11 Jun 2015 - Csh - Maah maah ingrisi ah baa tidhaa ‘’ Don’t put all your eggs in one basket ‘’ oo macneheedu yahey beydka aad heysato meel ha ku wada ridin. Ictiraaf raadinta xukuumadda mweyne Silaanyo waxey shanti sannadood ee aynu dooranay ku lumisey wada hadalka Somalia iyo Somaliland ,iyado ujeedeeda kowaad aheyd in ay mucaawinooyinka dhaqaale ee magaca Somalia lagu bixinaayo iney qeybteeda ka qadato ,waana qodob ka mid ah qodobadi lixda aha ee lagu heeshiyey kulanki ugu horeyey (juun 2012) labada dhinac ee London lagu qabtey waqtigi dawladda ku meel gaadhka ee sheikh Shariif.Waxaana lagu qiyaasa qadarka lacagta beesha caalamku ku shubto sanduqa hormarinta Somaliland ‘’ Somaliland development fund ‘’ - konton million oo dolaarka mareykan sannadki waxaynu ka argney lacagta intaa leeg xarumaha wasaradaha la dhisey oo dhawr iyo toban ah oo xukumada Silaanyo aad ugu faanto sheegatana iney lacgta misaaniyadda ka dhistey.
Marka la isku cel celiyona waxey noqonaysa qadarka lacagta ku baxdey dhismayaashaa seddex ilaa afar million oo dolaarka mareykan. Waxa kalo aynu wada oggsoonahey in wada hadalki u dambeeyey ee lagu qabtey Turkiga magaalada Ankara March 2015 inu burburey kuna dhamaadey fashil .Halka muddadaa dheer la jarey xidhiidki diblomaasiyaddeed ee dadbana, albaabadana loo laabey xafiisyadi aynu ku laheyn dawladdaha Africa ee saaxibadeen sida South Africa,Gana ,Senegal,Ruwanda, South Sudan iwm.
Waxa iyadana jirta in wasiirada xukuumadda silaanyo ku noq noqanaayeen Imaaraatka Carabta iyago doonaya iney kireeyaan dekedda berbera ,iyado aynu ognahey in Airportka berbera shimbiruhu ka haadaan oo wax duulimaadyo ihi ka kicin.Haddaba safarkan kediska ah ee madaxweyne Silaanyo ma wuxu la xidhiidha soo kireeynta Airportka berbera si loo duqeeyo Xuutiyinta yemen qabsatey .Taaso aynu ogsoonahey in Djibouti u diiddey Imaaraatka iney Airporkeeda kaga duulaan Yemen,sidaasna xidhiidhkoodi diplomacy ku go’ay ?..
Haddaan dib ugu noqdo dulucda maqaalkeygan madaxweyne Silaanyo waqtiga halaganka SNM waxa lagu yaqaaney aftahanimo iyo firfircooni badan inkasto muddo kaso wareegtey laakiin intu madaxweynaha noqdey waxa laga ilaaliya saxaafadda madax bannaan inu si toos ah ula hadlo oo mar uu soo diro cajalad uu iska soo duubey sida dadka interpolku raadinaayo iyo mar uu laba erey yidhaahdo dabadeedna iska dhaqaaqo isago ka cararaya saxaafadda madax bannaan iney su’aalo weydiso , sidu dhaqanka madaxda S/L aha marka ay dhoofayaan ama soo degayaan , sidaaso uu yeeley maalinti dhaweyd June 7, 2015 ee uu ambabaxaayey Imaraatka Carabta arrintaas oo shaki badan ku abuurtey shacabk S/L calaamad su’aalna gelisey ujeedada socdaalkooda .Waxanan qaba sababta wasiir cukuse loo kaxeystey ay tahey in marka ay soo noqdaan in isagu warbaahinta la hadlo, waayo dee Imaaraatka af Somaali laguma hadlo!!
Alla mahad leh,
Eng.Bashe C Gaboobe .
No comments:
Post a Comment