Tuesday, 2 June 2015

Damaashaadka Madaxweyne Amina Weris Ee Berbera Iyo Mulkiilaha HCTV Oo Dhexdhexaadnimadiisii Ku Bedeshay Magacaabista Walaalkii Ee Maxkamada Sare.

Codkashacabkaa, 02 june 2015 - Labada Haweeney ee madaxweynaha jiifa ah iyo wiilka buuryo ku shaqa taga ah ee Baashe Morgan ayaa soo qaban qaabiyay xaflad lagu casuumay 700 oo qof oo u badan dad kasoo jeeda deegaanka madaxweynaha iyo koox guul wadayaal ku ijaaran lacagtii dadweynaha, goobta lagu qabtayna waxay ahayd xeradii haamaha shidaalka ee madnuuca ka ah in sigaar lagu shido ama agagaarkeedaba lagu dhex cabo. 

Waxa meesha marayey madaxwaynihii dalka Axmed Siilaanyo ee bukaan yaalka ah, marwooyinka Aamina Waris iyo Samsam oo ah madaxweynayaasha jiifa, wiilka ‘loo yahay’ Baashe Cawil "moorgan" koox wasiirda guulwadayaasha ah  ee derejada koowaad iyo jilayaasha riwaayadaha madaxtooyadda Sooraan iyo Jawaan ee guulwadayaasha indhaha la' ee beenta iyo dacaayadeeynta bulshada ku taajiray ee kolba xukuumadu lacagaha faraha badan ku siiso, ama visa yaasha iyo lacago tigidh ah la siiy si aay u aadaan wadamada Yurub si aay uga soo heesaan oo aay magac uga soo helaan.Waa laba wiil oo aan aqoon sidaas u sii buuran lahayn balse aay isku beel yihiin madaxweyne Siilanyo, wakhtigii uu la wareegay xukuumadana uu soo saaray. Munaasibadda xaflada loo qabanayo waxa lagu sheegay mid uu Siilanyo xadhiga kaga jarayo shaybaadh aay leeyihiin Amina weris, samsam iyo Bashe morgan ee la keenay haamaha shiidaalka, kaas oo wali muran ka taagan yahay qiimihiisa dhabta ah, iyadoo ay xukuumadu hadda ku sheegto $1.25 milyan in uu ku joogo, halka ay ilo aqoon iyo khibrad u leh qalabkani ay sheegeen in aanay takaaliiftiisu sinaba uga badnaan Karin $350,000.




TV Horn cable oo lagu maslaxay in wiil aay walaala yihiin mulkiilaha Hctv in loo magacaabay maxkamada sare, taas oo u eg mid lagu iibsaday dhexdhexaansho ahaantii HCTV, markaas waa in bulshadu aay cuna qabateeyn saartaa TV, waayo shilimaadkiisa uu xukuumada ka helayo iyo Walaalkiisan loo magacaabay maxkamada sare ayuu ku iibsaday dhexdhexaanshonimadii, maanta waa muxaafid oo wuxuu la mid yahay meeshii aamina weris ka mashxaradi jirtay, yaan waxba laga xayaysiisan, waxbana lagu darsan TV gan, mulkiiluhu waa mid damiirkiisu hooseeyo waayo shalay baay ahayd markii laga saarayay guriga oo alaabtiisa banaanka loogu qubayay.

Berbera - Codkashacabkaa
Codkashacabkaa1@gmail.com 

No comments:

Post a Comment