Sunday, 10 May 2015

Hal Askari Oo Ku Dhaawacmay Weerar Ay Ku Qaadeen Kooxda Suldaan Waber Ciidanka Booliska iyo Dhaawaciisa Oo La Keenay Cisbitaalka Guud Ee Borama.

Boorama 10 may 2015 - Csh - Wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Awdal ee Borama, ayaa sheegay in mardhoway la keenay cisbitaalka guud ee magaaladdaas nin ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo dhaawac ka soo gaadhay weerar ay ku soo qaadeen kooxda uu hogaamiyo Suldaan Waber.

Sida uu cadeeyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md Maxamuud Saleebaan Cali Hayste [Ramaax], ayaa sheegay inuu askari uu dhaawacmay mar uu saarnaa gaadhi ciidanka boolisku leeyihiin, kaasoo maray meel qiyaas ahaan 20KM dhinaca galbeed ka xigta xarunta gobolka Awdal ee Borama.

Guddoomiye Hayste, waxa uu intaas ku daray inay ciidanka qaranku ku daba jiraan kooxdii weerarka ku soo qaaday gaadhiga ciidanka boolisku wateen. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cisbitaalka guud ee magaaladda Borama Mr Ismaaciil Sheekh Maxamuud Aaye, ayaa isna dhankiisa xaqiijiyey dhaawaca soo gaadhay askarigan inuu soo gaadhay cisbitaalkiisa, isla markaana lagu dawaynayo dhaawaca soo gaadhay. 

Xigasho: Qumannews
Nagala Soo Xidhiidh:
Codkashacabkaa1@gmail.com
Codkashacabkaa - Hargiesa : Kala Soco Warar Xaqiiqa 


Follow us Twitter, Facebook, Livejournal, Youtube / Voice Tv and Google+ 

“Dhamaan Shacbiga Somaliland, Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee kala jooga daafaha aduunyada, waxaanu u sheegaynaa in Go’aanka Xisbiga Waddani yahay in Isniinta Bari ah Mudaharaad Salmi ahi la Sameeyo"Xisbiga WADDANI

Hargeysa, May-10-2015- Csh - Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xaruntiisa Hargeysa, ayaa ku baaqay Mudaharaado nabadgalyo oo ka dhaca guud ahaan Somaliland. Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeedaa in Golaha guurtida Somaliland kordhiso wakhti ka badan xilligii Komishanka doorashada Somaliland u asteeyeen doorashada ee ahaa 1-da June 2016-ka.

Kuxigeenka Gudoomiyaha Waddani, Axmed Muumin Seed, ayaa ku baaqay Mudaharaad Salmi ah oo Bulshada Somaliland, gaar ahaana tageerayasha Waddani ku diidaan Muddo kordhin dheeraad ah oo lagaga horjeedo Guurtida oo baqdin xooggan laga qabo inay Xukumadda u kordhiso Laba Sannadood ama wakhti ku dhaw.
“Dhamaan Shacbiga Somaliland, Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee kala jooga daafaha aduunyada, waxaanu u sheegaynaa in Go’aanka Xisbiga Waddani yahay in Isniinta Bari ah Mudaharaad Salmi ahi uu ka dhici doono Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland iyo Caasimada Hargeysa. Mudaharaadkaas oo aanu ku cabbirayno dareenka Xisbiga Waddani ku diidan yahay in Wakhti Dheeraad ah lagu daro Xilligii lagu heshiiyay ee Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ahaa 1-da June 2016-ka” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Go’aanka Xisbiga Waddani, ayaa imanaya Maalin uun kadib markii Xisbiga Ucid iyo Kulmiye Saxeexeen Warqad jidaynaysa wakhti cusub oo muddo kordhineed loona jeediyay Guurtidu wakhtigay kordhinayso ka dhigto Hal sanno iyo 5 bilood, balse arrintaas Xisbiga Waddani ayaa ka biyo diiday islamarkaana Saxeexi waayay.
Gudoomiye xigeenka Waddani, Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in Shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada iyo Xubno kooban oo Guurtida ka tirsani ku hawlan yihiin sidii ay bulshada uga leexin lahaayeen wakhtiga Komishanka doorashada, Axsaabta, Shacbiga iyo Bulshada Caalamku ku midaysan yihiin ee ah in doorashada la qabto 1-da June 2016-ka.
“Waxaanu golaha guurtida inta Maskaxdoodu Caafimaad qabto ugu baaqaynaa, Waxaanu Xukumadda ugu baaqaynaa inta Caafimaad qabta, waxaanu Shacbiga Somaliland inta doonaysa in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, inaanu bari dalka Somaliland oo dhan ka dhigi doono Mudaharaad Salmi ah.
Waxaanu faraynaa labada Janan, Ka Booliska iyo ka Militariga ba inay masuul ka yihiin ilaalinta nabadgalyada dadka isku soo baxaya, taas oo Shacbiga Somaliland ee Ogol geedi socodka Doorashadu uu soo bixi doono. Mudaharaadkaasi noqon maayo kii Taayirada la gubayay, aanu ahayn kii wax la gubayay ee aanu si Nabadgalyo ah u mari doono Dariiqyada oo aanu cabbiri doono sidaanu u diida nahay in doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabku inay si amaan ah u soo baxaan, taliyaha Booliska iyo Ciidanku waxay Ciidan ku yihiin shacabka waxaan leeyahay yaanay xabbadi ku dhicin Shacabka ee dhawra nabaddooda. Waxaynu Somaliland baraynaa in iyadoo aan dagaalna dhicin, xabbadna dhicin dariiqyada aynu si salmi ah ku maro, dadkuna boodhadhkooda wataan” ayuu yidhi Mr Axmed Muumin Seed.

Nagala Soo Xidhiidh:
Codkashacabkaa1@gmail.com
Codkashacabkaa - Hargiesa : Kala Soco Warar Xaqiiqa 
Follow us Twitter, Facebook, Livejournal, Youtube / Voice Tv and Google+ 

Xildhibaan Tukaale Oo Si Adag U Dhaliilay Siyaasadda Daakhiliga Iyo Khaarajiga Ee Xukuumadda

Hargeysa, 10 May 2015 - Csh -Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xaalada guud ee uu maanta dalku maraayo, waxaana uu sheegay in mudadii  ay talada dalka haysay xukuumada Siilaanyo uu ku yimi dib u dhac aad u wayn, sida oo kalena xukuumadihii tan ka horeeyey ay midaysnaayeen guud ahaanba umadda reer Somaliland balse maanta uu sheegay in loo kala fadhiyo qabaa’ilo, waxaa uu sida oo kale xukuumada Siilaanyo uu ku eedeeyey in ay ku boobka hantida umadda iyo in ay kor u soo qaaday qabyaalada oo guud ahaanba ayaa uu yidhi dadka iyo dalkaba saamaysay.

Xildhibaan Bashiir Tukaale, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin xukuumada Siilaanyo iyo tii Riyaale ay tahay xaga maamulka, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo aanay maamulka xukuumadiisu gacanta ugu jirin, waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo oo hore waagii uu mucaaradka ahaa iyo wakhtiyo ka danbeeyey oo uu khubado ka jeedinayey baarlamaanka si aada uga qaylin jiray in muddo kordhinta hadana maanta ay xukuumadiisu u olalaynayso sidii muddo kordhin loogu samayn lahaa.
"Xaalada uu dalku maraayo maanta runtii Illaahay ayuu leeyahay, se xaalado sidan ka soo adagba waa uu soo maray, se waxaan kuu sheegayaa in xaalada dalka ee maanta ay aad u cakiran tahay. Waxa weeye maamulkii kan ka horeeyey madaxweyne ayaa dalka maamulaayey, madaxweynaha ayaana go'aanka qaadan jiray sax iyo khaladba isaga ayaa iska lahaa, laakiin tani waxaa ay kaga duwan tahay dad badan ayaa taladii la yeeshay madaxweyne Siilaanyo oo rag iyo dumarba leh, markaa xaaladu xaalad madaxweyne ka taliyo dalku umma eeka, madaxweynaha waa tii aad maqli jirteen oo uu odhan jiray maalin la' iigu dari maayo ama lay kordhin maayo, waxaa aynu hore u ogayn barigii madaxweyne Riyaale qayladii madaxweynaha ka bixi jirtay, marka waxaan u malaynayaa madaxweynahu dee sidii uu u qaylinaayey waa uu ogaa, waxii uu halkan ka yidhina waa uu ogaa, markaa dee maanta ma garanaayo sababta in loo kordhiyaa ay ula macaanaatay oo kordhin lagu dagaalamo maanta dee waa xaalad la' la yaabo weeyaan, ninkii waxaa ku hadli jiray maahaane dee cid kale oo meesha joogta ayaa kordhisanaysa.".Ayuu yidhi Xill.Bashiir Tukaale.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Waxa kale oo jirta wakhtigii Riyaale umaddu waa ay midaysnayd siyaasad kasta ha soo marto, nooc kasta ha soo marto xiligii Riyaale, laakiin umaddu waa ay midaysnayd oo Somaliland-nimadu waa ay midaysnayd maanta se Somaliland qabyaalad ayaa loo kala fadhiyaa oo waxaad moodaa in xiliyadii ugu adkaa ee dalka la soo galay oo kale ee Sagaashanadii in maanta ay xaaladu la mid tahay. Markaa runtii waxa la yidhaahda Somaliland maalinta ay ugu daran tahay ayey ugu fiican tahay, Illaahay ha innooga dhigo ayaan leenahay, laakiin maanta haddii aan taas ka baxno caqabad kale oo inna hor iman doonta in aanay jiri doonin ayaan u malaynayaa.".
Xildhibaan Bashiir Tukaale, waxaa uu sida oo kale ka hadlay siyaasada arrimaha dibadda iyo heerka ay maanta marayso, waxaana uu aad u saluugay hanaanka ay muddooyinkii danbe ku socotay siyaasada arrimaha dibadda, isaga oo sheegay in halkii muddooyinkii hore ay maraysay siyaasada arrimaha dibaddu ay hoos uga soo dhacday isaga oo ku sabeeyey in xukuumada Siilaanyo ay ku jiraan rag badan oo aan ahayn siyaasiyiin u carbisan sidii ay bulshada caalamka uga iibin lahaayen qarankan curdinka ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland aanay illaa hada haysan cid wakiil ka ah oo indhaha bulshada caalamka ku soo jeedisa Somaliland.
"Siyaasad arrimaha dibadda qudheeda dib u dhac aad u weyn ayaa ka muuqda oo halkii aynu hore u taagnayn boqolkiiba 40 ama boqolkiiba 50 hoos ayeynu uga soo dhacnay ayaan odhan karaa, sababta oo ah horta dalkeena waxaad mooda in ay joogaan oo ay ka taliyaan dad aan siyaasiyiin ahayn, oo waa dad iska ah uun shaqaale oo aan siyaasiyiin ahayn, xattaa madaxweynaheenu siyaasi muu ahayn oo shaqaale ayaa uu ahaa, shaqaale wanaagsan oo shaqadiisa ka adag ayaa uu ahaa, laakiin siyaasi muu ahayn, marka qaran ama cid ay doonayso ictiraaf, waxa weeyaan dunida waa in aad ku dhex yeelataa cid mas'uul kaa noqota oo xuquuqdaada u dooda, dawlad ama laba inta ay doontaba ha ahaatee oo bulshada caalamka mar walba arrinkaaga soo dhex dhigta waayo cid kaa wakiil ah marka aad yeelato waxa ay soo dhigaan cid ku raacda waayi maysid, ama lama waayeen.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.
Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ugu danbeyntii hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Wakiil la'aan ayaa halkaas inna dhigtay oo inta diyaarad la fuulo ayuunba meelaha la gab gab odhanayaa, adeer waxa weeye waxaasi ma shaqaynayaan, arrintaana waxaan innoogu dhawaa oo xiligiisii uu abuuray Alleh ha u naxariistee Marxuun Maxamed X.Ibraahim Cigaal, oo ahayd dawlada South Afrika, oo mar innaga wakiil noqoto ugu dhawayd, tiina markii maamulkii Riyaale yimi waa ay sii joog joogeen, tan dabe ee Siilaanyana waa tii ay ninkii halkaas joogay mushaharkii yara ay kaba jareen, markaa wakiil la'aan ayaa aduunka innaga haysa, xukuumadani waxaa ay kale oo dheer tahay hantidii umadda oo la boobayo, qaraabo kiilka, qabyaalada iyo waxyaabo runtii aad u yaqyaqsi ah oo ay tahay in laga xishoodo oo aan dalkan iyo dadkan toona dhaqi doonin ayaa runtii ay la soo baxeen. Marka cudurka maamulkani uu dalka iyo dadkaba ku beeray sida uu innooga bixi doono ayaaba wakhti innagu qaadanaysa, haddii uu maamulkani innaga tago, haddii uu sii joogana Alleh ha innoo sahlo xaaladeena.".Ayuu yidhi Md.Tukaale.
Xigasho: Geeska 

Abdirahman Cirro oo ka gacan taagtay shirqoolkii Muse Biixi iyo Faysal

Faysal Cali Warabe Oo Qiiq Isku qarinya Iyo Isagoo Xisbigiisa Ka Danaystay.

Damaashaad ila Cayaar Ee Saleban Xuquuq Xafladdii San francisco - USA

USA - 9 maj 2015 - Csh - Suleiman Ismail Bolaleh - "Salebaan Xuquuq", oo markii la gudoonsiiyay shahaado sharaf aay ugu ololaaysay inaadeertiis Raaqiya Omaar oo aay isku qabiil hoosaad yihiin ee Beesha Sacad Muse, ayaa isaga oo kala batay wuxuu cabay Qamriga loo yaqaano "White Wine" oo uusan hore u cabi jirin, taas oo sababtay in uu is kaantarooli kari waayo. Tan kale gabadhan cadaanka ah oo uu ka diyaarinayo sanbaatiyo ee uu la cabayo ayaa iyadu ku faraxsan dhaqanka saleeban xuquuq ee aan qaloodka lahayn. Ninkani waa nin muslin ah oo xaas iyo 5 caruur ah leh, kagana yimi Hargeysa ayaa shir uu   Suleiman Ismail Bolaleh kaga soo qayb galay "San francisco - USA"u muuqday mid fasaqmay. 



Suleiman Ismail Bolaleh wuxuu isku sheegaa nin u dhaqdhaqaaqa dadka dulman, balse waa nin waraaqo qarsoodi ah marar badan dira oo u dhaqdhaqaaqa kolba ninka uu is leeyahay lacag baad ka helaysaa, waxaad xusuusataan arrintii Yusuf Cabdi Gaboobe ee uu xukuumada taageeray, markii aay Samsam - Wasiirka maaliya iyo Hussien Dualle - wasiirka macdantu soo siiyeen laaluush uu caay ula dhaqaaqay, waxaynu kale oo ogaayn in siciid cilmi rooble uu maaalma dhaweeyd uu caay ula kala baxay isagoo taageeraya dawladda Siilaanyo oo lacag iyo dhul aad u balaadhanba siisay, hadana dawlada ayaa ka qaayb qaadatay sidii uu banaanka u tegi lahaa oo uu ugu ololeeyn lahaa magac u soo celinta.


Suleiman Ismail Bolaleh wuxuu caay ula kala baxay gudoomiye cirro oo uu ku tilmaamay "naag", hadaba xuquuqda uu u ololeeynayo maxaay tahay marka uu ku xad gudbayo shaqwsi xuquuqdii ee uu caayayo ama waraaqo qarsoon oo uu ku weerarayo caaalamka u dirayo, ma noqon karaa mid ka dhexdhexaad noqon kara dhaqaaqa bini'aadanimo ee uu sheeganayo..?Mayaa..! Miyuusan ku xad gudbin shaqsiyaaadka uu caayayo ee uu naagaha ku sheegay ama waa rabshoolayaal uu ku sheegayo, isaga oo aan wax cadaayna ku haayn..? Haa..! Ma leeyahay xafiis lagu qiimeeyo..? Mayaa..! Miyuusan denbiile ahaayn inuu dad waraaqo qarsoon u diro hayadaha caalamiga ah isaga oo lagu laaluushay, balse hayadaha caalamku aanay waxba ka ogaayn..? Waa danbiile..! Waana in la diinwaan gelyaa oo lagu dacweeyaa, loona sheegaa bulshada caalamka ee wax uu u qoro. Hoostan waxaan idiinku soo gudbinaynaa sawir markhaatiya oo cadeeynaya dadkii uu caayay cadeeynteedii oo aan Facebook ka qaadnay, waxaan diiwaan gelinay dhamaan waxyaabaha uu ka qoray masuuliyiin badan ee caayda ah.


Ma u qalmaa in lagu abaal mariyo shahaado sharaf, isaga oo maalin walba sidan dadka u caayaya..? Waa mayaa..? Waa kan kulankii lagu gudoonsiiyay shahaadada.. http://cja.org/article.php?id=1501
Sababta keliya waxa weeye dadkeena oo aan waxba ogayn, haddii aay caalamka u soo bandhigi lahaayeen waxa uu sameeynayo wiilka saleban xuquuq iyo tacadiga beenta ah ee uu u geeysanayo dadka ka siyaasad duwan ama ka fikirka duwan ama ka qabiilka duwan, tan kale waa shaqsi aad u neceb qabiilada kale ee aan qabiilkiisa ahayn, waxaa lagu eedaayn karaa cunsuriyad xag jir ah, taas oo uu lana dhextegay bulshada caalamka.

Wixii macluumaad ah nagala soo xidhiidha cinwaanada hoos ku qoran:
Codkashacabkaa.com - Hargeisa
Follow Us Facebook, Twitter, Youtube / voice tv and  Google+ 
Codkashacabkaa1@gmail.com

Saturday, 9 May 2015

Nigerian industrialist and 'Africa's richest man', Aliko Dangote, has expressed his wishes to one day buy UK football giant, Arsenal FC, and change its fortunes

“I still hope, one day at the right price, that I will buy the team. I might buy it, not at a ridiculous price but a price that the owners won’t want to resist. I know my strategy.”, said 58 year-old Aliko Dangote while talking to Bloomberg.
Dangote, an Arsenal fan worth $15.7 billion, remains unperturbed by his 2010 rejection from the club’s owners. But he says he is too busy to launch a bid now as he wants to take his “own business to a certain level” before making another offer.
He admits that Arsene Wenger, the club’s manager, has done well for the club financially but says that his style needs to change as the club needs a new direction.
If he would succeed, he would become the latest billionaire to make a foray into the English Premiership Leage but the first African tycoon to do so. Chelsea FC is owned by Russian billionaire Roman Abramovich and UAE mogul and deputy prime minister Sheikh Mansour bin Zayed al Nahyan controls Manchester FC.
Dangote’s estimated net worth is more than both owners of the club, Stan Kroenke ($5.6 billion) and Alisher Usmanov ($14.7 billion).
Source: Bloomberg

Xisbiga WADDANI oo ku gacan saydhey shirqool muddo kordhineed

Xisbiga WADDANI oo ku gacan saydhey shirqool muddo kordhineed iyo Faysal Cali Waraabe oo saxeexay, halkan ka eeg warqad laga been abuuray Xisbiga WADDANI iyo saxeexii Guddoomiye ‪#‎Cirro‬ oo ka maqan., bal beenta iyo malmaluuqa intaa le'eg eega


Friday, 8 May 2015

Siilanyo oo madaxweyne Daahir Riyaale ku eedaynaya "iibinta dekedda Berb...

Ururka Suxufiyinta Bartamaha iyo Bariga Somaliland Ee SECJA Oo Shirwaynahi Labaad Uga Furmay Magalada Berbera iyo Weedhihi Laga Jeediyay +Sawir

Berbera, 8 maj 2015 - Csh - Waxa maanta ka furmay Hotel maansoor ee magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil shirwaynihii labaad ee ay yeeshaan ururka saxafiyiinta gobolada bariga iyo badhtamaha Somaliland ee SECJA .shirwaynaha oo ahaa mid ay saxafiyiintani kaga tashanayee ayaahadooda kuna ansixinayeen xeer hoosaadkooda uu si rasimaya ugu shaqayn doono ururkani Saxafiyiinta Gobalada Bariga iyo badhtamaha Somaliland "SECJA". Sidoo kalena Shirwaynahani ayaa ahaa mid kulmiyey wariyayaasha kala duwan ee ka hawlgala Gobolada Saaxil, Togdheer , Daadmadheedh, Saraar, Sool iyo waliba Saxafiyiin ka socotay Gobolka Maroodi-Jeex oo iyagu marti sharaf ku ahaa laguna soo casuumay Shirwaynahani.


Waxaana ka soo qayb galay shirwaynahani ay yeesheen saxafiyiintani iskaga kala yimi gobolada dalka Qaar kamida Xildhibaanada Gollaha deegaanka degmada Berbera, Masuuliyiinta kala duwan ee Axsaabta Mucaaradka iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


Waxaana ugu horaynba Shirwaynahani Ka hadlay Axmed Siciid Maxamed kana warbixiyay Ujeedada Shirwaynaha isagoona ku dheeraaday Muhiimada ay shirwaynahani u qabteen iyo waliba ajandaha loo aasaasay ururkani Saxafiyiinta Gobollada Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland "SECJA" Waxaana kamida ahaa Hadaladiisi SIda tani.
“Sidaan ogsoonahayba Waxaa maanta hotel Maansoor inooga Furmay Shirwaynihii ururka saxafiyiinta Gobolada Bariga iyo Badhtamaha Somaliland ee SECJA Waxaanan manta u balansanayn inan soo bandhigno xeerka iyo Nidaamka uu ku shaqayn doono ururkani Waxaana inagala soo qayb galay Shirawaynahenii madaxdii Xisbiyada Qaranka, Saxafiyiin ka timid Magaalada Hargeysa sidoo kalena waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo inagala soo qayb galay Xildhibaanadii golaha deegaanka degmada Berbera, markaan u daadago ujeedka Ururkan loo aasaasay ayaa ah, markaan aragnay baahiyo badan oo ku xayd daaban wariyayaasha Gobolada Bariga Somaliland waxaan go’aan ku gaadhnay anagoo isla rogroganay oo u soo bandhignay dhamaan wariyayaasha goboladan Inaan aasaasno ururkan Saxafiyiinta Gobolada Bariga Iyo badhtamaha Somaliland ee "SECJA” sidaas waxa yidhi Axmed SIciid maxamed.
Geesta kalena wax iyana hadalada iskaga daba maraya Qaar kamida Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Berbera Madaxda Axsaabta Mucaaradka ah iyo waliba marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay shirwaynaha iyagoona dhamaantood si isku wada mid uga dhawaajiyay inay soo dhawaynayaan ururka "SECJA" sidoo kalena waxay ka mahad celiyeen sida fiican ee ay ugu soo casuumeen urukani waxaan kamid ahaa hadaladoodii sida tan.
“marka hore waxaan aad idiinka mahadnaqaynaa sida fiican ee aad noogu soo casuunteen shirwaynahani ay yeesheen ururka saxafiyiinta gobolada bariga iyo badhtamaha Somaliland SECJA, Runtii Saxaafadu ama Saxafigu waa magac qaaliya isla markaana halbawle u ah Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waxanan aad idiinku taageersanahay idiinkuna hambalyaynaynaa Shirwaynihiinan aad maanta ku qabsateen magaalada Berbera. Waxa weeye saxafadu waxay ka qayb qaadataa Harumarinta dhinac waxbarshada, caafimaadka, deegaanka, ciyaaraha, Siyaasida waxaan idinku adkaynayna intaba inaad horumarkeeda ka qayb qaadataan”
Gabagabadina waxa shirkaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SECJA Mudane Yaasin jaamac ku xigeenkiisa Axmed Muuse Maxamed "Sakaaro" iyo xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Gobolada Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland Ee SECJA Mudane Cabdiraxmaan Cali Ducaale waxaanay dhaamaantood si isku wada mida uga hadleen ujeedka rasmiga ah ee loo asaasay ururka "SECJA" iyo waliba hiigsiga ay hiigsanayaan Inuu gaadho ururkani "SECJA" waxaanay yidhaahdeen Sida tan.
 “Waad ogtihiin maanta halka ay marayso saxaafadii dalka waxaanay ku jirtaa xaalad ka duwan xaaladihii hore oo qofba gaarkiisa loo fiirsanayo ujeedka kowaad ee aan u asaasnayna waxa weeye inaan maanta soo celino sumcadi iyo himiladii ay lahayd saxaafada Somaliland, waxaana asaasnay ururkan markaan aragnay baahiyo badan oo ka jira gobolada bariga Somaliland oo cidina aaanay ogayn sidoo kalena waxaan u asaasnay inuu ururkani horumariyo, ilaaliyo, kobciyo, daryeelo mihnada saxaafada Somaliland” ayay yidhaahdeen.

Si kastaba ha haatee shirwaynaha ay qabsadeen ururka saxafiyiinta gobolada Bariga iyo badhtamaha Somaliland ee SECJA ayaa sida la ogyahay socon doona mudo laba cisho ah isagoona soo gabagaboobi doona maalinta bari ah hadii alle idmo Isla Markaana bulshadu u dhagtaagayaan waxyabaha rasmiga ah ka soo baxi doona Shirwaynahani.





Hoos ka daawo hadaladdii halkaas laga yidhi:
https://www.youtube.com/watch?v=Mhsx4dWVM2s

Codkashacabkaa.com / voice Tv, Somaliland
Source: manderanews