Wednesday, 13 May 2015

Daawo Kooxda Hunguri Ku Macaash Ah Oo Warancade Iyo Madaxtoyadu Qadar Lacaga Oo Aay Ku Hadlaan U Soo Dhiibtay Iyo Fashilka Ka Gaadhay + Ma cadaalad baaynu Sugnaa..?

Hargeysa, 13 may 2015 - Csh- Caqligii iyo canshuurtii umaada oo lagu ciyaarayo baaynu markhaati u noqonaynaa. Goobtu waa hotel shiraaqle waxaa goobjoog ahaa ummad aad u badan oo hotelkaas ku nasanayay. Waxaa dhacay in wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cadde uu saaka soo abaabulay koox Cuqaal ah oo waji ku macaasha ah, kuwaas oo la iskugu keenay hotel Shiraaqle ee Bariga Magaalada Hargeysa si ay uga daba hadlaan Cuqaal, dhalinyaro, waxgarad  shalay shir jaraa’id ku qabtay isla hotel-kaas oo diiday muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada Siilaanyo ee gabal madoowi u dumay.
 
Kooxda ayaa markii ay damceen inay hadlaan waxaa weerar ku soo qaaday dhalinyaro ay cuqaal u yihiin oo diidan iska daba hadalka Beesha iyo inaay codka shacabka beesha isxaaq aay ku maxaafsadaan oo aan taageersanayn xukuumadan gabal madoowi u dumay. Goobtii ayaa mar keliya isku rogtay fawdo iyo dagaal isla markiibana wasiir Cali warancadde ayaa boolis iyo TV-ga afka madaxtoyada ku hadla u soo diray iyada oo dhamaan dadkii la soo ururiyay ay goobtii ka tageen marka laga reebo lix Oday oo aakhirkii halkaas hadalka jeediyay ka dib markii booliskii isku hareereeyeen qolkii ay ku hadlayeen.

Ugaas Xuseen Geele Abokor - Qaws iyo Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi oo ah xubnaha uu u soo dhexmaray Wasiir Waran Cadde ee abaabulka wadday ayaa xiiq badan oo ay halkaas kala kulmeen waxay aakhirkii lacag gaadhaysa 700’000 SL Sh / qiyaastii waa boqol doolar aayna u qaybiyeen lixdii oday ee khasab ku hadalka ahaa, taas oo dadkii goobta joogay anfariir iyo fajac ku noqotay markii ay arkeen qaybsiga lacagta ee odayaashu isku fara saari gaadheen, iyada oo lacagtaasi u gaadhay 50 kun iyo 100 oo SL Sh ah, taas oo keentay in dadkii goobta soo buux dhaafiyay layaab ku riday cadadka lacagta ah ee loo qaybiyay kooxdan hunguri ku macaashka ahaa ee aay caqligoodii ku iibsadeen, waxaana halkaas hadalkii ka taagtaamay Ugaas Xuseen Geele Abokor - Qaws, Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaah iyo lixdii Oday, kuwaas oo ku cabanayay in lacagta uu soo dhiibay Wasiir Waran cadde anay intan ahayn, waxanay carabku ku adkeeyeen inay labada dilaal dhexda u fadhiisteen.


Arrimahani waxaay marag madoon u yihiin sida aaynaan wax cadaalad ah aaynaan uga filan doonin ee habeer madoow dadka lagu kala iibsanayo oo cashuurtii umadu bixisay hadana lagu laaluushayo xaqdarooyinka wadanka ka socda sidii aay u taageeri lahaayeen. Tanina waa mid maamulka Siilanyo maalimihii u danbeeysay lacago tiro badan ku bixinaysay abaabulka weji ku macaashyada ee Saxaafada afka madaxtooyada ku horfadhiisinaysay weji ku macaashyo taageera mudo kordhinta, iyadoo lacagtii cashuurta ee dadka danyarta ah laga soo ururiyay gidaarada loogu qaybsanaayo.
     



  











Codkashacabkaa.com - Hargeysa, Somaliland.

Follow Us Facebook, Twitter, Youtube / voice tv and  Google+ 
Codkashacabkaa1@gmail.com

No comments:

Post a Comment