Wednesday, 3 June 2015

MasterCard oo ka samaynaya adeegiisa magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo bandhigay Shirka Dhaqaalaha Adduunka Ee Koofur Afrika

03 june 2015 - codkashacabkaa - Shirkan oo uu ka soo qaayb galay masuuliyiin ka socota dawlada muqdisho oo uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta somalia iyo wasiirka arimaha dibada ee somaliland balse aan waxba la weydiin. Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank la qaateen wadahadal muddo socday.

Madaxa Afrika ee MasterCard, Daniel Monehin, ayaa sheegay in Premier Bank uu yahay Banki si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu horistaago u raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. 5000 oo MasterCard ayaa lagu wadaa in uu sannadkan bixiyo Premier Bank.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan Caynte, oo ka qeyb gelaya shirka ayaa ku tilmaamay in maanta tahay maalin taariikhi ah. Astaanna waxay u tahay, ayuu yiri,  madaxbannaanida maaliyadeed ee Soomaaliya oo in badan ka caagganayd in ay ka qeyb qaadatao dhaqaalaha adduunka. Hadalkaas waxaa Wasiirka ka soo xigtay Business Wire.

Soomaaliya, maaddaama in badan laga hor taagnaa dhaqaalaha adduunka, si horumar dhaqaale oo hanaqaada loo dhiirri geliyo, waxaa loo baahan yahay in la hirgeliyo nidaamka electronic ahaan wax lagu kala iibsado si loola saanqaado hannaanka caalamiga ah ee hubinta iyo xeerarka maaliyadda, ayuu yiri Daniel Monehin.

Agaasimaha Maamula Premier Bank, Mahat Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in ay hadda macaamishooda u suurta gelin karaan in nidaan huban, qiima macquula ah ay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay wax uga gataan [ayaga oo aan isticmaalin lacag caddaan ah].

Premier Bank waxaa ruqsadda siiyay xeerarkiisana uu u hoggaansan yahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Ruqsaddiisa tirsigeedu waa 0011. Bankiga oo hadda laba laamood ku leh Muqdisho, wuxuu qorsheynaa in uu laamo kale ka furo Muqdisho iyo magaalooyin waaweyn oo dalka ah.

Idaacadaha iyo wargeysyada ganacsiga iyo maaliyadda ee adduunka kuwa ugu waaweyn ayaa maanta  hadal haya MasterCard in uu gaaray Muqdisho.
Waxaa qoray Yusuf Garaad Omar.

No comments:

Post a Comment