeesho hanta ma guurto ah iyo Malls waaweyn oo maanta laga adeegto.
Akhriste qaybta labaad ee warbixinteenana intaasi ayeynu ku dhaafaynaa anagoo la kaashanayna ka daacad ahaanshaha baahinta xogta iyo xaqiiqooyinka xad dhaafka ah ee aanu mudada badan ku daba jirnay ururinteeda, waxaanuna mid mid idiinku soo gudbin doonaa taxanaheenan Shakhsi kasta uu ku macaashay musuqmaasuq iyo xigtaysiga qabyaalada xukuumada Siilaanyo.
Lasoco qaybta 3aad iyo taxanahan xanbaarsan xogaha ku salaysan xaqiiqada dhabta ah.
Saxafi Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”

Email: Terra-10@hotmail.com

No comments:

Post a Comment