Friday, 8 May 2015

Ururka Suxufiyinta Bartamaha iyo Bariga Somaliland Ee SECJA Oo Shirwaynahi Labaad Uga Furmay Magalada Berbera iyo Weedhihi Laga Jeediyay +Sawir

Berbera, 8 maj 2015 - Csh - Waxa maanta ka furmay Hotel maansoor ee magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil shirwaynihii labaad ee ay yeeshaan ururka saxafiyiinta gobolada bariga iyo badhtamaha Somaliland ee SECJA .shirwaynaha oo ahaa mid ay saxafiyiintani kaga tashanayee ayaahadooda kuna ansixinayeen xeer hoosaadkooda uu si rasimaya ugu shaqayn doono ururkani Saxafiyiinta Gobalada Bariga iyo badhtamaha Somaliland "SECJA". Sidoo kalena Shirwaynahani ayaa ahaa mid kulmiyey wariyayaasha kala duwan ee ka hawlgala Gobolada Saaxil, Togdheer , Daadmadheedh, Saraar, Sool iyo waliba Saxafiyiin ka socotay Gobolka Maroodi-Jeex oo iyagu marti sharaf ku ahaa laguna soo casuumay Shirwaynahani.


Waxaana ka soo qayb galay shirwaynahani ay yeesheen saxafiyiintani iskaga kala yimi gobolada dalka Qaar kamida Xildhibaanada Gollaha deegaanka degmada Berbera, Masuuliyiinta kala duwan ee Axsaabta Mucaaradka iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


Waxaana ugu horaynba Shirwaynahani Ka hadlay Axmed Siciid Maxamed kana warbixiyay Ujeedada Shirwaynaha isagoona ku dheeraaday Muhiimada ay shirwaynahani u qabteen iyo waliba ajandaha loo aasaasay ururkani Saxafiyiinta Gobollada Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland "SECJA" Waxaana kamida ahaa Hadaladiisi SIda tani.
“Sidaan ogsoonahayba Waxaa maanta hotel Maansoor inooga Furmay Shirwaynihii ururka saxafiyiinta Gobolada Bariga iyo Badhtamaha Somaliland ee SECJA Waxaanan manta u balansanayn inan soo bandhigno xeerka iyo Nidaamka uu ku shaqayn doono ururkani Waxaana inagala soo qayb galay Shirawaynahenii madaxdii Xisbiyada Qaranka, Saxafiyiin ka timid Magaalada Hargeysa sidoo kalena waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo inagala soo qayb galay Xildhibaanadii golaha deegaanka degmada Berbera, markaan u daadago ujeedka Ururkan loo aasaasay ayaa ah, markaan aragnay baahiyo badan oo ku xayd daaban wariyayaasha Gobolada Bariga Somaliland waxaan go’aan ku gaadhnay anagoo isla rogroganay oo u soo bandhignay dhamaan wariyayaasha goboladan Inaan aasaasno ururkan Saxafiyiinta Gobolada Bariga Iyo badhtamaha Somaliland ee "SECJA” sidaas waxa yidhi Axmed SIciid maxamed.
Geesta kalena wax iyana hadalada iskaga daba maraya Qaar kamida Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Berbera Madaxda Axsaabta Mucaaradka ah iyo waliba marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay shirwaynaha iyagoona dhamaantood si isku wada mid uga dhawaajiyay inay soo dhawaynayaan ururka "SECJA" sidoo kalena waxay ka mahad celiyeen sida fiican ee ay ugu soo casuumeen urukani waxaan kamid ahaa hadaladoodii sida tan.
“marka hore waxaan aad idiinka mahadnaqaynaa sida fiican ee aad noogu soo casuunteen shirwaynahani ay yeesheen ururka saxafiyiinta gobolada bariga iyo badhtamaha Somaliland SECJA, Runtii Saxaafadu ama Saxafigu waa magac qaaliya isla markaana halbawle u ah Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waxanan aad idiinku taageersanahay idiinkuna hambalyaynaynaa Shirwaynihiinan aad maanta ku qabsateen magaalada Berbera. Waxa weeye saxafadu waxay ka qayb qaadataa Harumarinta dhinac waxbarshada, caafimaadka, deegaanka, ciyaaraha, Siyaasida waxaan idinku adkaynayna intaba inaad horumarkeeda ka qayb qaadataan”
Gabagabadina waxa shirkaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SECJA Mudane Yaasin jaamac ku xigeenkiisa Axmed Muuse Maxamed "Sakaaro" iyo xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Gobolada Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland Ee SECJA Mudane Cabdiraxmaan Cali Ducaale waxaanay dhaamaantood si isku wada mida uga hadleen ujeedka rasmiga ah ee loo asaasay ururka "SECJA" iyo waliba hiigsiga ay hiigsanayaan Inuu gaadho ururkani "SECJA" waxaanay yidhaahdeen Sida tan.
 “Waad ogtihiin maanta halka ay marayso saxaafadii dalka waxaanay ku jirtaa xaalad ka duwan xaaladihii hore oo qofba gaarkiisa loo fiirsanayo ujeedka kowaad ee aan u asaasnayna waxa weeye inaan maanta soo celino sumcadi iyo himiladii ay lahayd saxaafada Somaliland, waxaana asaasnay ururkan markaan aragnay baahiyo badan oo ka jira gobolada bariga Somaliland oo cidina aaanay ogayn sidoo kalena waxaan u asaasnay inuu ururkani horumariyo, ilaaliyo, kobciyo, daryeelo mihnada saxaafada Somaliland” ayay yidhaahdeen.

Si kastaba ha haatee shirwaynaha ay qabsadeen ururka saxafiyiinta gobolada Bariga iyo badhtamaha Somaliland ee SECJA ayaa sida la ogyahay socon doona mudo laba cisho ah isagoona soo gabagaboobi doona maalinta bari ah hadii alle idmo Isla Markaana bulshadu u dhagtaagayaan waxyabaha rasmiga ah ka soo baxi doona Shirwaynahani.





Hoos ka daawo hadaladdii halkaas laga yidhi:
https://www.youtube.com/watch?v=Mhsx4dWVM2s

Codkashacabkaa.com / voice Tv, Somaliland
Source: manderanews 

No comments:

Post a Comment