Friday, 12 June 2015

Wadamada Jaamacadda Carabta Oo Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Guri Ku Hidhay Iyo Arrimaha Somali Weyn Oo Ay Dedaal Ugu Jiraan.

13 June 2015 - Csh - Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ee Emaratka uu ku tegay wuxuu in badan daran yahay barnaamijyo dhaqaalo raadineed, sida mashruucii Biyo galinta ama biyo balaadhinta ee Abu-Dabia ku deeqday.
Waxa ilo Diplomasiyadeed sheegayaan in Wada Haddaladii Somalia Vs Somalilland la rabo in dib loo furo loona soo raro dalka Emaratka Carabta. waxa kale oo dheer in ay jiraan mashaariic kheyri ah. waxaase hubaal ah in aan wali cilaaqaad xoogan oo diplamasiyadeed inaga dhaxayn dowladdaha carbeed oo si xoogan uga soo horjeeda mabaadiida Somaliland, dabaddana ka riixaya midnimadda Somalia.


waxaase wali is weydiin leh siyasadeena arimaha dibadda Somaliland xageey u socotaa ma mid maalinba meel looga gacan haadiyo iska qabataa...caqliga lagu hagayaa waa mid noocee ah. Dalku wuxuu marayaa dibad iyo gudoba xaalad kala guura waxase loo bahan yahay in aragti mideysan laga yeesho.

Duufanaada dalalka carbeed ee Diplomasiyadeed ee xamar ku xidhan iyo ifafaalaha Somali weyn ee Masar Raadineyso. in laga tashaddo weeyaan. Somaliland waa in aan lagu mashquulin xaladda dalka gudahiisa qudha ee doorashooyinka waa in laga hadlaa arrimaha dibadda iyo waxa inagu soo socda. xukumaddani maaha mid caqli iyo talo aay kaga gudubto iyo karti siyasadeed leh waayo saan saanka u muuqato waxay u eg tahey in aqalkey ku jirto lala rabo in dusha lagaga xidho. waxaad ka war heysaan xaaladda dowladdaha inala jaarka ah iyo warbixinadda aay inaga bixiyeen hadday tahay nabadgelyadda iyo Amnigaba. Dalku wuxuu rabaa in si dhab ah wax loo eego aan lagu mashquulin muddo kordhinta iyo siyaasadda gudaha. Dadkuna waa inaay meel iska dhigaan isu fiirsiga hoose oo la muujiyaa isku duubni. Somaliland ha guuleysato Ambassador Abdirizak diinaari

No comments:

Post a Comment