Thursday, 30 April 2015
Wednesday, 29 April 2015
Kulmiye iyo madaxtooyadana waxaan leeyahay rafadku yaanuu idinka xumaanin”.
“ Wanjalkan waxa sameeyay hogaanka sare ee Kulmiye iyo madaxtooyadda kamana duwana wanjalaadaa hore.”
“ waxa nasiib darro kale ah in la xajiimeeyo dawladaha jaarka sida Jabuuti.”
“Kulmiye iyo madaxtooyadana waxaan leeyahay rafadku yaanuu idinka xumaanin”.
Hargeysa(Ogaal) Warar Wargeyska Ogaal uu ka helay xubno looga qaateen ah oo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada gudaha qasriga Madaxtooyada, ayaa tibaaxay in Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadu ku hawlan yihiin abaabulka dibad bax oo lagu barbaraynayo soo dhawayn taageerayaasha xisbiga waddani la sheegay inay ku soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka soo laabanaya safar dalka Turkiga uu ugu maqnaa.
Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan soo dhawaynta gudoomiyaha xisbigooda oo ka soo laabanaya safar uu maalmo ugu maqnaa dalka Turkiga, isla markaana waxay wararku sheegeen in soo dhawaynta gudoomiyaha golaha wakiiladu jawaab u tahay dacaayaad siyaasdeed oo dhan ka ah gudoomiyaha oo ka yimi dhinaca madaxtooyada “ waxaas oo dhami waa dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn. Waxa nasiib darro ah in telefishinkii iyo warbaahintii umadda ka dhaxaysay ay duullaan been abuur ah ku qaadaan gudoomiyaha golaha wakiiladda, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga waddani. Waa nasiib darro qaranka ku dhacday. Xukuumaddu waxay tamar iyo tiqo ay ku sii negaato ka dayaysaa, in gudoomiye Cirro la xajiimeeyo, taasina waxba u tari mayso. Waxayse illowsan yihiin inay wax is yeelleen, qarankana wax yeeleen. Tana kama duwana tii xilligii Rayaale lagu sameeyay madaxweyne Siilaanyo ee Kayse yidhi; Axmed Siilaanyo dalka ma soo geli karo. Tan maantana waxa sameeyay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyadda kamana duwana wanjalaadaa hore.” sidaa waxa yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi(xamarje) oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga waddani oo wargeyska Ogaal khadka telefoonka wax kaga waydiiyay arrinkaa. Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “ waxa nasiib darro kale ah in la xajiimeeyo dawladaha jaarka sida Jabuuti. Jabuuti markay waday dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya may qarsan oo waa tii la wada ogaa doorkeeda, markaa in maanta la xajiimeeyo xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeeya oo lagu gefo wasiirka arrimaha dibada dalkaa, maaha mid qabata, anagaana xaal ka siinayna. Kulmiye iyo madaxtooyadana waxaan leeyahay rafadku yaanuu idinka xumaanin”.
Xamarje mar Ogaal wax ka waydiiyay soo laabashada gudoomiyaha xisbigooda iyo soo dhawayn la sheegay in loo samaynayo wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Gudoomiye Cirro wuu imanayaa, si wayna waa loo soo dhawaynayaa”.
Dhinaca kale Warbaahinta dawladda ayaa maalmihii u dambeeyay faafinaysay warar sheegayay in Gudoomiye Cirro la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuutina uu sadexaynayay labadooda, isla markaana waxay warbaahinta dawladu baahisay warqad leh astaanta golaha wakiiladda oo loo dhigay inuu u diray dawladda Finland. Wararkaa isku xidhnaa waxa kale oo ay warbaahinta dawladdu raacisay barnaamijyo kaambayn ah oo dhamaantood duulimaad ku ahaa shakhsiyada gudoomiyaha golaha wakiiladda, balse macna ahaan aan la miisaamin inay Cirro wax yeelayaan iyo inay qaranka iyo qaddiyada wax u dhimayaan, isla markaana waxa si wayn u beeniyay gudoomiye Cirro, xoghayaha golaha wakiiladda iyo xisbiga waddani oo ku tilmaamay wanjal iyo been abuur aan runta raad ku lahayn. Wararkaasi waxa kale oo ay tusmaynayeen magaca dawladda Jabuuti oo ay ku lamaanaynayeen gudoomiye Cirro, taasoo dhalisay su,aal la xidhiidha waxa iska bedelay xidhiidhkii labada xukuumadood.
Intaas ka sokow warar laga soo xigtay illo ku dhawdhaw madaxtooyada ayaa tibaaxay, inuu jiro dhaqdhaqaaq dulucdiisu tahay in lagu mudaharaado gudoomiye Cirro, isla markaana waxay xoguhu intaa ku dareen in qorshahaa ay ku jiraan qaar ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan ee taladda madaxtooyada waqtigan wax ku lihi, kuwaasoo la tilmaamay inay yihiin kuwa caalamku ku eeddeeyay kuwa hor taagan dhicida doorashada iyo geedi socodka dimoqraadiyada.
Xukuumadda talada haysa ayaa loo arkaa haatan mid lumisay kalsoonidii saaxiibada caalamka iyo tiqadii gudahaba, isla markaana waajahday go,doon siyaasadeed.
Fashilka Saleebaan Gaal + Filashada Mudo Kordhin + Ku Tumashada Hudheelada Laasvegas, USA Ee Wasiirka Arramiha Dibadda S/Land mohamed Biixi Iyo Kaanbaynkiisa Bulshada Caalamka + Ka Dhego Adayga Beesha Caalamka.
Hargeisa, Apr29, 2015 – Csh – Waxaynu la soconay maalintii Saleban ku soo guryo noqday Somaliland iyo jawaabtiisii ahayd adeer waa la kordhinayaa, waxaynu kale oo la soconay kulan qarsoodi ahaa oo Saleebaan iyo Siilanyo ahaa oo aay qasriga madaxtooyada aay ku yeesheen, halkaasoo xogogaal badani tilmaameen in aay yeesheen balamo adag iyo balan qaado waaweyn oo labada garab ka dhexeeya. Hadaba waxaa la weedhaaminayaa muddo kordhin suuqa aay ku kala iibsadeen kooxda xagjirka ah ee madaxtooyada ka hawl gala iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.
Wararka laga helaayo ilo ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Codkashacabkaa.com usheegay in uu Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal uu gudi u saaray muddo kordhin aan ilaa hada la aqoonin mawaaqifteeda, sidoo kalena waxa aay wararka intaa ku darayaan In Gudoomiye Saleebaan loo soo xambaariyay feker siyaasadeed oo uu ka qaayb yahay ka midho dhalinteeda. Sidaa awgeed looguna balan qaaday adduunkii uu ku kala furfuri lahaa diidmooyinka xooga leh ee kaga imanaya garabyada, kuwaas oo u saamaxa in uu hore ugu kufiyo muddo kordhin aan loo baahnayn oo ka badan xiliga aay Komishanka Doorashooyinka Somaliland cayimeen ee ku aaddan 26 June ee sanadka 2016 ka taasina aay keeni karto buuq iyo qas inay dalka geliso. Sidoo kale waxa reer Somaliland aad u hadal hayaan “miisaankii Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo la miisaan noqday gaadhi 120000$ oo shalay saxaafaddu soo sawirtay oo dawladdu siisay laba cisho ka hor uun.
Si Kastaba ha ahaatee waxaa maanta labada xisbi mucaarad u gudbiyeen gudoomiye Saleebaan codsi u dhignaa sidan :-
“Waxaan qarsoonayn in xukuumadu si cad u raadinayso korodhsiimo xileed laba sano ah iyada oo soo jeedintii komishanka ee qabsoomida doorashinka loo cayimay 1/june/2016, waqtigaas oo xilka xukuumada kordhin doona muddo sanad ah, anaga oo ka duulayna jadwalka komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu soo jeedinaynaa.
1-In aanay qaranka iyo shacbiga reer Soomaliland aanay qaadi Karin diyaarna u ahayn wakhti kale oo lagu darro jadwalka doorashooyinka loo cayimay
2-In haddii talaabadaa gurracan la qaado ay ina galinayso go’doon caalami ah
3- In ay gudaha soomaaliland-na ku keeni karto furfur iyo qaybsanaan siyaasi ah
4-In cadawga soomaaliland faaidaysan doono tafaraaruqa iyo tala xumidda timaada
5-Waxaa haboon in aynu qaadano talada iyo ergeda caalamiga ee ku salaysan ajiibada jadwalka doorashada
6-Haddii aanu nahay asxaabta mucaaradka ah waxaanu caddaynaynaa in aanu aqbalnay jadwalka iyo soo jeedintii koomishan doorashooyinka qaran, sidoo kalena aanaan marnaba aqbali doonin muddo kordhin ka baxsan jadwalka gudida doorashooyinka
7-Waxaanu shirgudoonka golaha iyo gole waynahaba ka codsanayanaa inay dhawraan wada jirka iyo iskuduubnida shacabka reer Soomaliland oo ay taageeraan go’aanka komishanka ee saddexda xisbi qaran isku raaceen.
Ilaahay dariiqa san ha idin waafajiyo, allahayow laba talaba tii roon
Wa Bilaahi Towfiiq
Xisbiga UCID / Xisbiga WADDANI. “
Haddaba waxaa jiray siyaasiyiin reer Somaliland ah oo u meeraysanayay dibadda si aan bulshada caalamku albaabada uga xidhan haddii xukuumadani mudo kordhis samaysato, waxaaynu xusi karaa Faysal Cali Warabe oo dawladdu ka bixisay dhamaan tigidhadii uu ku gaalabixinayay dalalka adduunka iyo shir jaraa’idaddii dhamaan Tv Somalida uu ka jeedinayay oo kuligood hal ujeedo xanbaarsanaa oo ah in doorashadu aanay qabsoomayn wakhtigeedii uuna ka masuul yahay Abdirahman Cirro, waa siduu hadalka u dhigayay Faysal A Warabe. Dhamaan Kulamadiisaasi bulshada caalamka ee u ololaynta xukuumadda Siilanyo waxaay keentay weji gabax iyo war laqabaa xiiso ma laha, taas oo Faysal ku keentay walaac siyaasadeed iyo rajo xumo, fariintiisii ugu danbeeysayna waxaay ahayd- “waxaa inagu soo kordhay dad leh na doorta oo somalia inagu wada”, taas oo weli daba socota u qaadan waaga horumarka Gudoomiye Cirro oo uu rabo inuu dacaayado uga dhigo arrimaha iyo kuwo kale oo badanba, markii uu caalamka ku soo fashilmay, taas oo bulshadu rajeeynayaan in dacaayadihiisaas raqiiska ahina iska fashilmayaan, waayo Faysal waxaa inooga filan cadaaymihii u adeegiddii Gaani ee uu wanjalay wiilashii “UFFO”. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada baa meelo badan socdaalo ku gaalabixinayo iyaguna ma dhalaays ah, kaas oo meel walba kala kulmay eedaymo fara badan oo loo hayo dawladan Siilanyo aayna ka mid yihiin ku tumashada xuquuqda iinsaanka, dadkii aay dawladdu qisaastay mudadii ugu danbeeysay oo dhamaan reer galbeedku cambaareeyeen.
Maxamed Biixi yoonis oo aqoonyahan reer Somaliland ahi kula kulmay hotel lagu tunto ee ugu qaalisan maraykanka kuna yaala magaalada Laas-vegas – USA, isaga oo aay wada socdaan gabadh cadaana oo aay saaxiib yihiin oo lagu magacaabo Judy Wilson oo u shaqaysa UN ayaa waxa uu u muuqday mid ku dawakhay siyaasadda somalida iyo guurka naagaha Somaliyeedba, dabeedna halkaa nasasho tumasha ah u yimi.
Hadaba guntii iyo gabagabadii haday run noqdaan arrimahaas la xidhiidha muda kordhinta gollaha guurtida ayaa waxay meesha ka saaraysaa rajadii ugu danbeeysay ee shacabku ka qabeen gollaha guurtida iyo jiritaanka Somalilandba, sidoo kalena waxay dedejinaysaa burbur Somaliland kaga yimaada guddaha iyo beesha caalamkaba.
By Shaakir Ahmed Warsame
Jamali555jamali555@gmail.com
Ohai, USA
Monday, 27 April 2015
Tuesday, 21 April 2015
Saturday, 18 April 2015
Warbixinta Beenta Ah Ee Ururka Solja U Gudbiyay CPJ + Tacadiga Suxufiyiinta Somaliland + Kacdoonka Suxufiyiinta Somaliland Oo Ururka Cusub Ee Secja Ku Dhawaaqay + Warbixin CPJ Ku Soo Baxday Oo Xaasaasiya.
London – 18 apr2015 – Csh – Waxaa bulshada somaliland ogaayeen sida lagu soo xulay gudidda cusub ee ururka Solja iyo doorkii aay ku lahayd madaxtoyadu, haddaba markii aay ku guulaysteen xukuumaddu soo xulista xubnahan cusub ee ururka Solja, ayaa waxaa markiiba olole loo galay sidii loo soo celin lahaa magac xumadda dawlada ugu faaf tay bulshada caalamka.
Ololaha xukuumada ee magac soo celinta waxaa iska kaashaday shaqsiyaad madaxtooyada ah oo aay ka midyihiin wasaaradda warfaafinta iyo Mohamoud Abdi Jama – gudoomiyaha ururka SOLJA, kuwaas oo dedaal adag u galay siddii aay been iyo borobogaando aan jirin uga dhaadhicin lahaayeen ururadda caalamiga ah ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha iyo mihnada saxaafadaba ee aay ku guulaysteen inaay keenaan Somaliland kana socday UN iyo ururadda madaxa banaanba ee bulshada caalamka. Haddaba imaatinka weftigaas waxa si qarsoodiya loola kulan siiyay shaqsiyaad aay dawladdu xushay, lalamana kulansiin dadkii tacadiyada sheganayay iyo dhamaan saxaafadaba balse xitaa gudida ururka Solja baan u wada dhamaayn la kulanka Ururka Solja waxaa keli ku ahaa gudoomiyaha iyo xoghayaha.
Gudidan Socdaalka ku tegay Somaliland waxaa kale oo lala kulansiiyay Saleebaan xuquuq oo lagu tilmaamay gudoomiyaha ururadda xuquuqda u dooda, Taas oo been ah, waayo shasigaan Saleebaan Xuquuq maaha nin metela oo loo doortay gudoomiyaha ururadda xuquuqu aadamaha, waa ta kale maaha nin xafiif joogta ah leh balse waa nin afku macaash ah oo shaqsiyaadka siyaasada kolba loo diro inuu caayo, waa nin qoraal badan u qora ururadda caalamka, waana shaqsi maanta ku xidhan laaluushka madaxtooyadu siiso.
Dhinaca kale ee la kulmay xubnahan ka socday bulshada caalamka waxaa ka mid ahaa madaxtooyada iyo wasaaradda warfaafinta. iyo qaar kale oo loogu yeedhay ururadda bulshada oon ah kuwa loo samaystay wax ka dhaadhiciyaasha bulshada caalamka ee sida adag u taageera dawladda Siilanyo.
Haddaba beentaa la fidiyay ee loogu daneeynayo dawladdan caadaaysatay tacadiga saxafiyiinta waxaa ka dhashay ka aamin baxa ururka suxufiyiinta Solja oo hadda ku jira jeebka dawladda kuna guulaaystay inaay been ka dhaadhiciyaan bulshada caalamka. Waxaa bilaabmay kacdoonkii ugu horeeyay ee uu ku burburayay ujrurka Solja, kaas oo shalay lagu dhawaaqay urur cusub oo lagu magacaabo “Secja” waxaan soo dhaweeynaynaa ururkan cusub.
Haddaba ururadda kale ee bulshada, Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo dhamaan shaqsiyaadka daneeya arrimahan waa in aay ka hawlgalaan sheekadan khaldan ee aay dawladdu ololaha aay ku af-xidhayso saxaafadda Somaliland. Iyagoo bulshada caalamka ahna loo sameeystay shaqsiyaad u adeega dawladda oo qoraalo been ah u gudbiya ururadda u dooda xuquuqda aadamaha iyo saxafada. Hoos ka akhriso waxa ku soo baxay boga CPJ.
Tom Rhodes/CPJ East Africa Representative
Conditions for the press in the semi-autonomous republic of Somaliland may, on the surface, appear to be improving. But without a functioning media law to lend protection and pending legislative elections, journalists remain wary of state harassment.
Authorities have, for instance, decreased the rate and duration of arbitrary detentions of journalists, Mohamoud Abdi Jama, chairman of the Somaliland Journalists Association (SOLJA), told me during a U.N.-led trip in March to meet officials, journalists, and civil society actors in the capital, Hargeisa. The purpose of the visit by U.N. agencies and media-related non-profit organisations was to assess the needs and conditions of the press in Somaliland. In 2012, when CPJ last visited Hargeisa, hardly a week would pass without authorities detaining journalists for unfavourable coverage. According to the association’s chairman, between January and April 1 nine journalists were detained: half of what CPJ recorded over the same period in 2012.
Both Deputy-Minister of Information Shukri Harir Ismail and Mohamoud told me the flurry of arrests reduced due to greater interaction and negotiation with authorities. “This has also led to less long-term detentions,” Mohamoud said, to the point where in “most cases journalists are held for a few hours.”
CPJ is an independent, nonprofit organization that works to safeguard press freedom worldwide.
Contact:
Sue Valentine
Africa Program Coordinator
Tel: +1 212-300-9004
Email: svalentine@cpj.org
Sue Valentine
Africa Program Coordinator
Tel: +1 212-300-9004
Email: svalentine@cpj.org
Kerry Paterson
Africa Research Associate
Email: kpaterson@cpj.org
Africa Research Associate
Email: kpaterson@cpj.org
Peter Nkanga
West Africa Representative
Email: pnkanga@cpj.org
West Africa Representative
Email: pnkanga@cpj.org
Tom Rhodes
East Africa Representative
Email: trhodes@cpj.org
East Africa Representative
Email: trhodes@cpj.org
Thursday, 16 April 2015
Somaliland elections postponed for nine months
MOGADISHU, Somalia, March 9, 2015 (Garowe Online)-The anticipated general elections of breakaway Somaliland region in northwestern Somalia have been postponed on Monday, Garowe Online reports.
Somaliland Electoral Commission spokesman Saed Ali Musse told a news conference in the capital, Hargeisa that election deadline has been extended by nine months-a move that drew quick support from the two opposition parties and ruling Kulmiye party. He said the decision was made on account of the remaining time inadequacy and the untimely registration of voters. Musse said, the registration process will be commenced in late July while speaking next to officials representing Wadani, Justice and social welfare and ruling Kulmiye parties. On March 4, the two main opposition parties united against the ruling party, calling on the government to hold parliamentary and presidential elections at the due-date. In mid-2014, opposition figures strongly contested the theme of election delay, threatening that interim government would come into being by year end. Despite premature resignation by four minister-designates, President Siilaanyo reshuffled his cabinet last week. Somaliland, located in northwestern Somalia declared its independence from the rest of the country as de facto sovereign state but it has not been recognized internationally yet.
Somaliland is political crisis Model Nation Grapples with Graft leading by President Siilaanyo regime
Somaliland, a de facto independent state in the Horn of Africa was a British protectorate over 80 years. Shortly after gaining its independence in 1960 it merged with the Italian colony in Somalia to form the first Somalia Republic. Following the collapse of the Somali state in 1991 due to the civil war,
Somaliland declared its independence from Somalia, claiming the colonial boundaries; it inherited from the British Government in 1960
Since then, Somaliland has undergone a remarkable political transformation, while it has departed from the customary way of governance to a constitutional democratic form of government under the Constitution, which was approved by the public in a referendum conducted on 31 May 2001.
From that time onwards, Somaliland has gone through different levels of presidential, parliamentary, and local elections, while the opposing contesting parties have accepted the results.
Some argue that Somaliland is living through the worst political crisis since the 2010 the elections were won by the former President of Dahir Riyale. That is not certainly exaggerated. Somaliland’s democracy under President Siilaanyo Government is at risk. Even so, finding a solution to corruption will not be easy, since it requires strong leaders who can commit to injecting greater transparency.
Somaliland has long been considered one of Horn of Africa least corrupt countries before Siilaanyo regime, which is why recent revelations have left the nation in shock. Both right and left wing parties have been implicated in corruption scandals, and President Siilaanyo his son-law has been accused of using his influence to make lucrative corruption and land deals.
The scandals have led to a serious decline in public confidence in the political elite and have damaged Siilaanyo reputation and her ambitious reform agenda for the up-coming election end of 2015.
After a period of many of Somaliand’s political leaders have begun to recognize that the general public has grown extremely disenchanted with them and the political system as a whole. As a remedy, the leader of Somaliland National Party has begun behind-the-scene negotiations for a “great accord” that would be implemented by a central institution, like the National Election Commission, to make electoral promotion reform a priority.
The current crisis began in October 2014. When the speakers of Parliament and Members of Parliament try to re-correct the election act (Article 20), when the Siilaanyo regime manipulate and miss-interpret the constitutionals acts of elections which has described the process of the Presidential and Parliamentary for up-coming elections in Somaliland.
Because of they has been changed some elements, regarding the way out of the procedure of election. For example they add in the act of election article 20; the Presidential and Parliamentary election will be held, after six months after the voter registration will be finalized.
On the other hand they didn’t emphasis the certain point for that times the National Election Commission of Somaliland will provide to the nation.
However, it’s quit and clear the current government of the Siilaanyo regime has preferring by any mean how will acquire the two years extension without legal justification
The international donors those who support the elections and democratic promotion of Somaliland people they had not formally welcome the Presidential election of Somaliland Delays. While the Siilaanyo regime has drilled the extension phenomena for his government accede.
Therefore, they have engaged higher delegation with diplomatic mission, and the (EUSR HORN OF AFRICA TEAM) those who visited late March-2015 for the fact and find mission with coalition international prosecutes elections involving for the political future in Somaliland.
The two national opposition parties that leads Somaliland National party (WADDANI PARTY) and the right-wing Independent Democratic Union (undertaking consultation with elders forum) called ( MADASHA WADATASHIGA) has accused, the Siilaanyo regime by using the delayed tactics for to extend the up-coming election of Somaliland,
This turn of events proved a windfall for President Siilaanyo leftist supporters, fortunately the opposition coalition who was quickly denounced the Independent Democratic Union as a corrupt instrument of the political right.
They also took the opportunity to vilify for siilaanyo regime and denounce neoliberal policies that led to under-regulation of the National Election Commission. This scandal received widespread attention for the international media, especially since international prosecutor’s election leaked confidential material for the municipality elections in Somaliland 2011
Ambassador Abdirizak Diinaari
Independent Diplomat for
International consultant Peace and Development
Shacabka Somaliland Waa Inay Diidaan Dhaxal Wareejinta Dekkeda Berbera Ee Shaqsiyaadku U Soo Tafa Xaayteen Sidii Aay U Dhaxal Wareejin Lahaayeen Dekkeda Berbera.
Berbera, 16 apr 2015- Csh -Waxaa nasiibdaro ah in xukuumadani nidaamkii dawladnimo ubedeshay Hab-shirkadeed Ganacsi ah oo gacan wadaag ah. Waxaana kaaga markhaati ah isbaaradaii ay Dekeda Berbera u dhigtay Baabuurta ee shacabku ku diiday ee ay ku fashilantay xukuumadu dhawaan. Dastuurka qaranka ayaa damaanad qaadaaya oo qeexaaya in hadii ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 6 bilood aaney maalgashi caalami la geli karin shirkadaha Caalamiga ah ee aduunka. waxaana waqtigan uu wadanka JSL ku jiraa waqti kala guur ah maadaama ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 3 bilood mudo xileedkii loo doortay dalka, sidaa daraadeed Shirkado caalami ah heshiis lama geli karto waqtigan xaadirka ah. Hadii ay xukuumadu isku daydo in ay Dekeda Berbera shirkado ku wareejiso waqtigan kala guurka ah ee ay xukuumada u hadhay 2 bilood iyo badhka waa in shacabka reer Somaaliland ha ka horyimaadeen oo ka dhiidhiyaan go’aankaa ay xukuumadu dooneyso in ay ku wareejiso Dekeda Berbera dhawaan.
Somaliland waa wada qabyo oo ma dhameystirna dhamaan xeerarkii iyo shuruucdii maalgashiga caalamiga ahaa looga baahnaa , Tusaale ahaan Somaliland Waa qabyo oo ma dhameystirna xeerarkii adkeyn lahaa seeska cadaaladeed ee Maalgashiga hantida maguuranka ah ee Qaranku sidaa daraadeed JSL ma laha:
1- Shuruuc iyo Xeerar dhamaystiran oo Maal-gashi ( Halka Wax ka bedelista iyo kaabista xeerka maalgashiga ee JSL uu mudo dheer yaalay Golaha Wakiilada oo uu dhasku ku dhacay ) taas oo xukuumadu damacsan tahay hada in ay ka faaideysato.
2- Somaliland ma laha Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas oo damaanad qaad iyo magdhowba bixiya hadii khasaare dhaco.
3- JSL ma laha Maxkamado tayo leh oo madax banaan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismari waa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga sida aynu ka dheregsanahayna maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba waa iib sida waxbarashada iyo caafimaadka .
4- Amniga oo sugan min bari ilaa galbeed taas oo ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku sameyso Qiimeyn amni oo sugan oo isku wada halbeeg ah.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan,taas oo maanta la isku wada raacay in xukuumadani musuq-maasuq hadheeyey oo ay noqotay xukuumad xaaluf daaq ah oo dhoobo qaad ah.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee is ishuwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo ” oo macnaheedu yahay in xukuumada iyo dilaaliinteedu ay dha-dhamo dheecaan siistaan oo Dilaalis iyo Aduun buuran laga dhufsado shirkadaha quud dareynaaya in ay la wareegaan Dekeda Berbera.
2- Somaliland ma laha Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas oo damaanad qaad iyo magdhowba bixiya hadii khasaare dhaco.
3- JSL ma laha Maxkamado tayo leh oo madax banaan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismari waa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga sida aynu ka dheregsanahayna maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba waa iib sida waxbarashada iyo caafimaadka .
4- Amniga oo sugan min bari ilaa galbeed taas oo ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku sameyso Qiimeyn amni oo sugan oo isku wada halbeeg ah.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan,taas oo maanta la isku wada raacay in xukuumadani musuq-maasuq hadheeyey oo ay noqotay xukuumad xaaluf daaq ah oo dhoobo qaad ah.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee is ishuwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo ” oo macnaheedu yahay in xukuumada iyo dilaaliinteedu ay dha-dhamo dheecaan siistaan oo Dilaalis iyo Aduun buuran laga dhufsado shirkadaha quud dareynaaya in ay la wareegaan Dekeda Berbera.
Waxaa Shacabka reer Somaliland ka dheregsan yahay Heshiisyadii tirada beelay ee mugdiga iyo mad-madowagu ku meersanaa ee ay xukuumadu la gashay Shirkadaha badan ee Shidaalka sahamiya ku waas oo hada ciidan loo sameystay oo aan weli la horkeenin Golaha Baarlamaanka si ay shaqadooda uga gutaan oo u ansixiyaan. Hadaba waxaa qalad ah oo qadaf ku ah sunaha dawladnimo sifaha is bar-bar yaaca ah ee Dilaalista loogu weeraray ee loo weeteeyey shirkadahan quud daraynaaya in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera , kuwaas oo ay ka midka yihiin;
1- Bollore oo Fransis ah
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
Shirkadahan waxaa u dus dusay oo udabo marteeyey Gudidii loo xil saaray si ay Dilaalis buuran uga qaataan shaqsiyaad ku xidhan xayndaabka madaxtooyada oo aan wadanka xilal ka haynin. iyada oo hada lagu jiro waqti kala guur ayaa xukuumada Siilaanyo badka soo dhigtay in Hantidii maguuraanka aheyd ee dalka la xaraasho oo ay kula shuraakowdo Ganacsato ku saleysan is xulafeysi iyo isxaafadeysi waxaana horumarkii qaranka adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq baahsan taas oo meesha ka saartay xalibnaantii, xilgudashadii iyo isxisaabintii dawladnimo.waxaana ay arintani ay nusqaan iyo haybad la’aan ku tahay haykalkii dawladnimo.
”
”
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Xukuumada Siilaanyo oo mudo xileedkeedii dastuuriga ahaa ay hada uga hadhay 75 maalmood oo keliya ma wareejin karto Dekeda Berbera ee qaranka Somaliland waqtigan xaadirka ah. Waxaa kale oo shacabka reer Somaliland lala socodsiinayaa in aanay dhameystirneyn Somaliland sharciyadii iibinta iyo wareejinta hantida maguuran ee qaranku. Sidaa daraadeed Qarankani ma laha sharcigii iyo xeerarkii adkeynaayey seeska cadaaladeed ee maalgashiga Hantida ma guuraanka ah ee Qaranka. Waxay xukuumadani ku caanbaxday Xaaluf daaq Dhoobo qaad ah oo aan waxna xeerin waxana ka xishoon. Waxaan Xukuumadan u soo jeedinayaa in ay ilaaliso maslaxada guud ee qaranka JSL oo ay ka waantoowdo in ay ilaha dhaqaalaha ee wadanka dhaxal-wareejiso una sadqeyso in 4 dilaal ay masiirkii 3.5 Million ee reer Somaliland ay sida ay doonaan ka yeelaan oo dilaalis uun siistaan
Shacabyahow Tiraa Kaa gedmane Wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
Wednesday, 15 April 2015
Thursday, 9 April 2015
Subscribe to:
Posts (Atom)