Hargeysa –12 may 2015 –Csh - Isbahaysiga ay ku mudoobeen mucaaridka Somaliland ayaa maanta isugu yimid shir ay kaga hadlayeen waxa laga yeelayo muddo kordhintiin loo sameeyey xukuumadda uu hogaamiye Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Isbahaysiga mucaaridka ayaa shir jaraa’id ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa waxa ay ku baaqeen in la qabto shir waddatashi qaran ah, shirkaasi oo ay sheegeen in ay kaga hadli doonaan sidii loo dhisi lahaa dawladd wadaaga oo ka kooban xukuumadda iyo gole guurti.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay shirkan jaraa’id ee maanta Isbahaysiga mucaaridku ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa sidan, ” Guurtidu waxay kordhisay wakhti aan laga filayn oo aan looga fadhiyin oo dad badan oo inaga mid ahi xisaabtaba aanay ku darsan. Haddii korodhsiimo lama huraan noqoto waxaa la filayay in wakhtigii Komishanka doorashooyinku cayimay lagu saleeyo. Waxay kordhiyeen wakhti laban laab ku dhaw intii Komishanku cayimay oo aan wax sabab ah oo Dastuuri ah oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeena ma jiro, markaas arrintaasi arrin argagax dad badan ku abuurtay bay noqotay, arrin aan loo baahnayn ayay ahayd. Waxaanu markaa soo jeedinaynaa in Xisbiyada Mucaaradku gogol umadda u fidiyaan anaguna aanu ku taageerno, oo lagu wada tashado oo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo Xukumaddani gabtay la is waydiiyo”.
No comments:
Post a Comment