Sunday, 25 October 2015
Wednesday, 7 October 2015
Abdirashid H Mataan Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Ucid Oo Canbaareeyay Falkii Boorame Xalay.
Abdirashid H Mataan oo ku sugan dalka Uk ayaa maanta qoraal uu ku qoray bartiisa Social media cambaareeyay falka ka dhacay magaalada Borama gaar ahaan guriga Guddoomiyaha Gobolka. Waxan ka tacsiyadeenayaa ciidanka iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay falkaa foosha xun ee argagisnimada leh. Waana in maxkamad la horkeeno ciddii masuulka ahayd falakaa.
Sidoo kale waxan cambaaraynayaa xadhiga loo geystay ganacsatada iyo madax dhaqmeedka aan dembiga faraha kula jirin ee xalay lagala baxay guryahooda oo aan xadhigooda loo marin sifadii sharciga ahayd sida uu dhigayo dastuurka JSL.
Bulshada gobolka Awdal waxan kula dardaarmayaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khalkhal gelinaysaa amniga iyo degenaanshaha gobolka iyo guud ahaanba qaranimada Somaliland.
Tuesday, 6 October 2015
Beenta ku duugan Safarka Siilanyo ee Ireland
Laalaadii dadweynaha reer Somaliland loo sheegay oo iska soo af jarantay. Sheekaddii waxay ku soo afgoday in xarunta "Glencree Centre for Peace and reconciliation" loo baryo tegay, si aay u heshiisiiyaan EU iyo Maamulka Siilanyo oo hore u kala xidhiidh furtay. Dalalka ku bsaahoobay EU aay shuruud iyo digniin adag hore u siisay maamulka Siilanyo oo ahayd qabasho doorasho xor ah. Arrinkan oo Cabdifatax uu soo diyaariyay ama uu ninka xadhiga xidhay ka ahaa baa u eg mid fashilmay oo dawlada Irelandna waxba ka qaban karin, waayo go'aanka Yurub waa halkiisii. Haddaba muwaadiniinta reer Somaliland ee dimuqraadiyada jecel kuna sugan wadamada EU waa inaay fikirka dhabta ah u gudbiyan dalalkan, waayo maamulka gaayo ku raag been ayuu la meeraysanaya, wuuna ka warwareegayaa doorashooyin xor ah.
Jamal Cali Husseen Oo Xiisada Berbera Si adag uga Hadlay
Jamaal Cali Hussien oo si adag uga hadlay xiisada ka taagan berbera iyo haamaha oo uu ku sifeeyay haddii aay xukuumadu aay isku daydo inaay xoog ku wareejiso in cimriga dawladu uu halkaa ku dhamaanayo.
Subscribe to:
Posts (Atom)