Hargeisa, Apr29, 2015 – Csh – Waxaynu la soconay maalintii Saleban ku soo guryo noqday Somaliland iyo jawaabtiisii ahayd adeer waa la kordhinayaa, waxaynu kale oo la soconay kulan qarsoodi ahaa oo Saleebaan iyo Siilanyo ahaa oo aay qasriga madaxtooyada aay ku yeesheen, halkaasoo xogogaal badani tilmaameen in aay yeesheen balamo adag iyo balan qaado waaweyn oo labada garab ka dhexeeya. Hadaba waxaa la weedhaaminayaa muddo kordhin suuqa aay ku kala iibsadeen kooxda xagjirka ah ee madaxtooyada ka hawl gala iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.
Wararka laga helaayo ilo ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Codkashacabkaa.com usheegay in uu Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal uu gudi u saaray muddo kordhin aan ilaa hada la aqoonin mawaaqifteeda, sidoo kalena waxa aay wararka intaa ku darayaan In Gudoomiye Saleebaan loo soo xambaariyay feker siyaasadeed oo uu ka qaayb yahay ka midho dhalinteeda. Sidaa awgeed looguna balan qaaday adduunkii uu ku kala furfuri lahaa diidmooyinka xooga leh ee kaga imanaya garabyada, kuwaas oo u saamaxa in uu hore ugu kufiyo muddo kordhin aan loo baahnayn oo ka badan xiliga aay Komishanka Doorashooyinka Somaliland cayimeen ee ku aaddan 26 June ee sanadka 2016 ka taasina aay keeni karto buuq iyo qas inay dalka geliso. Sidoo kale waxa reer Somaliland aad u hadal hayaan “miisaankii Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo la miisaan noqday gaadhi 120000$ oo shalay saxaafaddu soo sawirtay oo dawladdu siisay laba cisho ka hor uun.
Si Kastaba ha ahaatee waxaa maanta labada xisbi mucaarad u gudbiyeen gudoomiye Saleebaan codsi u dhignaa sidan :-
“Waxaan qarsoonayn in xukuumadu si cad u raadinayso korodhsiimo xileed laba sano ah iyada oo soo jeedintii komishanka ee qabsoomida doorashinka loo cayimay 1/june/2016, waqtigaas oo xilka xukuumada kordhin doona muddo sanad ah, anaga oo ka duulayna jadwalka komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu soo jeedinaynaa.
1-In aanay qaranka iyo shacbiga reer Soomaliland aanay qaadi Karin diyaarna u ahayn wakhti kale oo lagu darro jadwalka doorashooyinka loo cayimay
2-In haddii talaabadaa gurracan la qaado ay ina galinayso go’doon caalami ah
3- In ay gudaha soomaaliland-na ku keeni karto furfur iyo qaybsanaan siyaasi ah
4-In cadawga soomaaliland faaidaysan doono tafaraaruqa iyo tala xumidda timaada
5-Waxaa haboon in aynu qaadano talada iyo ergeda caalamiga ee ku salaysan ajiibada jadwalka doorashada
6-Haddii aanu nahay asxaabta mucaaradka ah waxaanu caddaynaynaa in aanu aqbalnay jadwalka iyo soo jeedintii koomishan doorashooyinka qaran, sidoo kalena aanaan marnaba aqbali doonin muddo kordhin ka baxsan jadwalka gudida doorashooyinka
7-Waxaanu shirgudoonka golaha iyo gole waynahaba ka codsanayanaa inay dhawraan wada jirka iyo iskuduubnida shacabka reer Soomaliland oo ay taageeraan go’aanka komishanka ee saddexda xisbi qaran isku raaceen.
Ilaahay dariiqa san ha idin waafajiyo, allahayow laba talaba tii roon
Wa Bilaahi Towfiiq
Xisbiga UCID / Xisbiga WADDANI. “
Haddaba waxaa jiray siyaasiyiin reer Somaliland ah oo u meeraysanayay dibadda si aan bulshada caalamku albaabada uga xidhan haddii xukuumadani mudo kordhis samaysato, waxaaynu xusi karaa Faysal Cali Warabe oo dawladdu ka bixisay dhamaan tigidhadii uu ku gaalabixinayay dalalka adduunka iyo shir jaraa’idaddii dhamaan Tv Somalida uu ka jeedinayay oo kuligood hal ujeedo xanbaarsanaa oo ah in doorashadu aanay qabsoomayn wakhtigeedii uuna ka masuul yahay Abdirahman Cirro, waa siduu hadalka u dhigayay Faysal A Warabe. Dhamaan Kulamadiisaasi bulshada caalamka ee u ololaynta xukuumadda Siilanyo waxaay keentay weji gabax iyo war laqabaa xiiso ma laha, taas oo Faysal ku keentay walaac siyaasadeed iyo rajo xumo, fariintiisii ugu danbeeysayna waxaay ahayd- “waxaa inagu soo kordhay dad leh na doorta oo somalia inagu wada”, taas oo weli daba socota u qaadan waaga horumarka Gudoomiye Cirro oo uu rabo inuu dacaayado uga dhigo arrimaha iyo kuwo kale oo badanba, markii uu caalamka ku soo fashilmay, taas oo bulshadu rajeeynayaan in dacaayadihiisaas raqiiska ahina iska fashilmayaan, waayo Faysal waxaa inooga filan cadaaymihii u adeegiddii Gaani ee uu wanjalay wiilashii “UFFO”. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada baa meelo badan socdaalo ku gaalabixinayo iyaguna ma dhalaays ah, kaas oo meel walba kala kulmay eedaymo fara badan oo loo hayo dawladan Siilanyo aayna ka mid yihiin ku tumashada xuquuqda iinsaanka, dadkii aay dawladdu qisaastay mudadii ugu danbeeysay oo dhamaan reer galbeedku cambaareeyeen.
Maxamed Biixi yoonis oo aqoonyahan reer Somaliland ahi kula kulmay hotel lagu tunto ee ugu qaalisan maraykanka kuna yaala magaalada Laas-vegas – USA, isaga oo aay wada socdaan gabadh cadaana oo aay saaxiib yihiin oo lagu magacaabo Judy Wilson oo u shaqaysa UN ayaa waxa uu u muuqday mid ku dawakhay siyaasadda somalida iyo guurka naagaha Somaliyeedba, dabeedna halkaa nasasho tumasha ah u yimi.
Hadaba guntii iyo gabagabadii haday run noqdaan arrimahaas la xidhiidha muda kordhinta gollaha guurtida ayaa waxay meesha ka saaraysaa rajadii ugu danbeeysay ee shacabku ka qabeen gollaha guurtida iyo jiritaanka Somalilandba, sidoo kalena waxay dedejinaysaa burbur Somaliland kaga yimaada guddaha iyo beesha caalamkaba.
By Shaakir Ahmed Warsame
Jamali555jamali555@gmail.com
Ohai, USA
No comments:
Post a Comment