Monday, 11 May 2015

RRU-Dii Oo La Wareegtay Xaruntii Xisbiga WADDANI Ee Guud Iyo Liiska Xubnaha La Xidhxidhay.

Hargeisa- 11 may 2015 - Csh - Ciidamada RRU ayaa la Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga Mucaaridka. Ciidankaas oo si habayaraatee anshaxa ka baxsan sameeynaya ayaa galay gudaha xarunta guud halkaas oo aay ku sugnaayeen madaxdii xisbiga waddani waxayna u sheegeen Inaanay Ilaa amar dambe ciddina ka bixi karin cidina galikarin xarunta Guud Ee Xisbiga.

Madaxda Xarunta Guud gudaheeda ku jirayayaa lagu soo werinayaa inaay ahaayeen:
Axmed Muumin Seed: Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad
Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac): Xoghayaha Qorshaynta
Maxamud Cabdilahi Jamac (Gaagaab): Gud. Dhalinyarada
Saynab Ku Xigeenka
Daa’uud Xuseen Foodcadde: Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha
Jamaal Jaamac Xaamud: Ku Xigeenka Xoghayaha Guud
Axmed Cilmi Yare: Xoghayaha Khayraadka Dabiiciga Ah
Barkhad Jaamac Batuun:
Mujaahid Cabdi Burco
Ciidamadka RRU ayaa ilaa hadda haaysta Xarunta Guud ee xisbiga waddani. Hore waxaa u xidhnaayeen 10 saraakiisha waddani oo ka tirsan madaxda xisbiga waddani ayaa hadda waxa jeelka loo taxaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mustafe Maxamuud Qodax.




Madaxda WADDANI Ee Ilaa Hadda Jeelka lagu guray ayaa magacyadoodu Yihiin
Deeq Xirsi Canbuur: Xubin Guddiga Fulinta Ah
Cabdiraxman Maxamed Rooble (Cabdi Six): Xubin Guddiga Fulinta Ah
Xasan Axmed Muuse: Xoghayaha Xanaanada Xoolaha
Aamina Jirde: Xoghayaha Warcigelinta Gobolka Maroodijeex
Maryan Maxamuud Dirir: Xoghayaha Garabka Haweenka Heerqaran
Amaal Yuusuf Cabdi Indhacad: Afhayeenka Garabka Haweenka Heerqaran
Mawlid Muuse: Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex
Maxamed Foore: Gudomiyaha Degmada Maxamuud Haybe
Maxamed Sidiiq Cabdilaahi: Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heerqaran
Maxamed Jamac: Gudomiyaha Wacyigelinta Degmada Axmed Dhagax


Waxa Kale oo Lagu Raad Joogo Madaxda Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Inta Hadhay Ee Dibadda Joogta, Iyadoo Xukuumaddu Go’aansatay Inay Soo Xidhxidho dhamaan madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI si ay u joojiso mudaharaadka salmiga 
Jidkii halbawlaha ee dhexmara hargeysa ayaa ciidamo Xad-dhaaf ah la geeyay xaafadaha Iyo dagmooyinka magaalada.


Nagala Soo Xidhiidh:
Codkashacabkaa1@gmail.com
Codkashacabkaa - Hargiesa : Kala Soco Warar Xaqiiqa 


Follow us Twitter, Facebook, Livejournal, Youtube / Voice Tv and Google+ 

No comments:

Post a Comment