Tuesday, 5 May 2015

Booqashada John Kerry Ee Muqdisho Waxay Muujisay Muuqaal Siyaasaddii Soomaaliya Koox Iyo Saddex Maamul Gobolleed Aay U Afduuban Tahay.

Muqdisho - Maj 6 2015 - Csh - Kulanka uu John Kerry la yeeshay Madaxweyne Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa lagaga wadahadlay sidii ay Mareykanku uga caawin lahaayeen Soomaaliya amniga iyo horumarinta Hay’adaha dowladiga ah.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku waxa uu kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-galbeeda Soomaaliya, oo ay ka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaan (Axmed-Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaadhsiin lahaa Maamullada ay hoggaamiyaan.

Haddaba Warbixinno kala duwan oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ka diyaarisay iyo weliba waraysiyo la xidhiidha socdaalka Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku ku tegay Muqdisho, ayaannu idiinkku soo gudbinaynaa qaybta Raadyaha ama codadka ee Aftahannews, waxaana codka warbixinnadaa ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Liidka Madawga ah ee Hoose.

Audio Player
Isla Maanta gelinkii dambe, ayey John Kerry iyo Weftigiisu ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sugnaa Muqdisho muddo saacado ah, waxaanay ka mid tahay booqashada Kerry booqashooyin uu ku marayay dalalka Geeska Afrika sida Kenya oo uu shalay gaadhay, isla markaana Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Mucaaradka Kenya kula kulmay.

Waxaanu sidoo kale booqashadiisan ku tegayaa magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu Masuuliyiinta dalkaas kulammo kula qaadan doono, sidoo kalena booqan doono Saldhigga Millateriga Maraykanku ku leeyahay Jabuuti oo ah ka ugu weyn ee Millateri ee Maraykanku ku leeyahay Geeska Afrika.


Codkashacabkaa.com - Muqdisho Office.
codkashacabkaa1@gmail.com

No comments:

Post a Comment