Friday, 8 May 2015

Sir Culus: Dufaanada Kacdoon Ee Dalka Ku Soo Fool Leh Iyo Hanka Hoose Madaxtoyada Somaliland Oo Gacmaha Hoos Dhigatay Puntland.

Garooowe, 8 Maj 2015 - Csh - Sir culus oo aan ka helay madaxtoyada Puntland ayaa waxaay sheegeen in xubno ka tirsan qasriga madaxtooyada Somaliland aay booqasho qarsoodiya ku tageen madaxtooyada Puntland oo aayna la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedkaas. Fariinta xubnahani ka sideen Siilanyo ayaa waxa aay ahayd in Madaxweyne Siilanyo doonaayo in uu wax kasta kala shaqeeynayo Puntland, Somaliland aay rabto saaxiibnimo run ah oo gacmaha laays qabsado oo laga wada shaqeeyo xuduudaha. Iyadoo Maamulkan Siilanyo doonayo in aay ka sii hor tagaan kacdoono beelaha dhexe ee isaaq kala hor yimaadaan maamulka Siilanyo.


Haddaba Puntland oo hore ugu qanacsanaayn haaysashada Somaliland ee gobolka Sool iyo Sanaag barri ayaa waxaa maamulka Somaliland ku qanciyay in aan rabno inaan ka midnoqono Somali Weyn, haddii aan gobolkaas ka kacnona dagaalo baa shicibkeenu bilaabayaan oo anaguna meesha baan ka baxaynaa isu soo dhawaanshihii goboladuna meeshuu ka baxayaa, markaas nagu taageera inaan dadka iyo somaliland ba isku haayno si aan anagoo sidaas u midaaysan aan Somaliya ula midoowno, hadalkani waa arrinkii aay Puntland ku qancinayeen. 



Waxaana muuqata in maamulka Siilanyo baqitaan ka haaysta siyaasadda gudaha inuu nasteexo iyo caawinba kooxdan Siilanyo ka doonatay ama raadsadeen Beesha Harti, Puntland iyo Koonfur Somaliya.
Balse wax kasta oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo maamulkan Siilanyo ka doonto beelaha deriska waa fashil, waayo tusaale qofku gacantiisa buu biyo kaga dhergaa, wax nin kale oo kaa siyaasad duwan aad isugu dhejisaaba waa kuu guul daro. Dedaalka kooxdan Siilanyo ku xaayn daabani wadaan waxay Somaliland u horseedi doontaa burbur siyaasadeed, haddii aan dadka Somaliland isugu tegin dibad iyo gudaba oo la fashilin dedaalada ma dhaleeyska ah ee aragtida dhoow ee qabiilnimada iyo boobka ku saleeysan.

Kooxda Siilanyo ku xaayndaabani waxaay balan ku galeen ama ha khiyaameen ama si kale haawgu hir gasho ama xoogba'e inaan hogaaminta lagala wareegin, waxaynu aragnaa inaay isu soo qaawiyeen bulshadii caalamka ooyna u badheedheen, markii beentoodii soo oodantay, gudahana waxba iskagama tirinayaan. Waxa ugu weeyn ee aay ka baqayaan baa ah, in bulshadii reer Somaliland aay nacday, doorashadana aay doonayaan in aay sagsaagaan, Markaasna shicibka Somaliland aay kacaan oo qoriyo qaataan. 

https://www.youtube.com/watch?v=QiOBHPKTVAY 

Wednesday, 6 May 2015

Amb. Abdirisaaq Af Qaraf Oo Ka Mid Noqday Goobjoogayaasha Doorashada Polen Ee Madaxweynenimada.

Copenhagen, maj 7 2015 - Csh - Amb. Abdirisaaq Af Qaraf  Oo gudi uu ka mid yahay oo yurub ah aay ku tageen dalka Polen, goobjoogayaal caalamiyana ka noæqon doonaan Doorashadaas Polen Ee Madaxweynenimada lagu dooranayo.






GUDOOMIYEYAASHII KOMISHANKA DOORASHOOYINKA GOBOLKA SANAAG OO HAL BEEL LAGU TAXAY + GOBOLKA LOOGU TALO GALAY IN LA BOOBO.

Hargeisa - may 7, 2015 -CSh - Gobolka sanaag oo ah gobolka ugu baaxada weyn gobolada Somaliland islmarkaana ay wada degan yihiin beelo aad u tiro badan ayaa waxaa ku habsatay cadaalad daradii ugu balaadhnayd ee dhinaca xilalka dawlada ah.

Iyadoo hore cadaalad daradaasi iyo boobka aan gabashada lahayn loogu tirinaayey beesha madaxweyne Siilaanyo ayaa halkii laga filaayey in wax laga bedelo waxaa maanta gudida doorashooyinka kaambayn, gala-galaysi iyo guuro habaleeynimo ka dib loo magacaabay gudoomiyaha komishanka gobolka sanaag iyo labada gudoomiye ee degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag isla beesha madaxweyne Siilaanyo, kuwaaso aan gebi ahaanba kasokow sedbursiga beelaysan aan iyagu qaadi Karin masuuliyada xilalkaasi, aqoon ahaan iyo xilkasnimo labadaba. Shakhsiyaadka xilalkani loo magcaabay ayaa kala ah. Gobolkan oo loogu tala galay dagaal iyo faawdo in laga rido ama beelaha laayska hor keeno.

1-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi
2-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka D/Ceel-afweyn Xuseen Xaaji Yuusuf
3- Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka D/Garadag Axmed Maxamed Faahiye

Tani waxay marag ma doon u tahay dedaalada weli madaxtooyadu ku quud daraynayso

Tuesday, 5 May 2015

Booqashada John Kerry Ee Muqdisho Waxay Muujisay Muuqaal Siyaasaddii Soomaaliya Koox Iyo Saddex Maamul Gobolleed Aay U Afduuban Tahay.

Muqdisho - Maj 6 2015 - Csh - Kulanka uu John Kerry la yeeshay Madaxweyne Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa lagaga wadahadlay sidii ay Mareykanku uga caawin lahaayeen Soomaaliya amniga iyo horumarinta Hay’adaha dowladiga ah.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku waxa uu kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-galbeeda Soomaaliya, oo ay ka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaan (Axmed-Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaadhsiin lahaa Maamullada ay hoggaamiyaan.

Haddaba Warbixinno kala duwan oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ka diyaarisay iyo weliba waraysiyo la xidhiidha socdaalka Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku ku tegay Muqdisho, ayaannu idiinkku soo gudbinaynaa qaybta Raadyaha ama codadka ee Aftahannews, waxaana codka warbixinnadaa ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Liidka Madawga ah ee Hoose.

Audio Player
Isla Maanta gelinkii dambe, ayey John Kerry iyo Weftigiisu ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sugnaa Muqdisho muddo saacado ah, waxaanay ka mid tahay booqashada Kerry booqashooyin uu ku marayay dalalka Geeska Afrika sida Kenya oo uu shalay gaadhay, isla markaana Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Mucaaradka Kenya kula kulmay.

Waxaanu sidoo kale booqashadiisan ku tegayaa magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu Masuuliyiinta dalkaas kulammo kula qaadan doono, sidoo kalena booqan doono Saldhigga Millateriga Maraykanku ku leeyahay Jabuuti oo ah ka ugu weyn ee Millateri ee Maraykanku ku leeyahay Geeska Afrika.


Codkashacabkaa.com - Muqdisho Office.
codkashacabkaa1@gmail.com

Madaxtoyadda Somaliland iyo Reer Dahabshiil oo ka Abuuraya Morgankii Sadexaad Villa Somalia + Xididnimada Xassan Shiikh

Muqdisho, Maj 6, 2015 - Csh - Warar xogogaala oo Shebekadda warbaahiyaha ah ee codkashacabkaa aay heshay ayaa tilmaamaya in gabadh uu dhalay madaxweynaha Somalia oo la yidhaahdo yaasmiin xassan shiikh mohamoud uu rabo inuu guursado wiil ina dahabshiil ah, lama xaqiijin magaca wiilka ina dahabshiil, balse xogtan baa tilmaamaysa in reer dahabshiil aay weydiisteen xassan shiikh gabadhiisa. Arrinkan oo shaqsiyaad madaxtoyda somaliland iyo reer dahabshiil ka qaayb qaateen, kuna donayaan iney ka abuuraan morgan yar oo la xidida madaxweyne Xassan Shiikh mohamoud, moorgankaas oo reer dahabshiil u dhex fadhiisan doona villa somalia. Sida ila xogogaalka ahi sheegeen dahabshiill wuxuu balan qadey inuu siinaayo Xassan shiikh 5 milyan oo dollar oo uu dorashada ku gallo 2016. arintaas oo xirsi gaaba ka shaqeynayo. Si  Xasan Shikh kursiga uu u sii fadhiyo. 


Waxa laga war qaba in kooxda ku xeeran madaxweyne siilaanyo doonayaaan in co-federalism ogolaadaan, balse wali aan la isla fahmin Xasan Shiikh nooca uu noqon doono iyo qaabka wax qaaybsi. Sida l.ala wada socdo shirkii Turkiga waxa loo khal khal galiyey si dorasahda dib logu dhigo oo indhaha shacabka loogu jeediyo arimaha masiiriga ah ee ka soo bixi rabay. 


Hadaba waxa reer Dahabshiil iyo Xirsi gaab donayaan iney dhamaan bank dhaqalaha Somalia oo dhan gacanta ku dhigaan dalkuna iyaga u xidhnaado. Madaxweyne Siilaanyona wuxuu saxeexey in Bank Islamic looga hir galiyo Xamar, si aan Salaama Bank ugaga adkaan gudaha muqdisho, oo Dahabshiil Bank uu hogaamiyaan mulkilaha saamiga ugu bad leh shirkada hormood, Golis iyo Telesom. 

Hadaay run noqoto guurka wiilka ina dahabshiil ayaa waxay noqonaysaa dhaqanadda cusub ee Wasiirka madaxtooyada ee Xirsi, Mohamoud Hashi iyo kooxda Siilaanyo ku xaayndaabani ku soo kordhiyeen dhamaan geyiga afka Somalilaga lagaga hadlo. Waayo kooxdan oo boobay lacago aad u badan ayaa waxaay cidhiidhsanayaan siyaasada somaliya iyo awooda dhaqaale ee geeska meeshay ka geli lahaayeen, waloow aad loogu haaysto awoodahaas aay maroorsadeen. Kooxdan baa mar walba iyo goob walba ku dedaala iney abuuran is dhex gal xididtinimo, si loogu boobo hantida ummadda. Balse reer somaliland oo khaatiyaan ka jooga ayaa dhaqankani ku sii fiday wadamada Djibouti iyo Koonfur Somali



Sawirka todobaadka iyo saaxadda siyaasadda Somaliland iyo waxyaabaha ku cusub


Tahriibinta Daabacashada Lacagaha “1000 / 5000 Sh.” Ee Qayrul Sharciga Ah Ee Xukumadda Siilanyo Iyo Siraha Iyo Musuqa Ku Duugan.

Hargeisa, Somaliland . Maj 5, 2015 -  Csh – Sida xogo badani sheegayaan waxa maamulka siilaanyo si qarsoodiya u soo daabacadaan Lacagta “1000 / 5000 Sh.”  Taasoo haba yaraatee laamaha dawlada ee ku shuqulka leh ansixinta lacagahan aanay waxba ka ogayn. Lacagtaa la soo daabacanayo ee wadanka soo gelaysa sida qarsoodiga ah oo aan lala socodsiin baarlamanka. Hadaba waxan eegi doona sharciyada lacagahas iyo in lacagahaas la geshay diiwaanka bangiga dhexe. Hadaba maxaynu Kala Socona musuqa iyo siraha  ku jira lacagta 1000 iyo 5000 Shilling ee ay Xukumadda Siilanyo Soo Daabacatay markay xilka qabatay ?

Markii ay talada dalka qabatay xukumadda uu hogaamiyo M/ Siilanyo soo daabacaday lacag kicisay sicir barar islamarkaana hoos u dhac ku keenta lacagta shilling ka ee somaliland. Sida aan la wadda socono iyadoo oo lacagta dalkeena ay ugu sarayso 500 ta boqol ee shilling ayay xukumadda talada haysaa soo daabacaday Noodhka 5000 iyo 1000 ka shilling iyada oo lacagtaasi meesha ka saartay gebi ahaanba lacagtii sirsirka ahayd ee dalka sida 100kii shilling iyo 50kii shilling, waxaanay horseeday sicir barar iyo qiimo dhac ku yimi lacagtii dalka.
Hadaba marka laga yimaado arimahaas sicir bararka iyo qiimo ridka lacagtii Somaliland. waxaa ku jirta sir musuqmaasaq oo ah in maamulkan boobka u soo shaqo tagay, uu kaga ururinayo dhaman lacagta adag ee sida Dollarka, Euro, dirhamka Iwm. Waxaa muuqata inaanay aqalkan madaxtooyadu aanay u naxay dadkan iyo wadankan tabaalaysan. Aqalkam madaxtoyada ee kooxdu isku xaayndaabtay aay mar kasta ku fikera inaay lacag helaan, mid aay dadka ku kala qayb – qaybiyaan iyo mid aay u raraanba dibadaha. Kuwan maanta ina maamulayaa waxaa hadal dhaxal gal ah ka sheegay maamulkii Riyaale oo la ogaa weedhii “Dal iyo Dad is Haysta baan kugu wareejiyay”. Waxaa jira hadalo siro ah oo dad badani ka shegeen mamulkan, waxaa ka mid ahaa, Waa in lacag la helo si lagu heloba – waayo lacagtaas baa ina gaadhsiinaysa haysashada kursiga ee 50 sanno ee soo socda, waa sida laga soo xigtee. Aqalkan looga taliyaa Somaliland wuxuu aaminsan yahay “in dadka reer Somaliland lacag ninka afka ugu gura baay yaqaniin, haddii aamina weris ama xirsi boqor noqonayo ma daneyaan, haday lacag helayaan. Sidaas waxaa laga haya inta mamulka ku xeeran oo ah xaaraan urursadayal, laaluush qaybiyaal iyo laaluush qaate ama ku shubasho.

Waxa weeye musuq iyo khiyaamo Qaran oo qayral caadiya oo lagu lunsanayo hanti tiro badan. Maaha mid keydka diiwaanka bankiga dhexe ku jirta, baarlamanku ka war hayo ama hayaddaha kale ee arintani khuseysoba, cid maanta haaysaa ma jirto lacagahaa numberadooda biloow ilaa dhamaad oo cadaayn u ah tirada la soo daabacday.Numbarka ka muuqdaa lacagta waa numbar aan ku jirin kaydka bangiga dhexe ee Somaliland oo hadhoow laga heli karo. Waxana jirta in wersheda laga soo daabacay lacagtan aay tahay mid qarsoon oo aan la ogayn, hadaba lacagahaasi kama duwana xaashiyo la soo dabacay oo musuqmaasaq aan xad lahayn ka muuqato oo aan bulshada somaliland ka war qabin haba yaraatee. Waana calaamadaha daahir yaa shamiskaa ee xukumaddan siilaanyo ku soo boob tagtay. Haddaba waxaan uga digayaa bulshada reer somaliland, waa in aqoon yahanadu arintan baadhaan, waa in wax garadku arintan ka kacaan oo xogteeda ogaadaan, waayo waa mida si fudud wadanka u burburin karta. Haddaynu tusaale u soo qaadano Siyaad Barre maalintii uu soo daabacday lacagihii 500 iyo 1000 shillin ahaa – waatii la ogaa oo wadankii somaaliya, maalintaas baa la is qashay oo sixir bararku cirka tegay. Bal hadaba maxaa garantiin ah oo aaynu ka haysanaa oo lagu aaminaa xukumaddan been badan ee soo xalufisay dhamaan hantidii ummaddan ka dhexaysay, una soo miciyo lisanaysa khayraadkii dalka iyo dekadaheeniiba si aay shaqsiyo u dhaxalsiiso.
Codkashacabkaa.com
Codhgkashacabkaa.blogspot.dk -  Hargeisa Office
Codkashacabkaa1@gmail.com

Waraaq wada jir aay uu saxeexan yihiin labada gudoomiye ee Ucid iyo Wadani oo aay u gudbiyeen Gudida Gollaha Guurtida.

Hargeis, Maj 5, 2015 - Csh - Waraaq wada jir aay uu saxeexan yihiin labada gudoomiye ee Ucid iyo Wadani aay u gudbiyay Gudida Gollaha Guurtida, fikirka aay ka qabaan mudo kordhin aay sameeyaan gollaha guurtidu,. Haddaba nuqul codkashacabkaa.com helay ayaa u dhignaa sidatan.









Monday, 4 May 2015

mudadii 4 Bilood Ah Ayaa Xeerka Doorashooyinku Aay Yaaleen Madaxtooyada Oo Aay Diidanayeen In Uu Soo Gaadho Golayaasha

Ku Madaxweynaha Somaliland

KU Golaha Wakiilada SomalilandKu Gulaha Guurtida SomalilandKu Golaha Salaadiinta SomalilandKu Ganacsatada iyo Dhamaan Aqoonyahanada SomalilandKu Dhamaan Culumada Reer SomalilandKu Bulshada Caalamka ee taageerta Shacabka Somaliland


Sida aynu ognahay waxa ay dhamaan 3 Xisbi, gudigii doorashooyinka, iyo Bulashadii caalamku isla afgarteen oo cayimeen waqtiga ay doorasho dalka ka qabsoomi karto oo ah 01 jun 2016, taasoo ay cadeeyeen in aanay suurtoobayn in doorasho qabsoonto waqtigii la filayey ee ahaa 26 Jun 2015 taasoo ay ku eeg tahay waqtigii la doortay Dawlada manta dalka ka arimisa.

Waxaynu ka wada dheregsanahay dhamaan hawlaha shaqo ee qaranka uu leeyahay hagidooda iyo agaasinkooda waxa loo doortay dawlada manta ka Talisa mudo xiliyeed dhan 5 sano oo kaga eeg 26.Jun 2016,
Hadaan lays dafirayn diyaarinta iyo qabashada doorashada waxa ay ka mid ahayd hawlihii qaranku u igmaday dawlada in ay qabato oo ay manta ku guuldareysatay in ay suurto geliso.
Waxaa marqaati ma doonto ah in ay dawladu Ciidan u adeegsatay in ay xeerka Codbixiyaasha ay ku darto 6 Bilood oo dheeraad ah oo ay yidhaahdeen doorashadu waxa ay dhacaysaa 6 bilood ka dib maalinta la soo saaro liiska codbixiyaasha, taasoo runtii yaab iyo afkalaqaad ku noqotay Bulshada Caalamka ee naga taageerta qabashada Doorashooyinka, hadana iyada oo 6 bilood laga ogolaaday ayaa Gudigii doorashooyinku cayimeen in ay doorashadu dhacdo 01 Jun 2016.
Waxaa kaloo la wada ogyahay mudadii 4 Bilood ahayd ee Xeerka Doorashooyinku ay yaaleen madaxtooyada oo la diidanaa in uu usoo gudbo golayaasha,

Waxaynu ognahay in madaxweynu uu yidhi mudo 7 casho halagu soo magcaabo Gudiga Doorashooyinka, isla markiiba 2 xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID waxa ay ku magcaabeen 2 xubnood mudadii 7 cisho ahayd ee madaxweynuhu codsaday , waxay dawlada ku qaadatay 2 bilood in ay soo magcaabaan xubnihii laga sugayey. Waxaa taa dheer markii liiska xubnaha cusub loo soo gudbiyey golaha wakiilada waxa uu shir gudoonka qaybtay fadhi aan caadi ahayn si loo ansaxiyo Gudiga doorashooyinka cusub , waxaa fadhigaa kasoo xaadiri waayey 50 xubnood oo xisbiga kulmiye , iyaga oo ka caga jiidaya in la ansixiyo gudiga cusub ee doorashooyinka.
Si kastaba dawladu hawga caga jiido qabashada doorashada , ugudanbeyn waxa ay gudigii cayimeen maalinta ay suurtoobi karto in doorasho dalka ka qabsoonto oo ah 1 Jun 2016 , taasoo ay u leeyihiin sharci in ay diyaariyaan , qabtaan oo mudeeyaana waqtiga doorashooyinka, hadaba iyada oo dawlada ka muuqato hawl gudasho la,aan baaxsan ayaa waxa ay u gudbisay Golaha guurtida codsi mudo kordhin.

Hadaba hadii golaha guurtigu ama gudiga uu magcaabay gudoomiyaha golaha Guurtiga Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ay diidaan maalintaa ay qabteen Gudiga Doorashooyinka , micnaheedu waxa weeye wax awood ama qiime uu leeyahay gudiga doorashooyinku ma jiraan, gudiga doorashooyinka iyo Doorashooyinka madaxa banana waxay ka mid yihiin guulaha Somaliland kaga duwan tahay Somalia, waxa ay doorashooyin qabanayeen illaa laga soo bilaabo 2002, weli ma dhicin in guurtidu ay ka maroorsato awooda mudeynta xiliga doorashooyinka.
Gunaanad

Ugu danbeyn Xisbiga Waddani marnaba yeeli mayo Mudo kordhin aan laysla qaadan oo aan qaranku kawada tashan , waxaan kaloo guurtida uga digaynaa in ay Qaranka Somaliland oo nabadgelyo kusoo caano maalay ay geliyaan qalqal siyaasadeed oo dhaxalsiiyaan xasilooni daro dhaawacaana nabadgelyada ay ku wada nool yihiin Shacabka Somaliland ee is jecel , wixii dhib ka yimaadana waxa ka masuul ah Guurtida oo uu dhaliisheeda 1aad dusha ku qaadanayo Gudoomiye Saleebaan Maxamud Adan. Xisbigu waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashaadaan dalkooda iyo dadkooda nabadna ku wada noolaadaan.
Wabillahi tawfiiq
Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani
Mudane Maxamuud Raage Ibrahim Dhegjar