Siilaanyo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay xoghaynta wasiirka gaashaandhiga Imaaraadka Carabta iyo la taliyayaashiisa si uu ugu soo bandhigo baahiyaha maamulka uu u qabo helida gaadiidka gaashaaman iyo in laga saacido dhanka helida hubka tayada leh. iyo weliba lacago jeebka qoyska ku dhaca.
Siilaanyo haddii uu dareen iyo garasho leeyahay wuxuu qiimeeyn lahaa in dawladda UEA aanay jeclayn wadanka Somaliland waayo dhamaan maamuladii koonfurna waxaay siisay gaadiid dagaal oo dhawaan ay la wareegeen Puntland, Jubaland iyo mid maalin ka hor lagu wareejiyay dowladda federaalka ah ee Somalia, haddaba hubka aay dowladda Imaaraadka bixisay baa halis ku ah amaanka deegaanada ay ka arrimiso Somaliland.
Dowladda soomaliland ayaa bedelkeeda ka urursanaysa xoogaa lacag ah dalka Imaaraadka Carabta dawladaas oo sheegtay inay ka caawinayso maamulka Somaliland dhanka duulimaadyada, dhismaha kaabayaasha dhaqaale iyo wadooyinka waana tan sare u qaaday dareenkiisa.
Codkashacabkaa - UEA
No comments:
Post a Comment