Shirkadan ayaa waxa wakiil ka ah saddex nin oo Shiine ah oo la kala baxay David, Mike iyo John, magacyadaasi oo aan ahayn kuwoodii rasmiga ahaa. Saddexdan nin oo uu hogoomiye u yahay ninka sita magaca David ayaa waxay heshiis kula galeen wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) inay deegaankaasi ka qotaan macdanta uu hodanka ku yahay, laakiin bulshadda ku nool deegaankaasi oon wasiirku kala tashan heshiiskaasi uu shirkadda Shiinaha la galay ayaa ka dib markii ay dawladu wax ka qaban-wayday qodobo ay u gudbiyeen oo ay kaga cabanayeen mashruucan, waxay ka badheedheen inay is-hortaagaan ilaa inta tabashooyinkooda wax laga qabanayo.
Xukuumadda Siilaanyo ayaa talaabadan waxay kaga jawaabtay ciidan hubaysan oo ay dul-dajisay buuralaydii ay shiinuhu macdanta ka qodonayeen. Siday ilo u dhuun-daloola arrimahani Haatuf u sheegeen, masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa wasiirka macdanta ku wehelinayey qorshe muwaadiniinta ku nool Huluusha-Farshabeel xoog lagaga rarayo deegaankooda si Shiinaha halkaasi loo dajiyo. Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil ayaa siday ilo arrintan u dhuun-daloolaa noo sheegeen ka mid ah masuuliyiinta dawladda ee ay wax kasoo gaadheen lacag $3 malyan ah oo maafiyada Shiinaha ahi ku wareejiyeen wasiirka macdanta.
Ilahaasi waxay intaas ku dareen inay jiraan xildhibaano mushahar guno ah ka qaata Shiinaha, kuwaas oo sida la sheegay uu ka mid yahay Mahdi C/laahi Maxamuud oo xubin ka ah Golaha Wakiiladda.
Madaxa kooxdan Shiinaha ah Mr ‘David’ ayaa ah nin bulshadda ku nool Hargeysa durtaba aad u dhexgalay oo wasiiradda ka sakow xidhiidhyo la samaystay saraakiisha dawladda ee kale sida taliyaha Bilayska C/laahi Fadal isla markaana ku xidhan qaar ka mid ah madaxdhaqmeedka Hargeysa.
‘David’ waxa uu galaa guri ku yaala hotal Ambassador dabadiisa.
No comments:
Post a Comment