Laalaadii dadweynaha reer Somaliland loo sheegay oo iska soo af jarantay. Sheekaddii waxay ku soo afgoday in xarunta "Glencree Centre for Peace and reconciliation" loo baryo tegay, si aay u heshiisiiyaan EU iyo Maamulka Siilanyo oo hore u kala xidhiidh furtay. Dalalka ku bsaahoobay EU aay shuruud iyo digniin adag hore u siisay maamulka Siilanyo oo ahayd qabasho doorasho xor ah. Arrinkan oo Cabdifatax uu soo diyaariyay ama uu ninka xadhiga xidhay ka ahaa baa u eg mid fashilmay oo dawlada Irelandna waxba ka qaban karin, waayo go'aanka Yurub waa halkiisii. Haddaba muwaadiniinta reer Somaliland ee dimuqraadiyada jecel kuna sugan wadamada EU waa inaay fikirka dhabta ah u gudbiyan dalalkan, waayo maamulka gaayo ku raag been ayuu la meeraysanaya, wuuna ka warwareegayaa doorashooyin xor ah.
No comments:
Post a Comment