Monday, 8 June 2015

Maamulka Siilanyo iyo Somaliland Waa Fashilmeen, Ali Guray

Hargeisa - Csh - 8 June 2015-  Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa ku dooday inaanay jirin wax sharci ah oo muddo kordhinta Xukumaddu ku fadhido. Waxa uu sheegay inay aqbaleen dib u dhac doorasho oo aan waafaqsanayn shuruudaha dastuuriga ee doorashada dib u dhigi kara, balse wali guurtidu muran sii galinayso.

Mujaahid Cali Guray waxa uu saxaafadda u sheegay in hanaankii sharciga iyo dawladnimada Somaliland u muuqdo mid fashilmay “Dawladnimadii Somaliland way fashilantay bay ku socotaa. farriinta aynu caalamka u dirayno ee aynu cid walba u dirayno waxa weeye dawlad noqda baanu is nidhi laakiin, waanu ku fashilanay oo waanu noqon karri waynay, markaynu runta isku sheegno waa sidaas” ayuu yidhi Cali Guray.
Mujaahid Cali Guray waxa uu tilmaamay in heshiiskii lagu afjarayay muranka muddo kordhinta ee Asxaabta iyo Xukumadda ay Ucid ahaan dedaal badan galiyeen “Heshiiska anaga dedaal badan baa nagaga baxay, aflagaado badan baa nagu gaadhay, anaga Ucid ahaan baa xataa ku siganay inaanu ku burburno, anagoo mucaarad ahayn baa haddana ugu yaraan laba goor Ergo Ucid ahi Madaxweynaha ugu tagtay in dalka laga badbaadiyo khilaaf keena burbur” ayuu yidhi Cali Guray.
Mujaahid Cali Guray waxa uu intaasi raaciyay “ugu dambeyntii waxaad moodaysay in Madaxweynuhu aqbalay in khilaafka lagu soo afjaro wada hadal, wada hadalkana waxaa gudoominayay oo saddexda xisbi dhexdhexaadinayay Madaxweyne xigeenkiisa, Mucaarad ahaan waxaanu ka tagnay wax faro badan, waxaanu ka tagnay in doorashadu bishan qabsoonto oo sharci ahayd, waxaanu ka tagnay inay sanadkak dhammaadkiisa qabsoonto, waxaanu ka tagnay tii Komishanku asteeyay ee ahayd 1-da June 2015-ka, December 2016 ayaanu isla tagnay.
Cali Guray oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Heshiiska waxaa nala galay Madaxweyne oo ku xigeenkiisa ayaa gudoominayay xisbigiisuna wuu nagula jiraye haddii ay ka baxaan halkaas baanu ku kala leexanaynaa, wixii halkaas ka dambeeyana taladeeda Ucid oo qudhi ma leh ee qaranka ayaa wada leh anaguna qayb uun baanu ka noqonaynaa ee ma balan qaadi karo, waxaanuna ognahay in shacabka Somaliland yahay shacab dulli ah oo indhahooda hortooda lagu burburin karo wixii ay u soo dhinteen, wixii dalkooda loo soo burburiyay oo inan yar oo iska fiiq-fiiqle ah oo doonayo danihiisu uu ku hor burburinkaro”ayuu yidhi Cali Gurey.
Source: Tooshnews
Hargeisa - Somaliland

No comments:

Post a Comment