Saturday, 16 May 2015

Sii Xoogaysiga Jabhada Suldaan Wabar Iyo Khataraha Ku Soo Socota Somaliland.

Boorame, 16 may 2015 - Csh - Mudooyinkii ugu danbaaysay waxaa isa soo tarayay in kacdoonka Suldaan Wabar uu dhaqdhaqaaq ciidan ka waday aaga xuduuda u dhexaysa Ethopia iyo Somaliland. Waxaa kale oo gudaha somaliland ka alloosan xaalad siyaasadeed oo cakiran. Waxaa kale oo soo xumaanaya xalaadaha dublamaasiyadeed ee caalamka, taas oo soo dhaweeynaysa burburka iyo kala yaaca Somaliland.

Halkan ka daawo weraradii Jabhada Suldan Webar aay sameeyeen mudadii ugu danbeysay .
https://www.youtube.com/watch?v=zQxdrLNP7d4

Dhamaan waxaas oo dhan waxaa u sababa kooxaha calan casta ah ama hunguri ku macaashka ah ee siyaasadii soomaliland u kala qaaybiyay laba garab oo is mari la', waxaa taas sii dheer laaluushyada siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah loogu doonayo taagero maamulkan gabal baasi u dumay ee beesha caalamku aay irridihii ugu danbeeyay ka soo xidhanayaan. Haddaba waxaa sii sii xoogaysanaya Jabhada Suldaan Wabar taas oo  Khatarta kaga soo socotaa Somaliland tahay in haddii halkaasi dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabmo aay faragelin ciidan dawlada Ethopia gudaha ula soo gelayso.

Codkashacabkaa -- Boorame
codkashacabkaa1@gmail.com

No comments:

Post a Comment