Monday, 29 June 2015

MAXAAD KA OGTAHAY HEERKA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADDA SOMALILAND KA ALOOSAN. Q1AAD

No-Corruption
















Hargeysa(WS) Waa qormo taxane ah oo aynu ku iftiiminayno halista Somaliland ay wakhtigan geyaysiisay qabylaada iyo musuqmaasuqu. Walaac iyo Cabsi xoogan ayaa jirta waxaana meesha kasii baxaya axdi beeleedkii 1991kii ee Somaliland u bedelatay axdi qarameedka.

Shantii sano ee u dambaysay maalinba maalinta kasii dambaysa dhibaatada musuqmaasuqu Somaliland waxay ahayd mid ula sii durkaysa dhanka halista iyo isa-seega bulsho hore ugu midaysnayd magac iyo mabda’. Xatooyada, khiayaamada, Eexda, qabyaalada, sedbursiga iyo isku garab siinta Cadaalad daradu waxay noqdeen astaamaha lag xasuusan doono xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo”.

Waxaa mudo dheer dib uga curatay Somaliland isbahaysiga ku isiran qabiilka, kaasoo lagu lunsaday boqolaal milyan oo doller oo isugu jira deeqaha shisheeyaha iyo cashuuraha laga qaado dadka danyarta ah iyo ganacsatada Somaliland. Waxaa iyaguna soo baxay kana mid noqday dadka ugu magaca dheer maanta shakhsiyaad tiro badan oo dhamaan magac iyo hayb ahaanba ku aroora madaxweyne siilaanyo, kuwaaso qaarkood aanay wax xilal ah ka haynin xukuumadiisa balse heshiis kasta iyo il-dhaqaale kasoo galo’ba iyagu ka ah mu-qadimiin iyo mu-akhariin labadaba.

Waxaa iyaguna samaysay magacyada shirkadu aan hore u jirin kuwaaso ay mulkiilayaal ka yihiin shakhsiyaadka hayb-wadaagta la ah madaxweynaha iyo kuwo ay gaar u leeyihiin qaar kamid ah Caruurta madaxweyne siilaanyo. Sagaal goor ayaa tiroba intii madaxweyne siilaanyo talada dalka hayey xukuumadiisa ku sameeyey isku-shaandhayn, Eri, bedel iyo magcaabisba leh, taaso aan waxyeelo mooyaane waxtar maraba aan usoo kordhin madaxweyne Siilaanyo xukuumadiisa, taaso ayey sababtay iska indhotirka iyo sedburiska beelaysan oo aan madaxweyne siilaanyo wuxuu beeshiisa u kordhiyo mooyaane wuxuu ka dhimaaba aanay jirin.

Dardar gelinta musuqmaasuqa iyo qabyaaladu waxay noqdeen laba mataano ah halka masuul kasta oo ka damqada habka qalafsan iyo foolxumada wax u socdaan ee fikirkiisa saliimka ah ka dhiibta laga takhaluso xilkii uu hayey. Waxaa burburay axdi kasta iyo wacadkii Madaxweyne siilaanyo hore ula galay xulufooyinkii ka dambeeyey guushiisa, rag badan oo ay wax badan soo wada qaateena maanta dhamaan waa ay kala miranayaan. Dhanka isku tiirsanaantii iyo midnimadii bulshada Somaliland bal aan sikoooban oo guud ka xaleefin ah u jaleeco:-

A-Musuqmaasuqa iyo is xulufaysiga beelaysani ee Somaliland Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u horseeday waxa uu sababay waayintaanka kalsoonidii beelaha darafyada Somaliland.
B- Waxaa samaysmay maamul goboleedyo gudaha iyo dibadaba kuwaaso taariikhda markii u horeysay beelaha Somaliland ee darafyadu ku dhawaaqeen.
C-Waxaa luntay kala dambayntii iyo Nidaamkii ku soo dhisnaa mudada badan sinaanta iyo Cadaalada.
D- Waxaa meesha ka baxday fikirkii beesha Caalamku ka haysteen midnimada bulshada Somaliland kadib markii meelkasta xukuumada talada haysaa isugu tuurtay dano dhaqaale.
E-Nidaam kasta oo ku salaysnaa sharciga iyo dastuurkana waxaa loo baabiiyey loona badhi-furay dan gaar ahaaneed.
F-Xulashada shaqaalaha dawliga ah iyo kuwa kaleba hore waxay ugu dhisnayd sifo aqooneed halka maantana ay ku xidhan tahay hayb qabiil iyo xod-xodashada qoyska madaxweynaha.

Iyadoo aynu si xog-ogaalnimo ah oo qotodheer dibada usoo dhigayno faashilka iyo musuqmaasuqa kala geeyey buulshada Somaliland waxaan qoramadan qaybteeda ugu horeysa Bud-dhig uga dhigayaa Liiska magacyada Milyaneerada ku hodmay Musuqmaasuqa iyo Eexda qabyaalada oo kala ah laba dabaqadood oo kala sareeya liiska dabaqada koowaad waxay ka kooban yihiin:-
1-Baashe Cawil “Moorgan”:- Wiilka Sodoga Siilaanyo u yahay
2- Ibraahin Maxamed Xasan: Madaxa Shirkada General Energy
3-C/risaaq jaamac “Cumaani” Mulkiilaha Shirkada Dhismayaasha Madaarada iyo wadooyinka
4-Muuse Xasan Xaaji
5-Maxamuud Xaashi Cabdi: Wasiirka Duulista iyo Hawada
6- Xuseen Ducaale “Weji” Wasiirka Macdanta
7- Aamina Maxamuud Jirde: Xaaska siilaanyo
8-Cali Siciid Mareexaan: Xildhibaan wakiilada ka tirsan ahna Madaxa Shirkadaha qandaraaska  Diiwaangelinta Doorashooyinka.

Milyaneerada Darajada koowaad ee ka hodmay Musuqmuusaqa ayaa iyagu inta ka kooban waxaanuna qormadan qaybteeda labaad idiinku soo gudbin doonaa Milyaneer walba, Tirada hantida uu helay, Magacyada shirkadaha lagu kala macaashay iyo meelaha lacagaha intooda badan la dhigtay iyo weliba hantida ma guurtada ah ee ay kala leeyihiin anagoo barbar dhigi doona Siilaanyo hortii mid waliba waxa uu ahaa iyo hantida uu haystay. Halka qormadeena qaybteeda kalena aynu kusoo qaadan doono magacyada iyo hantida Milyaneerada darajada labaad.

Lasoco qaybta Labaad

Qalinkii:- Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”

Wixii fikirkaaga ah iyo xogaha aad ka hayso labada qaybood ee milyaneerada shanta sano waxaad noogu soo gudbin kartaa Email: warsomaliga@gmail.com

Thursday, 25 June 2015

Riyaale Regime: SOMALILAND FOREIGN MINISTER APPEALS FOR RECOGNITION AND AID

Content
Raw content
Metadata
Print
Share
Show Headers
Classified By: POL-ECON COUNSELOR KEVIN SULLIVAN. REASON: 1.4 (B),(D). 1. (C) SUMMARY. In a December 14 meeting with Charge a.i. Wilgus and deputy pol-econ counselor, Somaliland Foreign Minister Abdillahi M. Duale expressed interest in establishing a closer strategic relationship with the United States, and appealed for both humanitarian and military assistance to counter the regional threat posed by Council of Islamic Courts extremists. Saying he was reiterating points made in previous discussions in Nairobi, FM Duale requested that the USG provide financial and technical support for 2007-2008 elections in Somaliland; financial support for Somaliland's formal education system, to provide an alternative to radical Islamic schools; capacity-building for Somaliland's security services (military, police, coast guard, and immigration); and ammunition and military training, to counter possible preemptive moves by Somalia's Council of Islamic Courts (CIC). FM Duale asked that the USG support Somaliland's bid for recognition by the African Union, as some African countries had indicated they would. Duale reviewed regional cooperation between Somaliland and Yemen, Ethiopia, and Kenya, to counter the CIC threat, but said he had rejected AU Chairperson Konare's recommendation to meet with Somali TFG President Yusuf, as such a meeting would constitute "high treason." While Somaliland clearly supports Ethiopian intervention against a perceived CIC threat to the Horn of Africa, Duale's observations underscore that significant political tensions remain between Somaliland authorities and Somalia's TFG. END SUMMARY. --------------------------------------------- ------ SEEKING CLOSER STRATEGIC RELATIONSHIP WITH THE U.S. --------------------------------------------- ------ 2. (C) In response to the observation by Charge Wilgus that Embassy Nairobi took the USG lead on Somalia issues, Duale said he was reiterating points he had made recently in "very fruitful" discussions with Amb. Ranneberger in Nairobi. Somaliland sought a closer strategic relationship with the United States, Duale said, in order to promote democracy, governance, and counter-terrorism in the Horn of Africa. Duale expressed gratitude for USG engagement in Somalia and Somaliland, saying the United States had a critical role to play in the region. He thanked the United States for the humanitarian assistance it provided indirectly to Somaliland through projects and international organizations, saying such assistance was crucial to support 2007 elections that would strengthen democracy in Somaliland. He noted that the United States had been among the first in 1960 to recognize Somaliland, had later sheltered many Somalilanders as refugees, and had opposed Siad Barre during the 1988 "genocide." 3. (C) FM Duale requested both humanitarian and military assistance from the United States, as "democracy (alone) will not defend us." Noting USG support of teacher training in Hargeisa, Charge Wilgus took note of FM Duale's requests, but reiterated Embassy Nairobi's lead on Somalia issues. Asserting that Somaliland was a "de facto partner of peace in the region," Duale asked that Somaliland receive any assistance for which the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) qualified. Duale made specific requests for: -- financial and technical support for the 2007-2008 election cycle; -- financial support (and/or scholarships or international visit programs) for Somaliland's formal education system, to provide an alternative to radical Islamic schools; -- capacity-building for Somaliland's security services (military, police, coast guard, and immigration); -- ammunition and military training, which were especially needed to counter preemptive moves by Somalia's Council of Islamic Courts (CIC), if the CIC succeeded in taking over Puntland and Baidoa. ---------------------------------------- "AGGRESSIVELY" SEEKING AU RECOGNITION... ---------------------------------------- ADDIS ABAB 00000060 002 OF 003 4. (C) Despite not being involved in any Somalia reconciliation processes since its "reconstitution" in 1991, Duale said Somaliland could play a significant role in fostering peace in Somalia and the Horn, as the only functioning constitutional Islamic state in the region. He noted that Somaliland had information-sharing agreements with Yemen, Kenya, and Ethiopia. Citing Somaliland's constitutional clause rejecting terrorism, Duale asserted that in face of the CIC threat, recognition of Somaliland was "the best defense," as it could help unify mullahs, diaspora, and other elements of Somali civil society. As a former British protectorate, Somaliland's borders were accepted internationally, he claimed, in contrast to the undemarcated southern borders of Somalia. 5. (C) Duale appealed for the USG to support Somaliland's effort to obtain recognition by the African Union, or at least to inform African states that the United States had no objection. Somaliland was "aggressively pursuing recognition in the African Union," Duale said, which would require an incremental approach to build support first among representatives of the 15-member AU Peace and Security Council (PSC) and then at the ministerial level. Duale said he had met recently with representatives of key AU member states, and would soon meet with Ethiopian Foreign Minister Seyoum (January chair of the PSC) before traveling to west Africa. (NOTE: On January 7, FM Duale was to leave for Ghana. END NOTE.) Rwandan President Kagame supported recognition of Somaliland, as did Zambia and Tanzania; South Africa was "sympathetic" but was waiting for others to take the lead, Duale said. He noted that Ethiopia had an ambassadorial-level attache in Hargeisa, and was using part of Bosasso port. Somaliland had sought to court Algeria and Sudan, but many Somali fundamentalists in Mogadishu had been trained in Sudan, he said. --------------------------------------------- ----------- BUT TENSIONS CONTINUE WITH TFG PRES. YUSUF OVER PUNTLAND --------------------------------------------- ----------- 6. (C) Duale noted that while discussions with AU Commission Chairperson Konare had been "useful," Duale had rejected Konare's recommendation to engage TFG President Abdullahi Yusuf, as Yusuf had always maintained that the unity of Somalia was sacrosanct. Duale criticized the establishment of Puntland as "outrageous," asserting that Puntland was solely "an entity based on clan." In contrast, Duale said, Somaliland was composed of multiple tribes: its president was a former member of Siad Barre's security force and hailed from a minority. Duale said he told Konare that meeting with TFG President Yusuf would be "high treason," as Yusuf refused to make any statements on self-determination or respecting the will of the people, as had been done previously in Croatia or prior to the formation of Bangladesh. --------------------------------------------- ------- REGIONAL COOPERATION TO COMBAT ISLAMICIST EXTREMISTS --------------------------------------------- ------- 7. (C) Duale contrasted the "terribly dangerous, frightening" situation in Somalia with peace and stability in Somaliland. Somaliland played an integral part in promoting regional stability, he said, with its emphasis on institution-building and good governance, based on a "viable, secular" constitutional state. Duale expressed concern about the regional impact of unrest within Somalia, noting that Somaliland authorities had long predicted that the CIC would seek to establish an Islamic state in region. Duale reviewed Somaliland's regional initiatives: -- Duale said he had met with IGAD authorities, and also sought to address the International Contact Group on Somalia in order to discuss security in Somalia. -- Somaliland assessed that the CIC was taking advantage of a "ripe environment" to target Ethiopia, due to its contiguous border with Somalia. Duale noted that Somaliland's Interior Minister was currently in Ethiopia for consultations with the GOE on cross-border security arrangements, including ensuring that Eritrean-trained insurgents did not use Somaliland as a base from which to destabilize Ethiopia. -- In addition to Ethiopia, Somaliland had ADDIS ABAB 00000060 003 OF 003 intelligence-sharing agreements with Yemen and Kenya. -- Duale noted that he had discussed with Kenyan FM Tuju the need to engage ethnic Somalis and other members of the Muslim community, prompting Kenya to organize a town hall event. Somaliland's "liaison officer" in Kenya had also been instructed to reach out to Somalis. -- On the other hand, Duale added, Djibouti had made a "geo-political mistake" in allying itself with the CIC. 8. (C) Somaliland was monitoring the fighting in southern Somalia closely, Duale said. Somaliland also feared a long, protracted crisis and was concerned about CIC attempts to infiltrate Somaliland through bribery. Somaliland had no interaction with the CIC other than receiving threats, Duale added. 9. (C) Citing 2003-2004 killings of four Italian aid workers and the 2005 attempted bombing of a polling station, Duale said the Somaliland security service was closely monitoring CIC activities in Somaliland. The CIC considered Somaliland's constitutional order anathema to its vision of "peace and tranquillity" under Allah. Somaliland authorities had imprisoned one sheikh for advocating support of the ICU, while another sheikh, who at Friday prayers had called for supporting extremists against Ethiopia, had reportedly had his microphone seized by a worshipper who said it was absurd to support fanatics. Somaliland was the only country in the region who had apprehended terrorists, Duale said, and had recently sentenced two to 20-25 years imprisonment, despite threats from CIC Executive Committee Chairman Sheikh Hassan Dahir Aweys to free them. To counter CIC influence, Somaliland authorities were engaging moderate traditional leaders, dispatching representatives to six regions, and sensitizing the populace about the CIC's dangers through several government committees, Duale said. 10. (C) Asked about IGASOM deployment to Somalia, Duale underscored the importance of establishing a technical committee comprised of Kenya, Rwanda, and Ethiopia to discuss peacekeeping options. 11. (SBU) BIO-NOTE: Duale, who attended the last AU Summit in July 2006 as Somaliland's Minister of Information, replaces Edna Adan Ismail as foreign minister. Duale proudly referred to having resided previously in Long Island, New York, as a refugee. 12. (C) COMMENT: Somaliland formally requested recognition by the AU in a 13-page missive submitted to the AU in December 2005. Ethiopia's deputy foreign minister has privately advocated recognition of Somaliland as a bulwark against the CIC or others seeking to establish a "greater Somalia" by force (reftel). While it is clear that Somaliland FM Duale supports Ethiopian intervention in Somalia and shares Ethiopia's concern about the regional threat posed by CIC extremists, his continued rejection of dialogue with TFG President Yusuf highlights that the relationship between Somaliland and the Somali TFG remains strained and must be addressed by future efforts at political reconciliation. END COMMENT. YAMAMOTO

The Saudi Cables: “Somalia, Somaliland and Puntland agreed to form a single government in 2012”

image


First, the political situation in Somalia
1.       Somalia has recently witnessed a tremendous amount of political change, change that points to a lot of success at the political level. So much so, that the Somali people’s confidence in the government is beginning to return. A number of different communities have met regarding their difference and the agreements that have come out of such meetings/conferences constitute a road-map to peace. The Somali people welcome regional and international organizations who are interested in the Somali issue. 
2.       Transitional Federal Government and the governments of Somaliland (lit translated as Land of Somalis) and the regional Puntland government along with a number of militias belonging to the Somali government have signed an agreement. This is dated 18/02/2012. The agreement is 1) to form a new parliament made up of two houses and 2) prepare a new constitution that allows for a federal system

Wednesday, 24 June 2015

Taxane - Q3aad -: Awoodaha Siyaasadeed iyo maaliyadeed ee Faadumo Cawo iyo Heybado, Gabdhaha Ismaaciil Cumar Geelle.


heybado

Paris June 24, 2015(SDN/QJ)-Haweeneyda Madaxweyaha Jamhuuriyada Jabuuti Khadra Maxamuud Xeyd ayaa mararka qaar lagu sheegaa in ay suurtogal tahay in ay bedesho madaxweynaha hadii ay dhacdo in Ismaaciil Cumar Geelle uu hawada ka baxo.

Balse cida dhaxalka dhabta ah lehi waa inantiisa ugu yar ee Heybado Ismaciil Cumar Geelle oo  markii ay ku soo noqotay Jabuuti tiyoo sidata shahaado jaamacadeed oo ay ka soo qaadatay Jaamacada Columbia ee dalka Mareykanka direegto loogu magacaabay la taliyaha madaxweynaha ee dhaqaalaha sanadii 2010kii.
Madaxweyne Geelle ayaa sanadii 2007dii waxa uu si qarsoodi ah ugu socdaalay Farance si uu uga qeybgalo xaflada qalin jebinta Heybado oo xiligaa ka qalin jebisay American University of Paris.
Sidoo kalena waxa madaxweynuhu uu ku kharash gareeyay $650,000 oo shidaal ah si uu ugu socdaalo New York kiyoo la socda duyuurada qaranka ee 727, mar ay sanadii 2010 heybado Jaamacada Columbia ka qalin jebineysay.
Ka dib kolkii ay Heybado ka hawlgashay Madaxtooyada Jabuuti, waxa ay door muhiima ka qaadatay mashuruuca Shaqaaleynta iyo guddi arinkaa ka hawlgala, mashruuc ayaa ahaa mid uu madaxweyne Geelle ku galay tartankii doorashooyinkaa sanadii 2011kii.
Bishii May ee 2011kii madaxii xafiiska madaxweynaha Cabdi Cilmi Ashkir ayaa waxa loo magacaabay wasiir, xilkii uu ka hayay xafiiska madaxweynaha cidna looma magaacaabin, waxaase hawshii la wareegay Heybado Ismaaciil Cumar Geelle.
Heybado waxa ay isku dubo riday mashruuc caafimaad oo loogu talo galo shaqaalaha xanuunsada, waana mid madaxweynuhu uu ku geli doono tartanka doorashooyinka oo lagu wado in uu isu soo taago sanadka ina soo haya.
Heybada iyo Hooyadeed oo qudheedu xafiis ku leh madaxtooyada Jabuuti ayaa wadajir uga shaqeynaya in ay xadidaan aragtida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo beryahan danbe ay ka muuqato daal faro badan.
 Heybado ayaa nolosheeda khaaska ah kolka la eego, waxa ay sanadii 2011kii xiriir dhaw la yeelatay xoghayahii arimaha dhalinyarada Jamac Elmi Okeh. Xiriirkaas ayaa Guur isu bedelay isla sanadkaa iyaga oo aqal galay bishii October.
Guurkaasi waxa uu isku soo dhaweeyay Ismaaciil Cumar Geelle iyo siyaasiga ay mudada is hayeen ee Ismaciil Geedi Xareed, oo haatan ah madaxa dalada mucaaridka Jabuuti ee USN.
Ismaaciil Geedi Xareed ayaa abti u ah Jaamac Cilmi, Guurkan ayaa waxa ka dhashay wadahadalkii mucaaridka iyo xukuumada Jabuuti, wadahadaladaa ayaa wax aka soo baxay heshiis labada dhan ay kala sexeexdeen 2014kii.
Imaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuldareystay in uu Ismaciil Geedi Xareed kasbado, Madaxa USN ayaa weli aaminsan mabda’a dalada mucaaridka Jabuuti.
Dhanka kalese, Jaamac Cilmi ayaa saameyntiisii siyaasadeed ay balaaratay intii ka danbeysay markuu guursaday Heybado Ismaaciil Cumar, waxaanu haatan Madaxweynaha Jabuuti u yahay maareeyaha ganacsatada uu madaxwynuhu xiriirada la sameysanayo.
Inanta kale ee Madaxweyne Geelle Faadumo Cawo ayaa waxa loo igmaday in ay maareyso shirkada dhismaha ee Independent Construction Company oo uu markaa madax ka ahaa Wissam Cabdalah Qasim oo aad ula tashan jiray Marwada madaxweynaha iyo Faadumo Cawo.
Shirkada dhismaha ee madaxtooyada ayaa ka heshay qandaraas Djibouti Telecom ka hor intaaney kicin shirkadu sanadii 2011kii, Wasiim ayaa intaa ka dib isaga iyo qoyskiisu Jabuuti ka guureen, halka Faadumo Cawo ay qudheedu u guurtya dalka Faransiiska.
Faransiiska ayay Faadumo kula kulantay nin u dhashay dalka Ivory Cost oo la yiraahdo Nyckoss Tommy Tayoro oo ah nin aad uga weyn, waaney guursatay, ninkan ayaa waxa uu can ku ahaa tumashada.
Madaxweynaha Jabuuti Ayaan guurkaa ku farxin balse hoyadeed ayaa la safatay xaalkiina waa la dejiyay, Faadumo iyo odeygeeda iyo ilmo ay dhaleen ayaa Jabuuti dibb ugu soo noqday, madaxweyne Geelle ayaaaad uga hela ilmaha yare e Faadumo ay dhashay.
Faadumo ayaa isku dayday in ay dib ugu noqoto hawshii dhismaha, halka odeygeedu uu dhidibada u aasay shirkad u gaar ah duulimaadyada khaaska ah oo la yiraahdo Ivory Jet Service, shirkada ayaa aheyd mid dhanka Internet-ka ka hawl gasha, waxaaney ku danbeysay in ay madaxweynaha ka caawiso safarada caalemiga ah.
Faadumo Cawo oo aan u deganeyn sida walaasheed ayaa waxa ay aad u jeceshahay heesaha reer Galbeedka, horaantii 2011kii waxa ay abaabushay bandhig faneed loogu magac daray Djib Urban festival, oo lagu qabtay Hotel Palace Kempinski, fanaaniin reer galbeed ah ayaa ka soo qeyb galay, kharashkoodii duulimaadna waxa bixiyay Banka dhexe oo uu madax xiligaa ka ahaa Abtigeed Jaamac Xeyd.
Xiriir ay Faadumo Cawo Ismaaciil la leheyd heesaaga kooxda Iron Maiden Bruce Dickinson oo haatan ah madaxa Cardif Aviationayaa gacan ka siiyay hirgelintii Air Djibouti bishii May ee 2015.
Faadumo Cawo ayaa asaaxbteeda wax aka mid ah Malika “Kika” Bongo oo abaheed Cali Bongo uu yahay madaxweynihii dalka Gabon, Cali Bongo ayaa Jabuuti booqasho rasmi ah ku yimi Jabuuti sanadii 2013kii.
Faadumo Carwo ayaa Malika ku cansuuntay Jabuuti 2012dii, waxaaney ku soo degtay Hotelka Kempinski, waxaaney Duyuurada Qaranka damaashaad ugu kexeysteen Dubai.
Intaanu guursan Faadumo ayaa Nyckoss Tommy Tayro ayaa damac ka galay Malika balse ilaaladeeda Ayaan u saamixin in uu la hadlo.
Ceynaanshe Ismaaciil Cumar Geele Ayaan sida walaaladii aan isu muujin, waa inan dhanka Diinta u janjeera, xishood badan, dadka qaarna ay sheegan in uu yara muuqato cudurka niyad jabka.
 Waxa uu u muuqdaa in uu iska fogeynayo Xukunka in kasta oo uu weli ku nool yahay aqalka madaxtooyada, welina kama uu soo muuqan saaxada siyaasada.
Madaweynaha ayaa ku sigtay in uu Wiilkiisa Ceynaanshe u magacaabo lataliyiihsa dhanka Diinta, balse markii danbe ka noqday.
Ilaa mudo dhaw Ceynaanshe faraha kulama jirn wax ganacsi ah, balse iminka ayaa lagu wadaa in uu Ceynaanshe ganacsi dhanka caanaha ah la galo Axmed Cusmaan Gueleh. Wersheda Caanaha ayaa lagu wadaa in laga dhiso Damarjog oo dhacda xadka Somaliland, waxaaney qorsheynayaan in ay xoolo ka keenaan dalaka Farance iyo Holand.
SDN/QJ-Paris

Taxane - Q2aad -: Marwada madaxweynaha Jabuuti iyo Awoodaheeda Siyasada iyo dhaqaale ee Dalka Jabuuti.

Paris June  23,2015(SDN/QJ)-Khadra Maxamuud Xeyd waxa ay ka mid aheyd gabdhaha yaraanta waxbarasho ku helay dalka Jabuuti ka hor intii dalkaasi aanu qaadan xoriyada sanadii 1977kii. Waxa ay Bare ama macalimad ka noqotay mid ka mida Dugsiyada Hoose ee dalkaasi waxaana lagu tilmaami jiray aqoonyahanad waxaaney ka mid aheyd indheer garadka dalka Jabuuti, sidaa waxa lagu shaaciyay warbixin dheer oo qoyska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka qortay Jariirada dalka Faransiiska ka soo baxda ee Indian Ocean Newsletter.

geelle
Waana sababtaa baa warbixinta lagu yiri in uu Cabdalah Maxamed Kamil oo markaa ahaa  nin Cafari da’yar ah oo markaa uun jaamacad ka qalin jebiyay isla markaana noqon doona Raiisul wasaaraha dalka Jabuuti uu u guursaday. Lamaanahaasi waxa eebe uu kala siiyay laba caruur ah, wiil iyo gabadh, balse guurkaasi ma waarin oo waxa ay Khadir intaa dabadeed Guursatay Ismaciil Cumar Geelle oo ay la dhacday intii uu seygeedu Raiisul Wasaaraha ahaa. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xiligaa qudhiisu ahaa madaxa xafiiska gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Khadra Maxamuud Xeyd ayaa aqal galay sanadii 1982kii waxaaney isu leeyihiin sadex caruura oo labo yihiin Hablo.
Khadra Xeyd oo leh han laba ruux ku filan ayaa seygeeda ka caawisay gebi ahaanba dagaalada siyaasadeed ee uu u galay hanashada xilka madaxweynaha, dabadana ka riixday si uu u fuulo salaanka siyaasadeed.
Isla sanadii uu Ismaciil guursaday Khadra waxa uu ku biiray xisbiga talada dalka Jabuuti ilaa haatan haya ee RRP, ka dib dagaal culus oo uu la galay labada siyaasi ee Ismaciil Geedi Xareed oo xiligaa ahaa la-taliye madaxweyne iyo wasiirkii Cadaalada Jabuuti ee xiligaa Muumin Bahdoon Farax oo uu labadaba loodiyay.
Markii ay Khadri noqotay marwada Madaxweynaha Jabuuti waxa ay judhiiba gudo gashay hawlaha samafal oo ka mid ahaa hawlahaa marwada madaxweynaha. Waxeyse door siyaasadeed oo muhiima ka ciyaartay oo ay madax ka noqotay ururka haweenka Jabuuti ee (UNFD) urarkaa oo ay dhaqaalihiisa maamusho iyada oo isticmaaleysa xisaabiyaha ururkaasi Majida Xuseen oo ah haweeney u dhaxday ganacsade Yamani ah oo ay abaal u gashay.
 Khadra Xeyd oo aaney isku wanaagsaneyn walaasheed shafika Maxamuud Xeyd oo iyada iyo odeygeeda oo hore u ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Booliska isla markaana ku nool Canada, ayaa aad ugu tiirsaneyd inamada walaaleheeda oo ay u dhiibtay xilal muhiima. Waxaaney xeyndaabka soo gelisay ganacsato sideeda ka soo jeeda Beesha Isaaq oo u baahnaa in ay gabaad siyaasadeed ka dhigtaan.
Jaamac Maxamuud Xeyd oo ahaa walaalkeed ka yar oo ay iyadu siyaasada ku gardaadisay ayaa kiyoo aad u yar ay u dheebtay xilka Guddoomiyaha Banka Dhexe ee Jabuuti.
Waxaanu xilkaa oo aanu wax aqoona u leheheyn hayay intii u dhexeysay sanadii 1994kii ilaa uu ka geeriyooday sanadii 2013kii. Marxuumka ayaanay aqoontiisu dhaafsiisneyn shaahaado Dugsi.
Khadra Xeyd ayaa waxa magacaabidaasi ay u saamaxday in ay dusha kala socoto maaliyada dalka, iyadoo sidoo kalena ay hantida dalka u isticmaaleysay dhaqdhaqaaqeeda siyaasadeed iyo ta ganacsiba ee iyada taageereyaasheeda iyo eheladeedadaba.
Sanadii 2013dii waxa ay Khadri ku guul dareysatay in ay xilkii walaakeed ka geeriyooday u dhiibto Axmed Cusmaan Cali oo isna ka soo jeeda beesheeda. Marwada Madaxweynaha Ayaan ka quusan in ay xilkaa u magacowdo Almis Mohamed Cabdilaahi oo uu dhalay inadeerkeed, Almis ayaa haatan ah Agaasime ku xigeenka Baanka horumarinta Africa isla markaana madax ka ah xafiiska maalgelinta dibeda ee xafiiska Miisaaniyada.
Mid kale oo ka mida walaaheed oo la yiraahdo Almis Maxamuud Xeyd oo isna leh tacliinta asaasiga ah ayaa mudo dheer ahaa Agaasimaha Duulista, halka xaaskiisu maqaaxi ay ku leedahay dekeda Jabuuti.. Gabadh uu Almis dhalay oo la yiraahdo Tolmoon Almis Xeyd oo culuunta dhismaha ka soo baratay Faransiiska , ayaa ku soo noqoshadeedii Jabuuti ka dib waxa ay ka shaqeyneysay xafiiska Hantida ka dibna waxa ay furatay shirkad ganacsi oo ay iyadu leedahay oo la yiraahdo Gobad Architectes. Intii ka danbeysay sanadii 2014kiina waxa ay madax ka ahaeyd  shirkada duulista ee Harmony Air Service oo ah shirkad socdaal oo la shaqeysa Daallo Airlines .
Tolmoon ayaa dhawaan loo ansixiyay in ay furato beer loo damaashaad tago, ansixintan ayaa aheyd hadiyad ka dib kolkii ay sanadii hore guursatay wiil uu dhalay Cali Cabdi Faarax wasiirkii hore ee Warfaafinta Jabuuti iyo farxada dhaashada wiilkoodii u horeeyay. Tolmoon iyo inadeerteed Heybado Ismaciil Cumar Geelle ayaa isku malxiisay aroosyadoodii.
Tiro Ganacsato Isaaq ah oo hadhsada awooda Marwada madaxweynaha ayaa hadana mararka qaar ka carooda dalabyo ay u jeediso, Ganacsatadaa wax aka mid ah Maxamed Siciid Geedi oo ah mulkiilaha SomCable, oo la siiyay in uu xarkaha Internetka geeyo Somaliland. Axmed Cusmaan Geele(Arab) ayaa ah safiir sharafeedka Australia ay Jabuuti ku leedahay, waxaanu madax ka yahay ilaa 15 shirkadood  oo hoos taga GSK Group oo ka hawl gala dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya. Labadaa Ganacsade ayaa bixiyay kharashkii ku baxay diyuurad caafimaad oo Nairobi lagu qaaday Marxuum Jaamac Xeyd kolkii uu ku dhuftay cudurka Faaliga. 
Marwada Madaxweynaha Jabuuti Khadra Xeyd ayaa maamusha hantida madaxtooyada isla markaana bixisa, hantidaas oo ay ku jirto kuwa dalka dibediisa yaala. Hadii ay noqoto Adis Ababa iyo Paris.
Sanadkana waxa ay Khadra Xeyd isku dayday in ay iibsato Plain Ciel Hotel oo uu lahaa Cali Caarif Burhan oo xiligii daakhiliyada ahaa Raiisul Wasaaraha Jabuuti, balse qiimaha oo aad u sareeyay awgeed ma ay iibsan. Dhawaana waxa ay muujisay dameecada ah in ay iibsato Jabuuti Media Centre, dhisme uu leeyahay ganacsade Cumar Ceydiid oo hore mar u ahaa madaxa Djibnet oo haatan mashaakil canshuureed ay heysato.
Sanado ka Hor Marwada madaxweynaha Jabuuti waxa ay dusha ka maamushay aasaaska shirkada dhismaha ee Independent Constraction Company oo madaxtooyada laga lahaa, shirkadu waxa ay kacday sanadii 2011kii, Marwadu waxa ay sanadii 2009kii isku dhufatay madaxweynaha iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Booreh oo hore u maalgelin jiray madaxtooyada.
Boore manta waxa uu ku nool yahay London oo ay maxkamadi uga socoto, dawlada Jabuuti ayaa ku eedeysay in uu lunsaday hanti dawladeed.
Shirkada Boore ee Soprim ayaa mashruuc dhisme baaxad leh oo la yiraahdo City Centre u fulisay marwada Madaxweynaha, balse waxaan Boreh la siin kharshkii dhismaha, kolkii uu Cabdiraxmaan Booreh Jabuuti isaga baxsadayna waxa ay marwada madaxweynuhu isku dayday in ay la wareegto hantidii ina Booreh oo ay ku dalbatay Cornel Maxamed Jaamac oo wata ciidanka Jamhuuriga.
Kadib kolkii ay Marwada madaxweynuhu kaga iibsatay City Centre ganacsade Isaaq ah $300,000 oo aanu diidi kareyn isla markaana uu ku dhawaad $3 million oo dollar dib ugu dhisay Ina booreh oo aan weli kharashkiisii loo celin ayay Marwadu boqolaal kun oo Dollar sanad walba kiro uga qaadataa Baanka Jabuuti iyo Dekeda Jabuuti oo daartaa ku jira.
Khadra Xeyd waxa ay sidoo kale maamushaa shirkada SCI Haramous oo Paris xarun u tahay intii ka danbeysay 2002dii, Haramous waxa ay maareysaa hantida madaxtooyada Jabuti ee Paris, daar halkaa Shirkadu ku leedahay ayaa markii hore qiimeheedu ahaa  €2.2 million, balse iminka qiimeheedu uu aad uga sareeyaa. Sidoo kale Marwada madaxweynuhu waxa ay maamushaa Hantida Madaxtooyada ee Itoobiya.
Waxaa intaa ku eg qeybtii warbixinta eek a hadleysay Marwada Madaxweynaa Jabuuti iyo doorka ay ku leedahay siyaasada iyo maaliyada Jabuuti.
La soco berito oo aanu ku eegi doono warbixinta qeybteeda ka hadleysa Labada Hablood ee madaxweynaha Jabuuti iyo awoodahooda siyaasadeed iyo maaliyadeed ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
SDN/QJ-Paris
contact@qurbejoog.com

Taxane - Q1aad -: Qoyska Ismaciil Cumar Geelle iyo owoodahooda maamul iyo dhaqaale ee Jabuuti.


geelle

Paris June 22,2015(SDN/QJ)-Intii ka danbeysay kolkii uu madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle madaxweynaha ka noqday dalka Jamhuuriyada Jabuuti sanadii 1999kii waxa uu isku dubo ritay koox uu ka soo xushay reerka uu ka soo jeedo ee Ciise khaasatan jufada Mamaasan oo uu awooda dalka Gacanta u geliyay, sidaa waxa lagu sheegay warbixin dheer oo ay daabacday Jariirad dalka France ka soo baxda oo la yiraaahdo The Indian Ocean newsletter.

Qoyska madaxweyne Geelle waxa ay hayaan mansabyo aad muhiim u ah in kasta oo beelaha kale ee taageeraahi qudhoodu ka dhex muuqdaan xilalka sare.
In mudo ahba iminka waxa awooda Ismaciil Cumar Geelle waxa soo wejahay culeys siyaasadeed oo intiisa badan uga imanaya Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN, halka sameyntii uu gobolka ku lahaa ay wiiqday xurguf u dhexeysa xukuumadiisa iyo dawlada Imaraadka Carabta.
Waana taa ta keentay in uu ku tiirsanaado kadiriintiisa iyo weliba Qoyskiisa si uu dib isugu soo taago tartanka madaxtinimada dalka Jabuuti ee sanada 2016ka.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa adkeyay xiriirka qoyskiisa oo ay si weyn isugu heyso Xaaskiisa Khadra Maxamuud Xeyd, oo u dhaqanta sida madaxweyne ku-xigeen, labadooda Hablood ee Heybado iyo Faadumo Carwo oo ah ganacsato. Isla markaana Haweeneyda Madaxweynaha ayaa si xeeladeysan xil sare ugu diyaarineysa inan ay kala timi guurkeedii kowaad oo la yiraahdo Nagib Cabdulaahi Kaamil, Nagiib ayaa sidoo kale walaashii Nazil gacan ka siinaya ganacsigeeda.
Madaxweyne Geelle ayaa qudhiisa Ganacsi kula jira walaaladiis khaasatan Sacad Omar Geelle oo ah madaxa Dekeda Jabuuti oo ah il dhaqaale oo muhiim u ah dalka iyo madaxtooyadaba, mid ka mida raga ay ilma adeerka yihiin madaxweynaha Jamac Cali Geelle ayaa qudhiisa xejistay xilka madaxtinimada wakaalada korontada Jabuuti oo horaantii aheyd il dhaqaale oo muhiim u aheyd madaxweyne Geelle.
Warbixinta ayaa qeybaheeda kale waxa ay si faahfaahsan uga hadleysaa shakhsiyaadka qoyska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo sida ay isugu xeereen awoodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalka Jabuuti.
Qeybta beritona waxaanu ku eegi doonaa awoodaha ay marwada madaxweyne Geelle ku leedahay siyaasadaiyo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti ee ha moogaanina.

SDN/QJ-Paris