Haddaba Puntland oo hore ugu qanacsanaayn haaysashada Somaliland ee gobolka Sool iyo Sanaag barri ayaa waxaa maamulka Somaliland ku qanciyay in aan rabno inaan ka midnoqono Somali Weyn, haddii aan gobolkaas ka kacnona dagaalo baa shicibkeenu bilaabayaan oo anaguna meesha baan ka baxaynaa isu soo dhawaanshihii goboladuna meeshuu ka baxayaa, markaas nagu taageera inaan dadka iyo somaliland ba isku haayno si aan anagoo sidaas u midaaysan aan Somaliya ula midoowno, hadalkani waa arrinkii aay Puntland ku qancinayeen.
Waxaana muuqata in maamulka Siilanyo baqitaan ka haaysta siyaasadda gudaha inuu nasteexo iyo caawinba kooxdan Siilanyo ka doonatay ama raadsadeen Beesha Harti, Puntland iyo Koonfur Somaliya.
Balse wax kasta oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo maamulkan Siilanyo ka doonto beelaha deriska waa fashil, waayo tusaale qofku gacantiisa buu biyo kaga dhergaa, wax nin kale oo kaa siyaasad duwan aad isugu dhejisaaba waa kuu guul daro. Dedaalka kooxdan Siilanyo ku xaayn daabani wadaan waxay Somaliland u horseedi doontaa burbur siyaasadeed, haddii aan dadka Somaliland isugu tegin dibad iyo gudaba oo la fashilin dedaalada ma dhaleeyska ah ee aragtida dhoow ee qabiilnimada iyo boobka ku saleeysan.
Kooxda Siilanyo ku xaayndaabani waxaay balan ku galeen ama ha khiyaameen ama si kale haawgu hir gasho ama xoogba'e inaan hogaaminta lagala wareegin, waxaynu aragnaa inaay isu soo qaawiyeen bulshadii caalamka ooyna u badheedheen, markii beentoodii soo oodantay, gudahana waxba iskagama tirinayaan. Waxa ugu weeyn ee aay ka baqayaan baa ah, in bulshadii reer Somaliland aay nacday, doorashadana aay doonayaan in aay sagsaagaan, Markaasna shicibka Somaliland aay kacaan oo qoriyo qaataan.
https://www.youtube.com/watch?v=QiOBHPKTVAY
No comments:
Post a Comment