13 June 2015 - Csh - Maamulka Puntland ayaa mudooyinkan ugu danbeeyay ciidamo aad u badan ku soo ururinaya deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag, taas oo muujinaysa walaac xoogan ee dagaalo ka qarxa dhulkan aay isku haaystaan Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.
Xoggo rasmi ah oo soo baxaya mudooyinkan danbe ayaa muujinaya in dagaalkan hurintiisa aaysan ku ekeeyn labada maamul ee Puntland iyo Somaliland, balse aay dhinaca Puntland dabada kariixayso dowladda Masar iyo Dawladda Federalka Somalia oo rabta inay carqalad hor leh geliso maamulka Siilanyo oo hadda aad u jirlicsan dhinaca dublamaasiyadeed iyo Moraalba. Dawladda Masar ayaa aad u danaaynaysa khayraadka uu rabi ku manaystay deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Dhinaca kale waxaa dowladda Ethiopia oo aan u niyad sameeyn dawladda Somaliland ayaan iyana u muuqan mid aan ka aamusayn soo faragelinta dawlada Masar ee khilaafkan u dhexeeya Somaliland iyo Puntland. Maamulkan Somaliland oo madaxweynihii Sariiryaalka ka noqday ayaan u muuqan mid kooxda Gollaha Kacaanka Somaliland inay ku hafteen Siyaasaddii Arrimaha dibada, balse aay xooga saareen siyaasaddii arrimaha gudaha iyo xoogaa dhaqaale urursiya.
Dowladda dalka Masar ayaa lacago iyo saanad meliteri gudoonsiisay maamul gobolleedka Puntland oo aad u badan si maamulka Puntland uu gacanta ugu dhigo deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn haba ugu horayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo muddo ku siman 8 sano uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland. Dawladdaha carbeed baa u arka horumarka iyo xasiloonida Somaliland iyo Somalia inay aay soo dedejinayso qodaalka shiidaalka la tuhunsan yahay inay ku jirto dhamaan Somalia, taas oo aay aad uga soo horjeedaan.
Inkastoo xiisada iyo colaada dagaal uun afka tahay, muuqaalka dhaqdhaqaaq ee ciidanka labada dhinac ay yihiin kuwo sii xoogaysanaya marba marka kasii dambaysa haddana lama saadaalin karo cida u hadhi doonta ka talinta magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana la fili karaa xili kasta in dagaalo xoogani ay ka dhacaan deegaanada ku xeeran magaalada Laascaanood kuwaas oo gol-gol xaadh u noqon doona colaado cusub oo ka dhex qarxa maamuladda Somaliland iyo Puntland
No comments:
Post a Comment